Words starting with 'X'
1,607 Somali words beginning with 'X' β page 9 of 17.
xaw
1. Dhuun. 2. Naf.
xawaad
Xoolo badan.
xawaadeen
Dabayl xoog leh.
xawaal
Degganaanta iyo dib u gurasha-da badda.
xawaalad
1. (dhaq.) War- qaadda lagu diro lacagaha dadku boostada ku dirayaan. 2. (dhaq.) Lacag dal laga wareejiyo iyadoo dal kale lagu wareejinayo.
xawaare
Orod si gaar ah loo ordo.
xawaare-ileys
(fiis.)Summad C. Xawaaraha ay ku baahaan hirarka birlabdanabeedka maraaya dulalaati madhan, kaas oo ah madoorsoome fisikeed, le'egna 2.997.925 x 10(8) m/s, waxana loo yaqaanaa madoorsoomaha birlabdanabeed.
xawaaree
Ku x.: ayadoo la ordayo meel xoog ugu wareegid.
xawaash
Dhirta lagu carfiyo cuntada.
xawaldaar
Jaajin.
xawbaf
Caws caleemo dhaadheer oo rarada laga sameeyo.
xawil
Lacag iwm meeshay yiilleen maahee meel kale u beddelid.
xawilid
ld xawilad.
xawlli
Dheeraynta wax ordaya.
xawlmariid
Xididdo waaweyn oo surka ku yaal midkood coobe. ld xawlalmariid
xawo
Biyaha laboodka; mino; shahwo.
xawr
Dhenged yar oo dhuuban.
xawri
Cid ul yar la dhicid; dhengedee.
xay
1. Ubaxa kiisa aan qaabka caleemaha lahayne u baxa sida bul ama cuntub amaxaysin xirmo yar oo dun ah. 2. Midabkiisu, sida xayga qaarkii, cadyahay.
xayaab
(bot.) Dhir kulaalay geedaha waaweyn saarata ama kuboodda oo caan ku ah kaymaalayda badhaalaha.
xayaabo
Lakab qira yar oo fuula hooreyaasha, badanaa dabayshu xarfiso.
xayaad
Nooc ka mid ah ciyaaraha saarka oo leh jiib, jaan iyo sacab, waxaana cayaar ammaanta diinta Islaamka ku dhisan oo ay dheelaan beeraleyda reer Dhoobey iyo Ugaarsatadaba. Dheeshaa sida Booranaha waxaa lagu daaweeyaa cudurro.
xayawaan
1. Naflay. 2. Sankuneefle. 3. Duunyo; xoolo. ld xawayaan.
xayawaan-caabud
Diimaha qaddiimka ah qaarkood waxay amminsanaa- yeen in shay kasta sida geedaha, dabaysha, dhagaxa, xiddigaha, iwm ay leeyihiin af ama ruux ayna ka sareeyaan bani aadamka.
xayawaannimo
Xayawaan ahaansho.
xayaysii
Badeeco iwm iidheh u samayn.
xayaysiis
Ogeysiis loo baahiyo dadweynaha aydoo loo ammaanayo badeeco iwm.
xayayso
Ubaxbixin; fiidid.
xaybooro
Summad geela lagu dhigo oo leh qaab (U) hoos u jeedda oo lagu dhigo garabka.
xayd
Maro iwm kor u qaadid.
xaydaamo
Wax xaydaan u samaysasho.
xaydaan
Ood ama dhismo wareegsan.
xaydan
Maro iwm wax la xayday ahaansho.
xayddaan
Ood ama dhismo wareegsan.
xaydhayn
Isticmaalka saliidda, xaydha iwm, si loo yareeyo xoogga isliska ee ka dhexeeya dulaha istaabanaya, loogana hortago daxalka.
xaydnaan
ld xaydnaansho.
xaydnaansho
/dh ld xaydnaan.
xaydo
Maro la guntanyahay kor u qaadasho.
xayeeshi
Nafley gurijoogto, caato ah.
xayeesi
Caato; weyd.
xayeesinnimo
Xayeesi ahaansho.
xayi
X. ah: qof waxtar ah ama firfircoon.
xayir
Wax socodkooda ama fuliddooda is-hortaagid.
xayiraad
Xayirmid.
xayiran
Wax socodkooda ama fulintooda la is-hortaagay noqosho.
xayirmid
ld xayiranΒΉ.
xayirnaan
ld xayir- naansho.
xayirnaansho
/dh ld xayirnaan.
xayl
Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; caado; dhibaad.
xayn
In yar oo aan badayn oo xoolo, ugaar iwm oo wada jira; horin; koox.
xayndaab
Deyr; heeraar.
xaynoosh
X. ah: mid aad u cad.
xayo
Xishood.
xayr
1. Baruur ka baxda meelo gaar ah oo jirka nafleyda ka mid ah. 2. Xuub baruuri saaran tahay oo ku daboolan uurkujirta. 3. Jifi.
xayraan
Xanaagid.
xayrarriyaad
Caad qiro yar oo marka roobku da'o badanaa cirka isku geyfa.
xayraxade
Amuur weyn oo midabyo leh.
xayrow
Xayr jeelasho.
xays
1. Roob jiilaalka ka da'a xeebaha bari. 2. Xilli roob ka da'o xeebaha bari.
xaysin
Goobta ku da'a roobka xays. 869xayuubi
xayuubi
1. Ka x.: wax qof dusha ka saarnaa xoog uga qaadid. 2. Ka x.: xil, derejo iwm qof ka qaadid.
xayuubsasho
ld xayuub-si.
xayuubso
Ka x.: wax qof korka ka saarnaa xoog uga qaadasho.
xeeb
Daliig dhul ah oo cammuud iyo sabbaax leh oo bad dhinaca ku haysa.
xeeb-yar
(jool.) Liidka dhulka xeebta ah ee la jeeda badaha ama harooyinka; badanaa waxaa la yirahdaa waa dhulka u dhexeeya xarriiqa u hooseeya mawjadda badda iyo ka u sarreeya ee ay soo gaari karaan mawjadaha baddu.
xeebasho
ld xeebad.
xeebo
1. U x.: wax u turid. 2. U x.: wax u xilasho.
xeegaan
Xiriir is-tixgelin iyo qaddarin leh oo cid ka dhexeeya.
xeego
1. Jaadadka cawda mid ka mid ah mirihiisa. 2. Kabro.
xeel
Tab iyo maaro wax lagu xalliyo. ld xeelad, xeelo, xiilo.
xeelayn
ld xeeladayn.
xeeldheer
Ku x.: cid aqoon dheeraad ah wax u leh ahaansho.
xeeldheeraan
ld xeel-dheeraansho, xeeldheeri.
xeeldheeraansho
/dh ld xeeldheeraan.
xeeldheere
Qof aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah u leh qayb cilmiga ka mid ah.

