Words starting with 'X'
1,607 Somali words beginning with 'X' — page 16 of 17.
xurbiye
1. ld xurbin¹. 2. Qaybta ku dhex wareegta matoor danab ama danab dhaliye, xurbintaasina waxa ay keentaa in uu danabku saaqmo mareegta dhexdeeda.
xurguf
Iska horimaad yar oo laba qof ama ka badan ka dhexeeya.
xurgufsii
Cid faraheeda xoog wax uga qaadid.
xurmaysan
Wax xurmo leh ahaansho.
xurmaysnaan
ld xur-maysnaansho.
xurmaysnaansho
/dh ld xurmaysnaan.
xurmee
Cid xurmo u yeelid; cid sharfid.
xurmo
1. Weyneyn; sharaf; tixgelis; muuno. 2. Hanti yar oo nin siiyo naagtiisa qaraabadeeda.
xurquun
Gasiin. ld xulquun.
xuruufta
carabiga. 3. Xiiso; farax.
xus
1. Allabari cid dhimatay loo sameeyo. 2. Damaashaad loo sameeyo dhacdo taariikh leh.
xusan
Wax la xusay ahaansho.
xushle
1. Orod laafyo badan. 2. Si xarrago iyo mardaaddi leh u socoshada.
xushlee
Orod xushle ah ordid.
xushmadarro
Xushmo la'aanshada.
xushmayn
ld xushma-dayn.
xushmee
Cid xushmo u yeelid. ld xushmadee.
xushmo
Sharaf iyo wanaag laga kasbado bulshada dhexdeeda; xurmo; muuno. ld xishmo, xushmad.
xusli
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax dhudhun ku cabbirid. 2. (f.mg) U x.: wax ama cid u iilasho. 3. (f.g) Orod gaaban ordid.
xusnaan
ld xusnaansho.
xusnaansho
/dh ld xusnaan.
xusulduubid
ld xusul-duub¹.
xusullaysasho
ld xusul-laysi.
xusullayso
1. Xusul mudasho. 2. Dhudhun wax ku cabbirasho.
xusuus
1. Awoodda maskaxda ee kaydin- ta dhacdooyinka. 2. Gocashada dhacdo qof raad ku reebtay.
xusuusan
Cid wax horay u dhacay maskaxda ku haysa ahaansho.
xusuusasho
ld xusuusad.
xusuusdhig
1. Meel la dhigo dukumentiga muhimka ah. 2. Dhigidda meel taariikh ah la dhigo ubax xusuus ah.
xusuusi
Cid waxay ilowsanayd garwaaqsiin.
xusuusnaan
ld xusuus-naansho.
xusuusnaansho
/dh ld xusuusnaan.
xusuuso
Cid waxay illow- sanayd garwaaqsasho.
xusuusqor
Buug lagu qoro waxyaabaha la doonayo inaan la illaawin.
xutubi
1. Wax qadarin. 2. Wax fiiro gaar ah siin.
xuub
1. Lakab ama baal khafiif ah, oo jilicsan, oo xubnaha nafleyda meelo ka mid ah ku rogan, ku dahaaran. 2. Baal jaadkaas ah, oo dhirta iniinaheeda ama meeleheed kale ku rogan.
xuub-badh-habe
(baay.) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.
xuub-balaasmeed
(baay.) Xuubka badh habaha ah ee sameeya xadka dusha ee unugga. Xuubka badankiisu wuxuu ka samaysanyahay borotiinno iyo dufan. Wuxuu joogteeyaa walxaha gelaya iyo kuwa ka baxaya unugga.
xuub-ileed-holac
(daaw.) Halaamacoodka xuubka daboola wilka isha. Astaamaha: xanuun badan, isha oo ilmeysa iyo aragga oo xumaada.
xuub-malaas
(c.nafl.) Xuub qoyan oo gudaha kaga malaasan xubnaha qaab dhuumeedka leh iyo xubnaha daloola sida: sanka, daloollada sanka xiga qaybta neef mareenka, xameyti mareenka iyo qaybta ganaca. Afka waxaa ku malaasan xuub dhis- mihiisu isbedbeddelo. Xuubka malaasku wuxuu ka sameysanyahay: ebiteliyum oo ugu sareeya waxaana ku yaal qanjirro yar-yar oo sameeya xab, waxaana ka hooseeya lakab soohxiriiriye ah iyo lakab ah muruq-xuubeed oo ugu hooseeya.
xuub-maskaxeed
(c.nafl.) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.
xuub-muruqeed
(c.nafl.) Sooh xiriireed daboola xubnaha jilicsan ee jirka wuxuuna leeyahay qayb sare, maqaarka hoostiisa, iyo qayb hoose oo ku duuban xirmooyinka muruqyada.
xuub-ubuceed
(c.nafl.) Xuubka qoyan ee uurkujirtada gudaheeda.
xuub-wadne
(c.nafl.) Xuubka ku daboolan wadnaha oo laba qaybood leh; qayb dibadeed oo dhammaan wadnaha daboola wuxuuna ku dhaggan- yahay xididdada dhiigga ee waaweyn oo wadnaha ka baxa ama soo gala; qaybta gudaha qoyaan leh waa kiish xiran: waji toos ugu dhaggan muruqa wadnaha; iyo waji xiga qayb dibadeedka xuubka; riisheka dhexdiisa waxaa ku jira qaddar yar oo dhacaan ah oo ka ilaaliya isxoqidda labada qaybood ee xuubka marka wadnahu garaacayo.
xuub-wadneed
(c.nafl.) Dhinaca lafdhabarleyda, xuub qoyan oo sameeya gidaarka moqorka kalka wadnaha.
xuub-xabeed
(baay.) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereere- ranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo ma- riinka hawada.
xuubabbays
Saracda korkeeda (oogada dadka).
xuubabka
jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.
xuubdhacsasho
ld xuubdhacsad, xuubdhacsi.
xuubdhacso
1. Mas iwm xuub ridid. 2. Nafley cayilid. 3. Nafley muuqaalkeedii hore mid ka fiican yeelasho. ld xuubsiibo.
xuubdillaac
(daaw.) Xubin jirka ka mid ah haddii ay ka baxdo meeshii ay caadi ahaan ku taalley.
xuubdillaacsasho
ld xuubdillaacsad, xuubdillaacsi.
xuubdillaacso
1. Xuub- ka sare iska siibid. 2. Qaabka sare beddelid.
xuubi
Libaaxbadeedka waaweyn jaad ka mid ah.
xuubka
(c.nafl.) Xuubka kala sooca qaybta kore iyo qaybta dhexe ee dhegta. Wuxuu sameeyaa dhaq- dhaqaaq uu ugu jawaabayo hirarka codka, isaga oo u gudbinaya barta maqalka, siina marinaya laf dhexe-dhegoodka.
xuubsasho
ld xuubsad, xuubsi.
xuubsiibasho
ld xuub- siibad.
xuubsiibo
Xuubka ama haragga duugooba ka bixid, ka siibasho (halaqu sanadiiba dhawr jeer buu xuub- siibtaa).
xuubso
1. Xuubka hore ka diirasho, ka muruxso. 2. Canaan iyo dagaal kulul cid ku samayn.
xuudhayn
ld xuudheys.
xuudhee
1. Socod aayar ah oo aan meel la tageyn socosho. 2. Isku x.: laba nafley isku dirid.
xuuko
Subag hilibka geela laga shiilo oo sida xayrta adkaata.
xuunsho
Shimbir badanaa cad oo wasakhda cunta.
xuur
1. Inan da' yar. 2. X. ah: yar, aan weyneyn.
xųur
1. Gabar yar oo aan fil weyneyn. 2. Shimbir luqun dheer.
xuuralcayn
1. Gabdho aad u qurxoon oo jannada jooga. 2. Gabadh aad u qurxoon una dabci wanaagsan.

