Words starting with 'F'
1,977 Somali words beginning with 'F' — page 12 of 20.
feeraarsan
Wax la feeraariyay ahaansho. ld firaarsan.
feeraarsanaan
ld feeraarsanaansho, firaarsanaan, firaarsanaansho.
feeraarsanaansho
/dh ld feeraarsanaan.
feeracaso
Balag digir oo qoyaankii ka baxay si fiicanna aan u qallalin.
feerafuglayn
Hiqhiqlayn.
feerafuglee
Hiqhiqlayn.
feerafuglo
Hiqhiq.
feeragashi
Funaanad;garan ama shaati.
feeran
Wax la feeray ahaansho.
feerasho
ld feerad.
feercalaan
Feeraha midda ugu yar uguna dambaysa.
feernaan
ld feernaansho.
feernaansho
/dh ld feernaan.
feero
Qalab bir ah, gacan la qabto leh, oo dharka lagu kaawiyadeeyo; kaawiyad.
feertan
1. Ciyaar laba qof feer ay ku tartamaan. 2. Isdhaafsashada laba qof feer ku dagaallamaan.
feeryahan
Nin xeeladaha feerka yaqaan.
feetin
Qori qallalan oo caarad dhuuban leh oo wax muda. ld feertin, feytin.
feex
(daaw.) Buro carjaw ah, oogada nafleyda ka soo baxda jug hore oo gaartey awgeed. ld faax¹ (3), fayiix, fiix².
feeyig
1. Wax digtoon ahaansho. 2. Wax dhiillo hayso ahaansho. ld feejig, feejigan, feeyigan, foojig, foojigan.
feeyigaan
ld feejigaan, feejigaansho, feejignaan, feejignaansho.
feeyigaansho
/dh ld feeyigaan.
feeyignaansho
/dh ld feeyigaan.
feeys
Maro calal ama cutub mayrax ah oo lagu tirtiro weelasha la culo; catir, cidaad.
feker
1. Garasho. 2. Wax qofka maskaxdiisa ku soo dhaca oo uu iskula hadlo. ld fakar¹, fikir¹.
fekerid
ld fakarid, fikirid.
fekersan
Wax fekeraya ahaansho. ld fakarsan, fikirsan.
fekersanaan
ld fakarsanaan, fakarsanaansho, fekersanaansho, fikir
fekersanaansho
/dh ld fekersanaan.
fekersii
Ka f.: qof feker ku abuurid. ld fakarsii, fikirsii.
fekersiin
ld fakarsiin, fikirsiin.
fekrad
Ra'yi. ld fikrad.
feleg
1. Cilmi al f.: xiddigaha wareeggooda iyo sida ay dadka u saameeyaan. 2. Xiddig weyn. 3. (-gyo, m.dh) Ayaandarro, dhibaato, hoog, masiibo. ld fąlag.
fennid
Wax feteshid.
fenooloji
Sayniska ku shuqul leh raadka ay ku yeeshaan isbeddelka xilliyadu xoolaha iyo dhirtaba.
ferdan
Wax fered ku dhacay ahaansho (qof).
ferdanaan
ld ferdanaansho.
ferdanaansho
/dh ld ferdanaan.
ferdibax
Iyadoo ruuxaan la adeegsanayo qof wax ka dahsoon loo sheego.
fered
1. Wax wanaagsan oo khayr leh. Tus. “Fered Alla ha kuu furo”. 2. Inkaar, habaar.
ferenji
Nin cad oo aan muslin ahayn.
ferenjiyad
Haweeney cad oo aan muslin ahayn.
feterinari
Xanaanada xoolaha.
feyd
1. Wax, wax ku gudban ka weecin. 2. Wax, wax ku daboolan ka qaadid.
feydan
Wax la feydey ahaansho.
feydasho
ld feydad.
feydnaan
ld feyd-naansho.
feydnaansho
/dh ld feydnaan.
feydo
'iido.
feygamuur
Nooc kabo soomaaliga ka mid ah oo leh suun dambe iyo mid faraha dushooda saaran, labo maqaar oo adag oo cagta labadeed dhinac kor uga tagaan iyo indhal ay gasho far dhexaadda lugta.
feynuus
Qalab guryaha lagu iftiinsado leh sal gaas lagu shubo, gal quraarad ah iyo liifad holacda. ld faanuus.
feytin
feetin.
fibrin
Borotiinta aan milmin ee samaysa miiqa yaryar ee laga helo meelaha dhaawacma, kuwaas oo aasaas u ah xinjirowga dhiigga.
fibrinojiin
Borotiinta ku milan balaasmada dhiigga, taas oo marka si habboon loo firfircooniyo isu beddesha miiqaq fibrin oo aan milmayn.
ficil
1. ld ficilo. Dareen cid loogu hiillinayo. 2. (afcaal, m.dh/facaayil, m.l) Waxqabad.
ficiloo
U f.: ficilo samayn.
ficiltamid
ld ficiltan¹ (2).ficiltan¹ m.l 1. Dareen tartan xin lihi ku jiro oo cid ku dhaca ama muujiso. 2. ld ficiltamid.
ficiltan
U f.: tartan dareen xin lihi ku jiro ku kicid ama muujin.
fid
Wax meel ku baahid.
fidde
Werdi loo akhriyo dadka dhinta. ld fiddow, fidyo.
fiddee
U f.: qof dhintay werdi u akhriyid.
fiddi
Ul yar, dhuuban oo lagu ciyaaro shacdurka.
fidi
1. Wax baahin. 2. Wax kala bixin.
fidid
ld fiditaan.
fidin
ld fidis.

