0

xaarwalwaal

m l (-llo, m.dh)

Doorshaan.

0

xaarxaar

m l (-ro, m.dh)

Farfar.

0

xaarxaari

f g2 (-iyay, -isay)

Canaan kulul cid u jeedin.

0

xaarxaarin

m f dh

Eeg: xaarxaari

0

xaarxaaro

m dh

Canaan foolxun.

0

xaas

m l (-sas, m.l)

1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.

0

xaasaami

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo tabardaran sabada ku reebid ama xannaanayn.

0

xaasaamid

m f dh

Eeg: xaasaan²

0

xaasaamin

m f dh

xabbaar¹

0

xaasaan

m l (-ammo, m.dh)

Caato; weyd, macluul.

0

xaasaanqabow

m l kh

Nafley aan aad caato u ahayn.

0

xaasha

e d

1. Xumo ka fog, ka dheer; taasna daa; maya. 2. Erey la yiraahda kolka wax loo bogo; baga!.

0

xaashi

m dh (-iyo, m.l)

1. Waraaq. 2. Dham- baal.

0

xaasi

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley tabardaran daryeelid.

0

xaasid

m dh

Xaas noqosho, yeelasho.

0

xąasid

m l kh (-diin, m.dh)

Qof aan jecleyn in ay cid aan isga ahayn wax u kordhaan.

0

xaasidad

m dh kh (-do, m.dh)

Haweeney xaasid ah.

0

xaasidnimo

m dh

Xaasid ahaansho.

0

xaasil

m l (-llo, m.dh)

Wax la kala jaray inta soo harta; baaqi.

0

xaasin

m f dh

Eeg: xaasi

0

xaasoobid

m f dh

Eeg: xaasow

0

xaasow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

1. Nafley caato noqosho. 2. Qof carruur badan yeelasho.

0

xaawalay

m dh u

Haween; dumar.

0

xaawi

f mg2 (-iyay, -isay)

Qof socod cagajiid ah socosho.

0

xaawin

m f dh

Eeg: xaawi

0

xaaxeeyo

m dh (-ooyin, m.l)

(c.nafl.) Mid ka mid ah noocyo badan oo xayawan yar ah sida moolaska, oo leh jidh jilicsan, wax lugo ah aan lahayn, caadi ahaanna qalfoof adag leh. Xaaxeeyadu socod ahaan, aad ayey u gaabisaa.

0

xaaxi

m l

1. Mawjadaha badda ka soo butaaca oo xeebta soo gaara halka ay ka noqdaan. 2. Biyo badeed oo ciidda xeebta galgalanaya iyagoo xumbaynaya.

0

xab

m l (-bab ..., m.l)

Walax xab oo kale ah.

0

xabaal

m dh (-lo, m.l)

Qabri.

0

xabaalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la xabaalay ahaansho.

0

xabaalaqode

m l (-dayaal, m.l/dh)

Nin dadka dhinta qabriyada u qoda.

0

xabaalaquf

m dh

Qarandi; saddexsuulley.

0

xabaalasho

m f dh

Eeg: xabaalo²

0

xabaalbilaash

m dh

Iilka maahane xabaasha inteeda kale.

0

xabaalfure

m l

Dugaagga intooda xabaalaha qodda oo meydka la soo baxa.

0

xabaalid

m f dh

ld xabaal¹, xawaal¹.

0

xabaalnaan

m f dh

ld xabaal- naansho.

0

xabaalnaansho

m l

/dh ld xabaalnaan.

0

xabaalnololi

f g2 (-iyay, -isay)

Cid nool aasid.

0

xabaalnololin

m f dh

Eeg: xabaalnololi

0

xabaalo

m l

1. Qubuuro. 2. eeg xabaal².

0

xabad

m l

Laab; gaaddo; shaf.

0

xabag

m dh

1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.

0

xabagbarshe

m l (-shayaal, m.l/dh)

Eeg: xabag-barsho

0

xabagbarshi

m dh

Eeg: xabagbarsho

0

xabagbarsho

m dh

Malabka awlalka ku jira mid ka mid ah oo shinnidu si gaar ah u samayso; waa miid sida xabagta dhirta qaar- keed u cad oo aan gows iyo wax kale midna dheehin, oo boqoraddeedu cunto. ld xabag-barshe, xabagbarshi.

0

xabagdhiig

m dh

Nooc xabagta ka mid ah oo aad u guduud ah.

0

xabash

m l (-shyo, m.dh)

Addoon; bidde.

0

xabashi

m l (xabashi, m.dh)

Nin dhalashadiisu amxaaro tahay.

0

xabawar

m l kh

Xoolo cidda laga wada oo meel naq leh la geeyo.

0

xabawari

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo iyadoo aan la nasin socod dheer oo aan kalago' lahayn wadid.

0

xabawarin

m f dh

ld xabawaris.

0

xabawaris

m l

Eeg: xabawarin

0

xabbaar

m dh u

Qaybinta la qaybiyo xoolo la soo dhacay.

0

xabbaarid

m f dh

Eeg: xabbaar²

0

xabbad

m dh

1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.

0

xabbadayn

m f dh

Eeg: xabbadee

0

xabbadee

f g2 (-deeyay, -daysay)

1. Cid xabbad ku ridid. 2. Wax hal hal ka dhigid.

0

xabbadqaad

m l

1. Hab loo falkiyo der- mooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bi- lawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.

0

xabbaji

f mg2 (-iyay, -isay)

Naasley dheddig oo dhalaysa xab bururin.

0

xabbajin

m f dh

ld xabbajis.

0

xabbajis

m l

Eeg: xabbajin

0

xabbis

m l (-syo, m.dh)

Dadka dembiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig. ld xabsi.

0

xabbisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax xabsi la geliyey ahaansho.

0

xabbisid

m f dh

Eeg: xabbis²

0

xabbisnaan

m f dh

ld xabbis-naansho.

0

xabbisnaansho

m l

/dh ld xabbisnaan.

0

xabbururi

f mg2 (-iyay, -isay)

Eeg: xabbaji

0

xabbururin

m dh

xabbururis.

0

xabbururis

m l

Eeg: xabbururin

0

xabeeb

m dh (daaw.)

Codka dadka oo qeex-naantu ka ba'do ama si fiican u soo bixi waaya, dalqada iyo cunaha oo wax gaareen darteed.

0

xabeebi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cid xabeeb u yeelid. 2. Cid xiijin.

0

xabeebid

m f dh

Eeg: xabeeb²

0

xabeebin

m f dh

Eeg: xabeebi

0

xabeebsad

m l

Eeg: xabeebsasho

0

xabeebsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax xabeeb yeeshay ahaansho.

0

xabeebsanaan

m f dh

ld xabeebsanaansho.

0

xabeebsanaansho

m l

/dh ld xabeebsanaan.

0

xabeebsasho

m f dh

ld xa-beebsad.

0

xabeebso

f mg3 (-saday, -satay)

Wax xabeeb yeeshay noqosho.

0

xabeed

m dh (c.nafl.)

Walax isjiidanayso oo ay ku dhiijiyaan unugyada “goblet” xuub xabeedka korkiisa si uu u ilaaliyo una subko, iyo si uu u soo dabo bakteeriyada, saxarrada boodhka iwm.

0

xabiib

m l (-bbo, m.dh)

Qof gacal ah ama saaxiib lillaahi ah.

0

xabkaysad

m l

Eeg: xabkaysasho

0

xabkaysasho

m f dh

ld xabkay- sad, xabkaysi.

0

xabkaysi

m l

Eeg: xabkaysasho

0

xabkayso

f g3 (-stay, -satay)

1. Xabag gurasho. 2. Meelo kala duwan ka qaraabasho.

0

xabow

m l

Geed aan qodax lahayn oo badaha agtooda ka baxa oo geelu jecelyahay.

0

xabsi

m l

Eeg: xabbis¹

0

xabud

m l

1. Baruurta bogga korkiisa ka baxda. 2. Laab; xabad.

0

xabuubane

m l

Badar aan wasaq lahayn.

0

xabxab

m l

Qare.

0

xad

f g1 (-day, -dday)

Hanti qof kale leeyahay si qarsoodi ah u qaadasho.

0

xąd

m l (-dad, m.l)

1. Xudduud; soohdin. 2. ld xaj.

0

xad-awoodeed

m dh (-dad ..., m.l)

(qaan.) Awood maxkamad sharciyeed ama madax sare oo ku gaara go'aan ama fuliya sharci.

0

xad-dhaaf

m l

Meeshii laysu asteeyay oo la dhaafo; xadka oo laga baxo.

0

xad-dhaafid

m f dh

Eeg: xaddhaaf²

0

xadaafiir

m dh (-ro, m.l)

Dhib; hawkar.

0

xadaarad

m dh (-do, m.l)

Heerka horumarka dhaqanka, dhaqaalaha, tegnoolajiyada iwm oo wada jira oo ummadi gaarto. ld xad-daarad.

0

xadaf

m l (nax.)

Goyn shaqal ka mid ah erey. Tus. “garab + o -> garbo”.

0

xadan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Wax dhibban ahaansho.