0

falanqo

m dh

Eeg: falanqayn

0

falasho

m f dh

Eeg: falo

0

falaxfalax

m l

1. Geed quwaax faleenka ka mid ah oo leh beeyo marka la shido udgoon. 2. Beeyada laga guro geedka falaxfalaxa. 3. Qof firfircoon. 4. Qof bilicsan.

0

falaxgooddi

f mg1

/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi)Booloxoofto samayn; u bootayn; faatadhuglayn. ld faalaxgooddi², foolaxgooddi².

0

falaxgooddin

m dh

Eeg: falaxgooddyid

0

falaxgooddis

m l

Eeg: falaxgooddiyid

0

falaxgooddiyid

m f dh

ld faalaxgooddi¹, faalaxgooddin, faalaxgooddis.

0

fale

m l (-layaal, m.l/dh)

Walax kimikeed oo isbeddel keena.

0

faleebbo

m dh (-ooyin, m.l)

(daaw.) Hoore ka kooban, dawo, cusbo, fitimiinno, sonkor oo qof cunto qaadan waayey lagu mudo.

0

faleen

m l

Dhirta dhasha beeyada.

0

falfal

m l

1. Hilib cad, ama cadad waaweyn oo biyo lagu kariyey. 2. Jid laangooyo lagu sameeyey. 3. Sixir.

0

falfalid

m f dh

Eeg: falfal³

0

falfalliir

m l

1. Digir dubkii laga qaaday oo aad loo kariyey. 2. (m.u) Jeexjeexa qori qallalan yeesho.

0

falfalliiran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

Wax falfalliir leh noqosho.

0

falfalliirid

m f dh

Eeg: falfalliir²

0

falfalliirmid

m f dh

Eeg: falfalliiran¹

0

falfalliirnaan

m f dh

ld falfalliirnaansho.

0

falfalliirnaansho

m l

/dh ld falfallirnaan.

0

falfalxumaan

m f dh

ld falfalxumaansho, falfalxumi, falfalxumo (2).

0

falfalxumi

m dh

Eeg: falfalxumaan

0

falfalxumo

m dh

1. Dhaqan xun oo dadku yeesho. 2. ld falfalxumaan.

0

falfalxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Falid aan dhaqan wanaagsanayn ahaansho. ld falxun.

0

falgal

m l (-llo ..., m.dh)

(kiim.) Falgal iswada oo maxsuulka tallaabada hore uu curiyo tallaabada xigta.

0

falgal-geddismi-kara

m l (kiim.)

Falgalka kiimikaad ee labada dhinacba u socon kara. Guud ahaan, falgaleyaasha iyo maxsuulladu waxa ay isku yihiin iskujir dheellitiran.

0

falgalkeene

m l (-nno, m.dh)

(kiim.) Iskudhis la falgala mid kale (oo ah ka la danaynayo). Ereygan, f., waxa badanaaba lagu isticmaalaa kiimikallada shaybaarka ee caadiga ah sida: naatriyam haydarogsaydh, haydarokoloorig asiidh, iwm ee loo adeegsado tijaabada iyo saafidda.

0

falid

m f dh

ld fal¹ (4), falniin.

0

falkaab

m l (nax.)

Erey ku kordhiya faahfaahin micnaha falka, sida: “soo”, “sii”, “wada”, iwm.

0

falkaaliye

m l (nax.)

Fal loo adeegsado in uu fal kale oo qaab masdar leh ka kaaliyo xagga habka, muuqaalka, amminka, qofka, tirada iwm; waxaa ka mid ah “jir”, “doon”, “leh”; waxaana loo adeegsadaa ammin iyo hab go'an. Tus. “Kubbad buu cayaari jiray”.

0

falkamid

m f dh

Eeg: falkan¹

0

falkan

f mg1 (-amay, -antay)

Wax la falkay noqosho (harrar, derin iwm).

0

falkanaan

m f dh

ld falagsanaan, falagsanaansho, falkanaansho.

0

falkanaansho

m l

/dh ld falkanaan.

0

falkasho

m f dh

ld falagsad, falagsasho, falagsi.

0

falki

f g2 (-iyay, -isay)

Falko samayn. ld falag².

0

falkid

m dh

Eeg: falkin

0

falkin

m f dh

ld falkid, falkis.

0

falkis

m l

Eeg: falkin

0

falko

m dh (-ooyin, m.l)

1. Daar, derin iwm oo caw ka samaysan oo aan midab lagu xardhin. 2. ld falag¹.

0

fallaadh-cireed

m l (-dyo, m.dh)

(fiis.) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.

0

fallaadho-qotin-tabane

m l (-ayaal, m.l/dh)

(fiis.) Durdur elektaroono oo ka soo baxa qotin tabanaha tuubbada madhan ee leh qotin tabane iyo qotin togan.

0

fallaag

m l

Nin fallaag ah.

0

fallaagad

m dh (-do, m.l)

Naag fallaago noqotay.

0

fallaagannimo

m dh

Fallaago ahaansho.

0

fallaagayn

m f dh

Eeg: fallaagee

0

fallaagee

f g

/mg2 (-geeyay, -geysay) 1. (f.g) Cid fallaago ka dhigid. 2. (f.mg) Cid fallaago noqosho.

0

fallaageyn

m f dh

ld fallaageys.

0

fallaageys

m l

Eeg: fallaageyn

0

fallaagnimo

m dh

Eeg: fallaaganimo

0

fallaago

m l u

1. Dad hubaysan oo dawlad ka fakaday oo duur ku jir ah; burcad. 2. Nin f. ah: qof ka mid ah dad hubaysan oo burcad ah.

0

fallaagoobid

m f dh

Eeg: fallaagow

0

fallaagow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Fallaago noqosho.

0

fallaar

m dh (-ro, m.l)

1. Bir yar, dhuuban, afka gammuun looga daabo, qaansooyinka laga gamo oo loo adeegsado dagaalka iyo ugaarsiga. 2. Nudo dhuudhuuban oo iftiinka qorraxda keena.

0

fallaar-gaama

m l (-rro ..., m.l)

(fiis.) Kaah birlab danabeed ay si joogto ah u bixiyaan walxo kaahfala marka ay walaxdu ku jirto kalaguurbu'eed.

0

fallaax

m l (-xyo, m.dh)

Qof waji iyo laab furan.

0

fallar

m l t (-rro, m.dh)

Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; tumun. Tus. “Hasha la shireystay f. iga sii”.

0

falleer

m d

Eeg: falleyr

0

falleyr

m dh (-ro, m.l)

Dillaac dhegaha xoolaha summad ahaan loogu yeelo.

0

falli

m l

Nimco iyo khayr dheeraad ah o xag Ilaah laga bixiyo. ld fadli¹.

0

falliir

m l (-rro, m.dh)

Cad yar oo ka dillaacay dhagax, qori, bir iwm.

0

falliiran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

Wax falliirmay noqosho.

0

falliirasho

m f dh

Eeg: falliiro

0

falliirid

m f dh

Eeg: falliir²

0

falliirmid

m f dh

Eeg: falliiran¹

0

falliirnaan

m f dh

ld falliir-naansho.

0

falliirnaansho

m l

/dh ld falliirnaan.

0

falliiro

f g3 (-rtay, -ratay)

Wax falliir ka jeexasho.

0

fallis

m l

1. Tartan lagu tartamo qiimakordhin, badeeco la naadinayo. 2. ld fallisid.

0

fallisid

m f dh

ld fallis¹ (2).

0

fallooci

m l

/dh 1. Dabci xun oo qof dadka ka dhex saarta. 2. F. ah: qof dabci xun oo aan dadka la heshiin karin.

0

falmid

m f dh

ld faalmid.

0

falnaan

m f dh

ld falnaansho.

0

falnaansho

m l

/dh ld falnaan.

0

falnaq

m l (-qyo, m.dh)

(daaw.) Hawl uu fuliyo, ogaanla'aan, xiriirka ugu fudud ee unug maskaxeed iyo muruq. Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysan.

0

falniin

m l

Eeg: falid

0

falo

f g3 (-ashay, -alatay)

Cid beer qodasho, beer falasho.

0

falooriin

m dh (-nno, m.dh)

(kiim.) Curiye neef ah, aadna u firfircoon midabkiisuna yahay hurdi cagaaran kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).

0

falsafad

m dh

Eeg: falsafo

0

falsafada-xaqiiqaraadiska

m dh (fals.)

Falsafad ku salaysan helitaanka xaqiiqada oo ka baxsan mala awaalka.

0

falsafo

m dh (-fado, m.l)

1. Barashada xaqiiqda jiritaanka koonka iyo xeerarkiisa. 2. Wax jira figradda laga qabo. ld falsafad.

0

falsamaan

m f dh

ld falsamaansho, falsami, falsamo.

0

falsamaansho

m l

/dh ld falsamaan.

0

falsami

m dh

Eeg: falsamaan

0

falsamo

m dh

1. Farsamo loo sameeyo hab quruxsan oo isha iyo uurku jeclaystaan. 2. ld falsamaan.

0

falsan

f mg4 (-amaa, -amayd)

Wax si qurxoon oo la jeclaysto loo sameeyey ahaansho.

0

falti

m dh

1. Digada lo'da. 2. Dhoobo adag oo dildillac leh.

0

falxad

m dh

Wax la abshireysto oo nasiib wanaagsan.

0

falxumaan

m f dh

Eeg: falfalxumaan

0

falxumaansho

m l

/dh ld falfalxumaan.

0

falxumi

m dh

Eeg: falfalxumaan

0

falxumo

m dh

Eeg: falfalxumaan

0

falxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Eeg: falfalxun

0

fan

m l

ąn (2).

0

fąn

m l

1. Xirfad bani-aadamku ku soo bandhigo ama ku matalo dareenka uu ka qabo dabeecadda ama dhacdooyinka nolosha. 2. ld fan. Dusha gaadiidka, qaybta hore ama dambe ee alaabta yaryar la saaro.

0

fanaajiin

m dh w

ld faraajiin.

0

fanadheer

m dh

Koor aan afrog ahayn.

0

fanasho

m f dh

Eeg: fano

0

fanax

m l

Meesha laba farood oo kasta iska galaan.

0

fanayn

m f dh

ld fanaysi, fangelin, fangelis.

0

fanaysasho

m f dh

Eeg: fanayso

0

fanaysi

m l

Eeg: fanayn