Words starting with 'F'
1,977 Somali words beginning with 'F' — page 11 of 20.
fatashid
feteshid.
fatasho
Wax, wax kale ka dhex baarasho. ld fatisho, fetesho.
fati
1. Dhiriq lo'aad. 2. Wax aad u badan oo aan cidina wax ka waayeyn.
fatihid
ld fatah¹.
fatiil
Liifad. ld fatiilad.
fatuurad
Baabuur yar oo gudaha ku leh kuraas jilicsan oo lagu fariisto, dhinacyadana albaabo iyo muraayado. ld fatuuro.
fatuux
Tamuux, bataax, bacad.
fatwo
Jawaabta mufti ka baxsho arrin diin ku saabsan oo adag.
fawee
Maro fawo u yeelid.
fawo
1. Dun midab leh oo dharka qurxiso. 2. ld fuwo.
fax
F. ka dheh: dhidid, nabro iwm si lama filaan ah hal mar ay soo wada baxaan.
faxal
Rimaygacmeed lagu sameeyo geedaha aan labaabshaha ahayn sida timirta iyadoo la goynaayo khaylka lab oo marka la qallajiyo lala dhaco khaylka dheddig oo geedkiisii ku yaal.
faxalside
(baay.) Mid ka mid ah qaybaha taranka ee lab ee ubaxa.Waxay ka koobantahay qayb sare oo bacrinsami karta (faxal) oo ku dul taalla liif dheer oo ma dhaleys ah.
faxan
Wax deeq badan ahaansho.
faxane
Deeq badane (Ilaah).
faxdi
1. Deeq. 2. Qof deeqsi ah.
faxid
ld faxis.
faxlid
Dariiqadda uu faxalku ku tago sibiisha fur ubo-ubax.
faxlid-tallow
Gudbinta faxalka ee laga soo qaado faxalsidaha geed loona gudbiyo fur ubo-ubaxda geed kale.
faxnaan
ld faxnaansho.
faxnaansho
/dh ld faxnaan.
fay
1. Kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa. 2. Caarad; gees.
fayadaysan
Wax fay qaba ahaansho (xoolo ama dad).
fayadaysnaan
ld fayadaysnaansho.
fayadaysnaansho
/dh ld fayadaysnaan.
fayadhawr
Qayb ka mid ah cilmiga dhakhtarnimo oo lagu barto ka hortagga cudurrada. ld fayodhow.
fayaqab
1. Xaalad jirro la'aaneed oo lagu suganyahay. 2. ld fayaqabid.
fayaqabid
ld fayaqab¹ (2).
fayiig
Daymo aan indhaha aad loo kala qaadeyn iyadoo la fiirinayo wax fog ama iftiin xoog badan oo indhaha ka horyimaada.
fayiigsasho
ld fayiigsad, fayiigsi.
fayiigso
Indho binixsi samayn.
fayl
1. Gal. 2. Kaabiga ugu sarreeya ceel afkiisa.
faylaggoo
1. Nafley boqongoyn. 2. Cid khasaare ballaaran u geysasho.
faylam
(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolaha kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku dhow oo dir. Faylamka waxa ka mid ah borotosoowa, borifera, nimatoodha, artaroboodho, moolaska iyo koordhaata.
faylasuuf
Nin cilmiga falsafada yaqaan.
faylduub
Qaab loo xiro neef si aanu u cararin iyadoo boqonta xarig looga dhuujinayo.
faylduuban
Neef, wax la faylduubay ahaansho.
faylduubnaan
ld faylduubnaansho.
faylduubnaansho
/dh ld faylduubnaan.
fayo
Caafimad, jiro la'aan, bedqabid. ld fayad.
fayodhowr
Cilmiga caafimaadka iyo aqoonta ilaalinta caafimaadka gaar ahaan horumarinta nadaafadda.
fayoobaan
ld fayaabi, fayoobaansho, fayoobi.
fayoobaansho
/dh ld fayoobaan.
fayow
Wax caafimaad qaba ahaansho.
fayraq
Maro si dhuudhuub ah loo jeexay jeex ka mid ah.
fayras
(daaw.) Saxar aad u yar oo aan lagu arki karin weyneyso fudud ama aan lagu shaandhayn karin shaandho, laakiinse awood u leh, inuu ku dhalo kuna dheefsado unug kale dhexdiisa.
fays
Catir.
faytamiin
(baay.) Mid ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noolayaashu uga haahanyihiin xaddi yar si ay cafimaadkooda u sugaan. ld fitamiin
febraayo
Bisha labaad ee sanadka miilaadiga ah.
feddo
Dhul sare oo siman.
feded
Wax cabsi awgeed uga cararid.
fededi
Qof in uu cabsi awgeed wax uga cararo gayeysiin.
federaali
Midow dhex mara gobollo madaxbannaan oo mid waliba leedahy sharcigeeda gudaha, laakiin uu ka dhexeeyo dastuur kaliya. ld federaal.
federaalnimo
Federaal ahaansho.
feed
Dhul sare oo fidsan.
feedh
(daaw.) Mid ka mid ah lafaha dhuudhuuban oo xoodan, kuwaas oo sameeya qafis daboola ilaaliyana wadnaha iyo sambabada. Feedhuhu waxay u samaysanyihiin lammaane ku xidhan taxanaha lafdhabarta xammaaratada, shimbiraha iyo naasleyda) ilaa iyo kalxanta oo xagga hore ah.
feegaar
1. Far la iska qoro iyadoo aan dan laga lahayn. 2. Farbarasho qof sameeyo.
feejigaansho
/dh ld feeyigaansho.
feejignaansho
/dh ld feeyignaan.
feen
/dh Cadad yaryar oo ku hara laf hilib laga cunay.
feenasho
ld feenad.
feeni
Laf feen ka dhammayn.
feeno
Laf hilib ku haray ka dhammaysasho.
feer
1. Lafaha dhuudhuuban, xooggan ee ku xeeran dhawraarintana u ah uur ku jirta nafleyda inteeda sare. 2. Hareer; gees, dhinac. 3. (w) Qaaxo.
fęer
Dhufashada wax lagu dhufto gacanta oo duuban.
feeraar
Kala fogaan, kala durugsanaan.
feeraari
Wax kala durgin. ld firaari.
feeraarin
ld feeraaris, firaarin, firaaris.

