xarkagsanaansho
/dh ld xargagsanaan.
xarmal
Tiire.
xarmo
1. Xajiyid; xaj gudasho. 2. Waajibka xajka gudashadiisa gudagelid.
xaroor
/dh Dhabarka dadka, labada daqay meesha u dhaxaysa oo godan.
xarraan
1. Faras aan hayin ahayn. 2. (- nno, m.dh) Qof qaba mingis aan la yabarayn.
xarragaysan
Wax xarrago ka muuqato ahaansho.
xarragaysii
Cid aad u sharfid.
xarragaysnaan
ld xarra-gaysnaansho.
xarragaysnaansho
/dh ld xarragaysnaan.
xarragee
Qof wax xarrago leh siin.
xarrago
1. Hab wixii arkaa u bogaan oo ama loo socdo ama loo qaato dhar cusub ama qaali ah ama si gaar ah loo jaangooyay ama loo tolay; mardaaddii; xashaash; shoob. 2. Qurux; wanaag.
xarragoo
1. Dhar qurxoon xirasho. 2. Ka x.: wax ka faanid ama iska dhawrid.
xarre
Buluunbulyo; xar. ld xorre (2).
xarriiq
1. Daliig, jiitin. 2. ld xarriijin, xarriiqin.
xarriiq-badh
(xis.) (Fallaar) Xarriiq toosan oo ka bilaabanta bar maguu-raan ah oo si aan joogto ahayn ugu fidda hal jiho (dhinac) oo keliya.
xarriiq-taabte
Xarriiq toosan oo xood ama sallax ka taabta bar keliya, bartaas oo loo yaqaan barta taabtaha.
xarriiq-xoog
(fiis.) Xarriq mala'awaal ee bedad xoog oo muujiya jihada iyo itaalka bedadda. Badanaa, xarriiqahan waxaa loo adeegsadaa muujinta bedad birlabeedka iyo bedad danabeedka.
xarriiqa-waqtiyeynta-caalamiga
Xarriq la mala awaalay oo caalamku isku raacay oo mara dhigta 180 , meelaha qaarkood oo magaalooyin lala raacay mooyaane. Marka darriiqdaas la gudbo iyada oo galbeed laga socdo barina loo socdo maalin ayaa lagu noqdaa; marka laga gudbo xarriiqdan lagana socdo bari loona socdo galbeed maalin dhan ayaa la lumiyaa.
xarriiqan
Wax la xarriqay ahaansho.
xarriiqnaan
ld xarriiq-naansho.
xarriiqnaansho
/dh ld xarriiqnaan.
xarrish
Qof qiimahiisa dadnimo wax u dhimid.
xarrishid
ld xarrishaad.
xarshaasho
Carsaanyo.
xarun
1. Caasimad; magaalo madax. 2. Rug; saldhig.
xaruumid
ld xaruumbin, xaruubbamid, xuruumid.
xaruun
Cod xabeeb leh oo hoos loo yiraahdo. ld xuruubban¹, xuruun¹.
xaryami
Xoolo badan hal mar wada wadid.
xaryan
1. Xoolo badan. 2. (-nno/-mmo, m.l./dh) Nooc ka mid ah doonyaha waaweyn, siiba kuwa shiraacyada badan leh.
xas
Jiq ka samaysan ood ama dhir yaryar; xanbus.
xasaagaysasho
ld xasaa-gaysi.
xasaagayso
Gocasho.
xasaago
Gocasho; gocad.
xasaasi
X. ah: wax taabashadooda, ka hadliddooda iyo talakeenkoodu keeni karo dhibaato.
xasad
Wanaagga dadka kale helayo oo laga naxo ama la nebcaado ama la jeclaysto in iyaga laga qaado oo isaga loo soo wa- reejiyo; khayrka dadka kale haysto oo laga gubto.
xasanaad
1. Camal wanaagsan oo loo falo ka raalinimada Eebbe in lagu gaaro. 2. Abaalgud lagu helo camal wanaagsan oo la sameeyo.
xasarad
Carqalad; shiddo.
xasaradee
Cid dhi- baato u gaysasho.
xasaw
Miiq maro ama bir ah oo dharka iwm lagu qurxiyo; seri.
xasaysan
Wax la xaseeyey ahaansho.
xasaysnaan
ld xasays-naansho.
xasaysnaansho
/dh ld xasaysnaan.
xasdid
xasad². ld xaasidid, xasidid.
xasee
Wax qarin, wax xas ku ridid.
xash
1. Jajab yaryar, aan waxtar lahayn oo dhuxusha ka jajaba. 2. Jajab kastoo ka hara qori la qoray ama wax la mid ah.
xashaash
Xarrago; mardaaddi; shoob. ld xarshaash¹.
xashaashid
xashaash². ld xarshaashid.
xasharaad
Cayayaan.
xashiish
1. Xash. 2. Nooc ka mid ah maandooriyayaasha oo sida buuriga oo kale loo shito.
xashin
Maqaar harag ari oo laysku tolay ka samaysan oo lagu kaydiyo abuurka birqalaxda iwm.
xashir
Badar tuman oo jajab ah.
xashiri
Badar buunshe ka saarid. ld xanshiri.
xashirin
ld xanshirin.
xashwad
Dalool weyn oo ka dalooshama doon iwm.
xasiigin
Miro yicibeed oo aan bislaan qardo ah.
xasil
Aayar; miyir; tartiib.
xasildarro
Xasillooni la'aan.
xasili
1. Wax xasilloon ka dhigid. 2. Lacag iwm helid.
xasillan
Wax deggan ahaansho. ld xasilloon.
xasillanaan
ld xasil-lanaansho, xasilloonaan, xasilloo-naansho.
xasillanaansho
/dh ld xasillanaan.
xasilloonaansho
/dh ld xasillanaan.
xaskul
Geed dacarta la tol ah; wuxuu leeyahay caleemo dhaardheer oo warmo ah oo qaarka danbe u wada buuran oo wada hilib ah, oo caarad qodax ah ku wada dhammaada; sida wax laysku falkiyay bay isu haystaan oo midiba mid uga kor baxdaa. Waa wada liil, xargo iyo waxyaalo kaleba laga sooho ama laga sameeyo; xaskulxig.
xasuuq
Nafley badan hal mar wada layn; baabi'in.
xataa
fk. 1. Eray lagu isticmaalo kolka wax gaar ah la weyneynayo ama culays gaar ah la saarayo. Tus. “Waa geesi oo xataa libaaxa (ama libaaxa xataa) kama baqo”. 2. Haba 868 yaraatee. Tus. “Bal wax uun i sii, xataa shi- lin”. ld xitaa.
xatab
Cagasaaraha ragaadka (jaranjarada) middood.
xatabad
Meesha aqalka laga galo; irrid-horaad.
xatooyo
Hanti cid kale leedahay oo amar la'aan qarsoodi looga qaato; tuugannimo.

