Words starting with 'F'
1,977 Somali words beginning with 'F' — page 13 of 20.
fidnawale
Qof dadka isku dira oo fidna ku dhex beera. ld fidmawade, fidmawale, fidnawade.
fidnayn
ld fidmayn.
fidnee
Fidno ku abuurid. ld fidmee.
fidno
1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.
fidnoole
Qof dadka isku dira oo colaad dhex dhiga.
fidro
Seko dadka laga bixiyo oo ay waajib ku tahay in uu bixiyo qof kasta oo muslin ah oo awooda dhammaadka bisha Ramadaan.
fidsan
Wax la kala bixiyey ahaansho.
fidsanaan
ld fidsa-naansho.
fidsanaansho
/dh ld fidsanaan.
fidso
Wax kala baxsasho.
figee
Cid iyadoo caloosha dhulka loo dhigayo garbadduub u xirid.
figeyn
ld figeys.
figeysan
Wax la figeeyey ahaansho.
figeysnaan
ld figeysnaansho.
figeysnaansho
/dh ld figeysnaan.
figle
Kor u taaggidda wadaan biyeysan si xoog iyo xeelad leh kor loogu taago.
figlee
Figle samayn.
figleyn
ld figleys.
fiic
F. ah: qof karti iyo hufnaan ku sifoobey.
fiican
1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ku f.: wax si gaar ah wax ugu wanaagsan ahaansho.
fiicnaan
ld fiicnaansho.
fiicnaansho
/dh eeg fiicnow. ld fiicnaan.
fiicnee
Wax wanaagsan ka dhigid.
fiicnow
Wax wanaagsan noqosho.
fiid
1. Buur, laan iwm meesha ugu sarreysa. 2. Ubax.
fįid
Amminta u dhexeysa maqribka illaa cishaha.į
fiid-dambe
Xilliga u dhexeya maqribka illaa cishaha.
fiid-dhacsasho
ld fiiddhacsad, fiid-dhacsi.
fiid-dhacso
Geed ubax daadin.
fiid-horaad
Fiidka intiisa hore.
fiid-horor
1. Waqti fiid ah dad weerar ku qaadid. 2. Fiid-horaad wax qabasho.
fiidaaddow
Waqtiga aasku madoobaado.
fiidcaarre
Fiid-horaad. ld fiidcarre.
fiidcarraysasho
ld fiidcarraysad, fiidcarraysi.
fiidcarrayso
Fiidka hore arrin qabsasho.
fiidgoosasho
ld fiidgoosad, fiidgoosi.
fiidgooso
Fiid hawl qabasho.
fiidgooyo
Hawl la qabto fiid-horaadka. ld fiid-horor.
fiidi
1. Geed ubax bixin. 2. U f.: xoolo, fiid daajin.
fiidimo
Cuntada fiidkii la cuno; casho.
fiidmaal
Xoolo fiid maalid.
fiidmeer
Haad naasleyda ka mid ah, cayayaanka ku nool leh, baalal xuub adag oo ay wax ku dareento oo habeenkii duusha; kibilli.
fiidnimo
Waqti fiid ah.
fiidraac
Fiid-horaad guurid.
fiidraacid
ld fiidraac¹.
fiidsasho
ld fiidsad, fiidsi.
fiidso
Waqti fiid ah maararroobid.
fiigcararid
ld fiig-carar¹.
fiigid
ld fiig¹.
fiigsan
Wax la fiijiyey ahaansho.
fiigsanaan
ld fiigsanaansho.
fiigsanaansho
/dh ld fiigsanaan.
fiigtaal
1. F. ah: neef tood ama fiige ah oo ay adagtahay in la maalo. 2. F. ah: neef didsan oo aan la qaban karin. ld fiigaal.
fiiji
Fooryid.
fįiji
Wax didid.
fiijin
ld fiijis.
fįijin
įiji. ld fįijis.
fįijis
įijin.
fiil
Midab cad oo geela iyo farduhu yeshaan.
fiillo
Aqal weyn oo gooni u go'an oo deyd leh.
fiilo
1. Daliigo bir ama naxaas ama macdan kale ka samaysan oo korontada la raacsiyo. 2. (muus.) Xargaha shareerada.
fiin
1. Jaad ka mid ah shimbiraha oo leh qaylo dheer oo meel fog laga maqlo, dadkuna rumaysanyahay inay ka digto colaad ama roob badan; galaw, dhebed. 2. Geed, buur iwm. meeshooda ugu sarreysa. 3. Kuul yaryar oo haweenku xirto.
fiin-barbaar
Findoob.
fiindhayn
ld fiindhays, fiindho.
fiindhee
1. Sabuul qob ka qaadid. 2. Wax kala shaandhayn.
fiiqan
1. Wax dubka laga qaaday ahaansho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay ahaansho. 3. Wax indhaha laga qalay ahaansho. 4. Wax qashin laga xaaqay ahaansho.
fiiqnaan
ld fiiqnaansho.
fiiqnaansho
/dh ld fiiqnaan.
fiiqo
1. Wax dub ka qaadasho. 2. Wax caarad dhuuban u yeelasho. 3. Meel qashin ka xaarasho.
fiiqsasho
ld fiiqsad, fiiqsi.

