f
Xarafka lixaad ee xuruufta afka soomaaliga, waana shibbane.
faa'
Shimbir yar oo dhoor iyo daba dheer leh oo qoollayda in yar ka weyn.
faa'id
'iid.
faa'idaddoon
'iidaddoon.
faa'idee
'iidee.
faa'ideyn
'iideyn.
faa'ideysad
'iidaysasho.
faa'ideysasho
'iideysasho.
faa'ideysi
'iideysasho.
faa'ideyso
'iideyso.
faa'idid
'iidid.
faa'ido
'iido.
faa'iid
Munaafacaad dheeraad ah oo wax loo hawl galay ka helid. ld faa'id.
faa'iidaddoon
F. ah: qof u halgamaya inuu faa'iido helo. ld faa'idaddoon, faa'iidoddoon.
faa'iidee
U f.: cid faa'iido u tarid. ld faa'idee.
faa'iideyn
'iidee. ld faa'ideyn.
faa'iideysad
'iideysasho.
faa'iideysasho
'iideyso. ld faa'ideysad, faa'ideysasho, faa'ideysi, faa'iideysi.
faa'iideysi
'iideysasho.
faa'iideyso
1. Wax kororsasho (cid). 2. Ka f.: si dhagari ku jirto cid dan uga fushad. ld faa'ideyso.
faa'iidid
'iid. ld faa'idid.
faa'iido
1. Munaafacaad dheeraad ah oo wax loo hawl galay laga helo. 2. Badeeca marka la gado, inta raasumaalkii hore ku kororta. ld faa'ido, feydo¹.
faa'iidoddoon
'iidaddoon.
faad
Cunto, cabbid, daawo iwm nafaqo iwm waxtarkii ay lahayd raagid awgeed lumin.
faaddir
/dh (-riin, m.dh) Bil soon nin aan soonayn.
faaddirad
Bil soon haweenay af-furan.
faaddirnimo
Faaddir ahaansho.
faadumo
Farta u dhaxeysa faryarada iyo fardhexaadda.
faaf
1. Meesha wabiyadu iyo daadadku ku fatahaan. 2. ld faafid.
faafi
War, cudur iwm meel si ballaaran ugu baahin. ld faahi, faaxi (2).
faafid
ld faaf¹ (2), faah¹, faahid, faax¹ (2), faaxid.
faafin
ld faafis, faahin, faahis, faaxin, faaxis.
faafreeb
Guddiga baara filimada, jaraa'idka, buugaagta iyo riwaayadaha inta aan loo bandhigin dadweynaha.
faafto
Ceel maaxda oo dowlis lagaga cabbo.
faag
1. Dhul iyadoo aan hoos loo dheereyn qodid. 2. Geed, koor iwm laga qorayo qaabayn.
faagasho
ld faagad.
faago
/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Dibi jixinaya raaf dhul ku jiidid. 2. (f.g) Dhul hoos u qodid. 3. (f.mg) Ka f.: in yar ka fogaasho.
faah
(2), faafid.
faahfaah
F. ah: sii caddays (hadal iwm); waxkasheeg; faallo.
faahfaahi
Si buuxda arrin u sharaxid.
faahfaahin
ld faahfaahis.
faahfaahsan
Wax la faahfaahiyey ahaansho.
faahfaahsanaan
ld faahfaahsanaansho.
faahfaahsanaansho
/dh ld faahfaahsanaan.
faahi
Cid magaceed, war iwm baahin. ld faafi.
faahin
Qof fahmo badan.
faajafaajo
Qof ladan isaga oo aan dan lahayn tago meelo kala duwan, ama waxaan muhim ahayn lacag ku kharajgarayo.
faajafajoo
Qof ladan oo waxan muhim ahayn lacag badan ku kharajgarayn, xarrago ama faakihaysi dartii.
faajeer
Nin bakhayl ah oo aan xilkas ahayn.
faajir
Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.
faajirad
Naag wax diinta xaaraantimaysay samaysa.
faajirnimo
Faajir ahaansho.
faakharad
Dabayl ka dhacda xeebaha badweynta Hindiya xilliga dayrta.
faakihaysasho
ld faakihaysad, faakihaysi.
faakihayso
Raaxo waqti isku dhaafin.
faal
Farsamo loo adeegsado kuul, aleel, turub, dhulxarriiqid iwm oo lagu mala'awaalo wax dhacay ama dhici doona.
faalal
1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. ld faalalid.
faalalid
ld faalal¹ (3).
faalallow
1. Nin faalka yaqaan. 2. Sixirrow. ld faalshow, faashow.
faalaxgooddi
/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) ld falaxgooddi².
faali
Faal dhigid.
faalig
1. Si aan nidaamsanayn wax u feteshid. 2. Si aan nidaamsanayn wax u cunid. ld faalug.
faaligid
ld faalugid.
faalij
Xubnaqalal.
faalikad
Jirrid geed weyn oo go'an oo dhismo loogu talaggalay.
faalin
ld faalis.
faaliye
Faallalow.
faallee
Faallo wax ka bixin.
faallo
Faahfaahin lagaga hadlayo dhacdo, meel, wax iwm. ld faalle.
faalloo
Ka f.: wax faallo ka bixin.
faaltow
1. Markab aan waqti u go'an lahayn oo kolkuu imaanayo iyo mar kale la kala aqoon. 2. Qof dawdar ah oo hadba meel aan laga filayn taga. 3. Dibi banjoog ah.
faambi
1. Si aan habboonayn oo wax loo cuno. 2. Qasidda wax nidaamsan la isku qaso. ld faambiyid.
faambiyid
ld faambi¹, faambin.
faan
Hadal aan dhab ahayn oo cid lagu ammaano.
faanfaan
1. Fal kibir ku jiro oo cid muujiso si loogu ammaano. 2. ld faanfaanid.
faanfaanid
ld faanfaan¹ (2).

