Qaamuuska Asalka
fadhi
(-iyo, m.dh)MagacLafdheeri
Macnaha
1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tus. “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tus. “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. ld fadhiyid.

