Words starting with 'X'
1,607 Somali words beginning with 'X' — page 13 of 17.
xirsi
1. Warqad quraan ku qoran yahay ama wax kale oo inta idiin lagu dahaaro balaayo xijaab ahaan loo qaato. 2. Cunto, lacag, iwm oo balaayo xijaab ahaan loo bixiyo.
xirsifur
X. ah: waxa loo sadqeeyo qof sixir lagu sameeyey ama jirro darani hayso, si uu uga badbaado halista.
xirsixir
Si ay wax u badbaadaan quraan akhriyid.
xirsixiran
Wax xirsixir loo akhriyey ahaansho.
xirsixirid
ld xirsixir¹.
xirsixirnaan
ld xirsixir- naansho.
xirsixirnaansho
/dh ld xirsixirnaan.
xirxiran
1. Cid wax safar u diyaar ah ahaansho. 2. Qof aan furfurnayn ahaansho.
xirxirnaan
ld xirxirnaan- sho.
xirxirnaansho
/dh ld xirxirnaan.
xis
Dareen; miyir.
xisaab
1. Wax tirin. 2. Garsoor samayn (Ilaah).
xisaabaad
Maamul lacag oo hay'adi leedahay.
xisaaban
Wax la xisaabay ahaansho. ld xisaabsan.
xisaabasho
ld xisaabsasho.
xisaabid
ld xisaabin.
xisaabiye
Qof maamula lacag hay'ad dawladeed, shirkadeed, wakaaladeed ama mashruuc.
xisaabnaan
ld xisaab- naansho, xisaabsanaan, xisaabsanaansho.
xisaabnaansho
/dh ld xisaabnaan.
xisaabo
Wax tirsasho. ld xisaabso.
xisaabsanaansho
/dh ld xisaabnaan.
xisaabtamid
ld xisaab-tan¹.
xisaabtan
Laba dhan xisaab meel isla dhigid.
xisad
Waqti loo qayday cashar-bixin.
xisbi
1. (axsaab, m.dh) Urur siyaasi ah oo loo sameeyey in ay maamul dawladeed ka qaybgalaan. 2. Quraanka oo lixdan meelood loo qaybiyey meel ahaan.
xisbiyiin
Xubno xisbi ka tirsan.
xishoo
Dhaqan iyo asluub wanaagsan ku dhaqmid.
xishoodsii
Ka x.: cid xishood gelin.
xiskiisan
878
xiskimi
Neef geel ah oo irmaan xiskin gaarsiin. ld xigsimi.
xiskimid
ld xigsimid.
xiskimin
ld xigsimin.
xiskin
Hal irmaan oo la maalay waqtigii ay mar kale godlan kari lahayd gaarid. ld xigsin².
xisti
Sharci bulsho meel ku wada nool u degsan oo aan qornayn. ld xisdi.
xitaa
fk. ld xataa.
xobbor
Qaarka sare oo horay u gota iin dhabarka gaartay awgeed.
xobboran
Wax xobbor yeeshay ahaansho.
xobbornaan
ld xobbornaansho.
xobbornaansho
/dh ld xobbornaan.
xoday
Geed-quwaax xabag wanaagsan oo wax lagu daweeyo.
xodxodo
Qof dumar ah oo la jecel yahay ama guur laga doonayo, hadal soo jiida oo saamays weyn leh, oo lagula hadlo; shukaansi; kood.
xog
1. Arrin xaqiiqdeeda dhabta ah. 2. ld xoq¹.
xoghaye
1. Qof hawshiisu tahay in uu cid kale u hayo ama u agaasimo xafiis ay ka fulaan qoraallo raad- reeb leh. 2. Wasiir.
xoghayn
1. (-no, m.l) Xafiiska xoghayaha. 2. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.
xogmooge
X. ah: qof aan ogayn wax dhacay.
xogogaal
X. ah: qof si wanaagsan ula socda xog jirta ama sida wax dhacay u dhaceen.
xogogaalnimo
Xogogaal ahaan.
xogwaraysasho
ld xogwaraysi.
xogwarayso
Cid xog qar- soon weyddiin.xoogeysasho
xogwarramid
ld xogwarran¹.
xogwarran
Arrin si tifaftiran uga war bixin.
xoldhan
Wax la xoldhay ahaansho.
xoldhanaan
ld xoldhanaansho.
xoldhanaansho
/dh ld xoldhanaan.
xolod
Jirrid weyn oo qallalan oo labada af mid dab ka baxayo.
xolodho
Xalleefato.
xolor
Wax hoos ka xoldid.
xolxol
Meel daloosha oo laba baal ama laba lakab dhexdooda ah. ld xexeb, xoxob.
xood
Xarig iwm oo dabacsan togid.
xood-taabte
(xis.) Garaaf fansaar tanjent. Kulannada kartis ee y=tanx waa xood kalgal ah oo leh laamo kala baxsan oo mid kasta leh bar rogmad halka dhibibka-x kuna laacsan xarriiqyada x=+ , + 3 , + 5 iwm.
xoodaami
Jir nafley salaaxid.
xoodan
Wax la xooday ahaansho.
xoodbeeg
(xis.) Xoodbeeggu waa fogaanta u dhexeysa xoodka iyo kulmiska oo loo qaybshay fogaanta u dhexeysa xoodka iyo jeedshaha. Nooca toobineed waxa uu ku xiranyahay qiimaha saamiga halbeegga (e). Marka e<1 toobi- needku waa qabaal; marka e=1 toobineedku waa saab iyo marka e>1 toobineedku waa labo saab.
xoode
Xarig sida badan saan ka samaysan oo dhigaha kor looga xiro.
xoodnaan
1. Dhakhsaha isbeddelka ee jihada xood halka bar gaar ahaneed ee xoodkaasi. 2. Rogaalka gacanka goobada, taas oo, si aad ah ugu ekaaneyso xood halka bar la isa siiyey.
xoodnaansho
/dh ld xoodnaan¹.
xoodo
/mg3 (-ooday, -oodatay) 1. (f.g) Xarig iwm oo dabacsan togid. 2. (f.g) Ceel si xood ah u shubid. 3. (f.mg) U x.: salaax ku raaxaysasho.
xoodsanaansho
/dh ld xoodnaan.
xoodsasho
ld xoodsad, xoodsi.
xoodso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Nafley salaaxasho. 2. (f.mg) Nafley salaax u bogid.
xoog
1. Wax khasab ku qaadasho. 2. Haweeney kufsasho.
xoog-bah-isjiidad
(fiis.) Xoog isjiidadka ka dhexeeya atamyada iyo molikiyuulada ee walax keliya ku wada jira.
xoog-danabwade
(fiis.) (XDW) Keyd faraqa ugu weyn ee uu dhaliyo il-danab (sida baatari), una dhexeeya cidhi- fyada il-danabka. Xoogga danab wadidda isha danabka (baatari) waxaa si sahlan loo cabbiri karaa, marka aanu ku xidhnayn mareeg danab. Waxa lagu cabbiraa foolt (v).

