Words starting with 'F'
1,977 Somali words beginning with 'F' — page 20 of 20.
furxin
ld furxis.
fushade
1. Roob badan oo bartamaha guga da'a. 2. Xilli gu' bartankiis ah oo roob badani da'o.
fusho
1. Xoolo wabax ah ceel ka kaxaysasho. 2. Wax dani ku jirto qabsasho.
fushuqi
Maro si jugayn ah u dhiqid.
fushuqin
ld fushuqis.
fushuqsan
Wax la fushuqiyey ahaansho (dhar).
fushuqsanaan
ld fushuqsanaansho.
fushuqsanaansho
/dh ld fushuqsanaan.
fushuqsasho
ld fushuqsad, fushuqsi.
fushuqso
Maro si fushuqsi ah u dhaqid.
futaxumeeye
Surweel daba gaab ah.
futo
1. Afka malawadku ku dhammaado oo saxaradu ka baxdo. 2. Halka dhulka la dhigto marka dadku fariisanayo; sal.
futuux
Xilliga doonyuhu bilaabaan gooshidda oo ku beegan bisha oktoobar.
fuud
Hoore si tartiib ah uga dhergid.
fųud
Cabbir wax lagu cabbiro oo u dhigma yaardi saddex meelood loo qaybiyey meeshiis.
fuud-dhuug
Bushinta hoose meesheeda godan oo timaha yari ka baxaan.
fuudafuude
Digir fuud laga dhigay.
fuudi
U f.: cunto jilicsan si tartiib ah cid u siin.
fuudsasho
ld fuudsad, fuudsi.
fuudsii
Nafley maraq cabsiin.
fuudso
Si tartiib ah hoore u cabbid.
fuujis
Ceel cabbiddiisa marba cid ama koox loo daayo.
fuul
1. Wax kor u tafid. 2. Wax dushiisa ku boodid. 3. Haweeney kufsasho.
fuuli
1. Nafley meel aanay kori karin saarid. 2. Maxas gaadid ku qaadid. ld fuulsii, fuushii.
fuulid
ld fuulis², fuullimaad, fuulmo.
fuulin
ld fuulis¹, fuulsiin, fuushiin.
fuullaan
Aqoonta iyo isticmaalka fardaha iyo rakuub fuulidda.
fuullaandhaaf
F. ah: nin aad ugu xeel dheer fuulidda fardaha; fardadhaari.
fuulmo
1. Galmo. 2. ld fuulid.
fuundi
Nin xirfadda daaraha lagu dhiso yaqaan; wastaad.
fuunto
Ukun waqtigii la isticmaali lahaa dhaaftay oo aan waxtar lahayn. ld fuundo.
fuuntoobid
ld fuundoobid.
fuuntow
Ukun fuunto noqosho. ld fuundow.
fuuq
Hoore si tartiib ah uga dhergid.
fuuqbax
Biyaha oo ka yaraada soohyada jirka, waxayna ka iman kartaa: qaadasho la'aan biyo jirka ku filan. Biyo badan oo ka baxa jirka (dhidid, matag, shuban). Astaamo: harraad badan, itaal darro iyo lallabo.
fuuqdhabiil
Qof aad u dhabiil badan oo aan oggolayn in ay waxyar dhaafaan.
fuuqdhabiilnimo
Fuuqdhabiil ahaansho.
fuuqsasho
ld fuuqsad, fuuqsi.
fuuqso
Wax hiinsasho.
fųur
1. Dibirid. 2. Dhulka ka soo foocid. 3. Caano dhanaan awgeed faar kor soo marid.
fuuraa
Dhicis xoolaad oo isagoo bakhti ah dhashay.
fųurid
ųur².
fųursan
Wax fuurey ahaansho.
fųursanaan
ųursan. ld fųursanaansho.
fuuryeel
Ka f.: wax la qaybsanayo qof qaybta uu ku leeyahay siin inta aan la qaybin.
fuushan
Wax, wax kale dusha ka saaran ahaansho.
fuushanaan
ld fuushanaansho.
fuushanaansho
/dh ld fushanaan.
fuusto
Weel bir ah, adag, qaab dhululubo leh oo laba boqol oo litir qaada; barmiil. ld foosto.
fuwo
1. Xidid asalkiisa lagu rinjiyo cawda. 2. Dhar aan xariir iyo suuf midna ahayn oo tayadiisu xuntahay. 3. ld fawo.
fuxshi
Fal xun oo aan diinta iyo dhaqankuba oggolayn.

