Words starting with 'F'
1,977 Somali words beginning with 'F' — page 19 of 20.
fuliye
Qof hawl ama arrin hirgeliya.
fullaac
Cad yar sida qori iwm shay uu ka mid ahaa ka soo dillaacid.
fullaaci
Wax, wax uu ka mid ahaa ka dillaacin.
fullaacsan
Wax la fullaaciyey ahaansho.
fullaacsanaan
ld fullaacsanaansho.
fullaacsanaansho
/dh ld fullaacsanaan.
fullaacsasho
ld fullaacsad, fullaacsi.
fullaacso
Wax, wax kale ka dillaacsasho.
fulul
1. Saxro (xayawaan ama dad) oo markaas la saxrooday. 2. ld fululid.
fululi
Wax aasnaa sida xidid iwm dibad u soo bixid.
fululid
ld fulul¹ (2).
funaanad
1. Feeragashi aan gacmo lahayn oo shaati laga hoos qaato; garan. 2. Hu' jilicsan oo sida shaatiga u tolan oo kulaylaha la qaato. 3. Hu' culus oo kor laga qaato oo badi ahaan ka samaysan dhogor oo dhaxanta laga gashado.
funjuqi
Miro qolof ka saarid.
funjuqin
ld funjuqis.
funjuqsan
Miro wax la funjuqay ahaansho.
funjuqsanaan
ld funjuqsanaansho.
funjuqsanaansho
/dh ld funjuqsanaan.
funjuqso
Miro qolof kala bixid.
funnay
Dibi, orgi, wan, fool xun oo aan qoodh ahayn.
fuq
1. Labada daan oo afka midkood. 2. Wax, wax kale oo adag ka soo go'ay. 3. ld fuqid.
fuqdo
1. Geed yar oo aan lahayn xididdo hoos jira oo ciidda iska dul saaran. 2. Wax aan sal adag lahayn oo sahal loo siibi karo. 3. Sabirdarrada uu leeyahay qof aan ka dhursugi karin duruufaha adag.
fuqid
ld fuq¹ (3).
fuqsasho
ld fujisasho, fuqsad.
fuqso
Wax meel ku dheggan ka ruqsasho. ld fujiso. fur¹ m.l (-rar, m.l) Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo,iwm.
fur
1. Albaab, dariishad iwm ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iwm ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid. furaad m.dh (-dyo, m.dh) Idiin si gaar ah loo qurxiyey oo carruurta lagu xambaaro.
furaadsasho
ld furaadsad, furaadsi.
furaadso
Carruur furaad ku xambaarasho.
furaley
Sarrifka rubaabka mid ka mid ah oo u dhigma 10 senti.
furan
1. Albaab, dariishad iwm wax la ballaqay ahaansho. 2. Wax guntintiisa la kala furay ahaansho (xarig). 3. Wax meel ku xirnaa wax la sii daayey ahaansho. 4. Halxiraale wax, la fasiray ahaansho. 5. Haweeney wax la dalaaqay ahaansho. 6. Awr wax rarkii laga dhigay ahaansho. 7. Mashruuc, dhisme, barnaamij iwm hawshooda wax la billaabay ahaansho.
furayso
Wax fur ku xirasho.
furdaami
1. Cid sixir ka daaweyn. 2. Arrin iwm xal u raadin.
furdaamin
ld furdaamis.
furdo
1. Meel xeeb ku taal oo loogu talagalay in ay doonyaha, maraakiibta iwm ku xirtaan. 2. Meel loogu talagalay in alaabada ganacsiga oo dal imaanaysa ama ka baxaysa lagu canshuuro. ld furdad.
fure
1. Qalab bir ah oo qaabab iyo weynaan kala duwan leh oo lagu furo ama lagu xiro qufullada iwm. 2. Xal. 3. Calaamad loo adeegsado tusmada maababka.
furee
Wax fure ku xirid.
furfur
F. ah: soor gallay oo maraq lagu kariyay oo aan budo lagu darin si ayna isku dhegin.
furfuran
1. Wax bashaashnimo ka muqaato ahaansho (qof). 2. Wax xubnihii uu isugu jirey la kala bixiyey ahaansho. 3. Tolmo wax duntii isu haysey furatay ahaansho.
furfurasho
ld furfurad.
furfurdee
Qori, ul, dhagax iwm xoog u tuurid.
furfurdo
Tuuryo xoog leh.
furfurista-garaafeed-ee-isle'eg
Hab lagu furfuro isle'egyo wadajira iyada oo la sawirayo garaafka isle'eg kasta. Furfurista labada isle'eg waxa ku siiya kulannada baraha is goyska, madaama barahani ay raali geliyaan qiimeyaal isku mid ah ee x iyo y.
furfurnaan
ld furfurnaansho.
furfurnaansho
/dh ld furfurnaan.
furfuro
/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Wax xubnihii uu ka koobnaa u kala baxsasho. 2. (f.mg) Tolmo duntii isu haysay ka furasho. 3. (f.mg) Wax xubnihii uu isugu jirey u kala bixid.
furid
ld furitaan, furniin, furriin.
furmaati
F.ah: salab, hu' iwm oo laga furtay qof la diley ama la qabtay.
furmaato
Heshiis dhexmara laba qolo oo dagaallansan si aysan isaga layn maxaabiista dagaalka ay ku kala qabsadeen.
furmo
Meel geeddi ku nasto.
furnaan
ld furnaansho.
furnaansho
/dh ld furnaan.
furo
/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Albaab iwm ballaqsasho. 2. (f.g) Wax xarig ku xirnaa ka baxsasho. 3. (f.g) Wax horay loo dhacay xoog ku soo ceshasho. 4. (f.g) Wax sida dhar, lacag iwm cid xoog uga qaadasho. 5. (f.g) Qof qaan u xirnaa si loo furo qaantii loo haystey bixin. 6. (f.g) Kitaab qur'aan iibsasho. 7. (f.mg) Ka f.: saaxiibtinnimo qof lala lahaa burin.
furqaan
1. Kitaabkii Eebbe u soo dhiibey Nebi Maxamed. 2. Diinta Islaamka.
fursad
1. Xaalaad ku habboon in wax la qabsado. 2. Waqti wax la qabto.
fursanaansho
/dh ld fursanaan.
furso
Ka f.: Wax ka kaaftoomid.
furtuur-folkaaneed
Soo dirqinta waxyaabo adke, dareere, ama neef ah, iyadoo folkaane uu ka soo saarayo dhulka gudihiisa una soo saarayo ilaa dhulka dushiisa.
furun
1. Rooti. 2. Tinnaarka rootiga lagu dubo. ld furin¹.
furuq
Cudur la isqaadsiiyo oo muddo gaaban, waxaa keena fiirus. Astaamo: qandho iyo finan nabar ku reeba maqaarka.
furuqbiyoole
Nooc furuqa ka mid ah oo halkii ay nabarrada malaxi ka geli lahayd biyo ka galaan.
furuqdhoon
Godad yaryar oo furuqu jirka dadka ku reebo. ld furuqdhaw.
furux
Kalagoosyada oogada oo lafuhu iska galaan midkood.
furuxsan
Wax la kala furxiyey ahaansho.
furuxsanaan
ld furuxsanaansho.
furuxsanaansho
/dh ld furuxsanaan.
furxi
Laba xubnood oo is haaysta kala goyska ka kalabixin.
furxid
ld furxasho.

