0

farammaroorsi

m l

Eeg: farammarooqsasho

0

farammaroorso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: farammarooqso

0

farammayr

m l

Eeg: faraxal¹

0

farammayrasho

m dh

Eeg: faraxalasho

0

farammayro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Eeg: faraxalo

0

farammuggo

m dh

Eeg: farammaggooggo

0

faran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

1. Wax farriin la faray ahaansho. 2. Wax fandharan ahaansho (nabar).

0

farandulle

m l

Orod labada gacmood iyo labada addin dadku ku ordo. ld firindiglo.

0

farandullee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Lugo iyo gacmo wada jira ku ordid (dad). ld firindiglee.

0

farandulleyn

m f dh

ld farandulleys, firindigleyn, firinndigleys.

0

farandulleys

m l

Eeg: farandulleyn

0

faranfar

m l (-rro, m.dh)

(c.nafl.) Naasley yar, god uu dhulka ka qotay ku nool oo leh laba ilig oo dhaadheer iyo af dhuuban. ld ferenfer.

0

faranfardayn

m f dh

Eeg: faranfardee

0

faranfardee

f mg2 (-deeyay, -daysay)

1. Faranfardo samayn, birinbirqayn. 2. Kor u boodboodid (siiba kalluunka marka biyaha laga soo saaro).

0

faranfardo

m dh

Orod boodboodid leh oo ay sameeyaan xoolaha iyo carruurtu xilliyada barwaaqada ah.

0

faranji

m l kh

Eeg: ferenji

0

faranjiyad

m dh kh

Eeg: ferenjiyad

0

farankaboolo

m dh (-ooyin, m.l)

Waraq boosto ee yar oo lagu dhejiyo baqshadaha dushooda.

0

faraq

m l (-qyo, m.dh)

1. Daliigo yaryar oo badan oo laamaha geeduhu yeeshaan; raamo. 2. Dun soohan ama wax u eg oo maryaha dacalkooda iyo alaabadii kaloo la qurxina hayo loo yeelo oo laga lullulo; bul; taarash.

0

faraqaad

m l

1. Qaadidda raadka faraha siiba kuwa gacanta iyada oo lagu sameeynayo xaanshi iwm dushooda si dembi iwm ee uu qofku galay loo raadsho. 2. ld faraqaadid.

0

faraqaadid

m f dh

ld faraqaad¹ (4).

0

faraqabsi

m l

1. Ul yar, dhagax iwm oo la qaato si aan loo fara marraan. 2. Lacag yar oo cid safrayso la siiyo.

0

faraqaris

m l

Cabbir da'mada roobka lagu cabbiro oo rays-qotonku faraha dhexdooda le'egyahay. ld faraqarrar¹ (3).

0

faraqarrar

m l

1. Fantaxda u dhaxeysa faraha nafleyda. 2. Cudur faraha dhexdooda ku dhaca oo dhaliya dhaawac xanuun badan. 3. ld faraqaris.

0

faraqarrarid

m f dh

Eeg: faraqarrar²

0

faraqarrarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax faraqarraray ahaansho.

0

faraqarrarsanaan

m f dh

ld faraqarrarsanaansho.

0

faraqarrarsanaansho

m l

/dh ld faraqarrar-sanaan.

0

faraqsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax faraq leh ahaansho.

0

faraqsanaan

m f dh

ld faraq-sanaansho.

0

faraqsanaansho

m l

/dh ld faraqsanaan.

0

faraqxirasho

m f dh

Eeg: faraqxiro

0

faraqxiro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Ku f.:saaxiibnimo awgeed cid ula socosho.

0

faras

m l (-rdo/-rso, m.l)

1. (c.nafl.) Naasley qurxan, dheereysa, afar addin leh, guudka iyo qanaanta halab dheer oo jilicsan ku leh oo loo adeegasado fuulidda, rarashada iyo falashada beeraha. 2. Fardaha kooda lab.

0

farasaar

m l

1. Dagaal laba qof ka dhex dhaca oo aan wax weyn lays gaarsiin. 2. Lacag yar oo horumarin ahaan la isu siiyo. 3. ld farasaarid.

0

farasaarid

m f dh

ld farsaar¹ (3).

0

farasayr

f mg1 (-ray, -rtay)

Ku f.: si kama dambays ah wax u diidid.

0

farasayrid

m f dh

Eeg: farasayr

0

farasho

m f dh

ld faarasho.

0

farasmagaale

m l

Eeg: farasmagaalo

0

farasmagaalo

m dh

Bartamaha magaalada. ld farasmagaale.

0

faratoonyo

m dh

Eeg: faraddaanyo

0

farax

m l

Dareen nayaayiro iyo naallo leh. ld faarax¹.

0

faraxal

m l

Biyo yar oo faraha lagu dhaqo. ld faradhaq¹, farammayr.

0

faraxalad

m l

Eeg: faraxalasho

0

faraxalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax farahiisu dhaqanyihiin ahaansho. ld faradhaqan.

0

faraxalasho

m f dh

ld faradhaqad, faradhaqasho, farammayrasho, faraxalad

0

faraxalid

m f dh

ld faradhaqid.

0

faraxalnaan

m f dh

ld faradhaqnaan, faradhaqnaansho, faraxalnaansho.

0

faraxalnaansho

m l

/dh ld faraxalnaan.

0

faraxalo

f mg3 (-ashay, -alatay)

1. Biyo faro ku dhaqasho. 2. Ka f.: hawl lagu guda jirey ebyid. ld faradhaqo, farammayro.

0

faraxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax farax dareemaya ahaansho. ld faaraxsan, farxaansan.

0

faraxsanaan

m f dh

ld faaraxsanaan, faaraxsanaansho, farax-sanaansho.

0

faraxsanaansho

m l

/dh ld faraxsanaan.

0

faraxumee

f g2 (-meeyay, -meysay)

Qof dumar ah oo aan kugu mehersanayn si qasab ah ugu tegid.

0

faraxumeyn

m f dh

ld faraxumo (2).

0

faraxumo

m dh

1. Tuugo iyo wax qaadqaad. 2. ld faraxumeyn.

0

faraxuunsho

m dh

1. Summad xoolaha lagu dhigo oo raadka xuunshada u eg. 2. Qof fulay ah. 3. Geed abaareed, leh laamo dhuudhuuban oo la cuno.

0

farayar

f mg4 (-raa, -rayd)

Wax aan tiro badnayn ahaansho.

0

farayaraan

m f dh

ld fara-yaraansho, farayari, farayaro.

0

farayaraansho

m l

/dh ld farayaraan.

0

farayaraysasho

m f dh

ld farayaraysi.

0

farayaraysi

m l

Eeg: farayaraysasho

0

farayarayso

f mg3 (-stay, -satay)

Ku f.: wax si wanaagsan u farsamayn.

0

farayari

m dh

Eeg: farayaraan

0

farayaro

m dh

Eeg: farayaraan

0

farayn

m f dh

ld farays.

0

farays

m l

Eeg: farayn

0

farbarasho

m dh

1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.

0

farbaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

1. Qof wax dhigasho billaabid. 2. Qof farshaxannimo billaabid.

0

farcamid

m f dh

Eeg: farcan²

0

farcan

m l

1. Aabbayaalkii laga soo unkamay. 2. Badasho; tarmid.

0

fardadhaari

m l (-iyo, m.dh)

Nin fardaha aad u yaqaan.

0

fardadhacsi

m l

Nooc ciyaaraha dhallinyarada ka mid ah.

0

fardafuul

m l

1. Aqoon loo adeegsado sida fardaha loo fuulo. 2. F. ah: qof ku xeel dheer sida fardaha loo fuulo.

0

fardafuulid

m f dh

ld fardafuulis.

0

fardafuulis

m dh

Eeg: fardafuulid

0

fardhexo

m dh

Farta u dhexeysa murugsatada iyo kayarada.

0

fardo

m l w

Eeg: faras

0

fardooley

m dh u

1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.

0

faree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Cunto, cabid iwm faro dhex gelin.

0

farfar

m l

1. F. ah: meel biyo dhow oo laasaska laga qoto; xaarxaar. 2. Furuqdhoon. ld faarfaar¹.

0

farfarid

m f dh

ld faarfaarid.

0

fargad

m dh (-do, m.l)

Keebka buntukha.

0

fargal

m l

1. (-llo, m.dh) ld fargashi. 2. ld faraggal.

0

fargan

m l (-nno, m.dh)

1. Qori yar, farraaro leh oo labadiisa farraar isugu xiranyihiin cijir laga gamo quruurux, fud iwm; farlaash. 2. Ciyaar carruureed.

0

fargannax

m l

Eeg: farkannax

0

fargannaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: farkannaxsan

0

fargannaxsanaan

m dh

Eeg: farkannax-sanaan

0

fargannaxsanaansho

m l

/dh ld farkannax-sanaan.

0

fargannixid

m dh

Eeg: farkannixid

0

fargashi

m l

Kaatun, faraanti. ld fargal (1).

0

fargasho

m f dh

ld fargad¹, fergad, fergasho, firgad, firgasho.

0

fargax

m l

Foolbeenaad, fooldiin (hasha geela).

0

fargeeto

m dh (-ooyin, m.l)

1. Shay maacuunka ka mid ah, faro leh oo loo adeegsado in wax lagu cuno. 2. Faraley.

0

fargo

f mg3 (-gaday, -gatay)

1. Nafley sii dhimaynaysa galgalasho. 2. Nafley la hayo, si ay u baxsato awgeed dhaqdhaqaaq xoog leh samayn. ld fergo, firgo.

0

farid

m f dh

ld faarid.

0

fariid

m l

1. Nin karti iyo caqli badan; diric. 2. (fk) Waa tahay, waa hagaag.

0

fariidad

m dh kh

F. ah: haweeney karti iyo caqli badan.

0

fariidnimo

m dh

Fariid ahaansho.