xadatayn
ld xanantayn, xanatayn.
xadatee
Cid xadato dareensiin. ld xanantee, xanatee.
xadato
Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. ld xananto, xanato.
xadaysan
Wax xad loo yeelay ahaansho.
xaddi
Awood; xoog.
xaddi-foolwaa
(xis.) Xaddi sida: cuf, dherer, waqti, cufnaan ama tamar oo leh baaxad ama laxaad; hase yeeshee aan lahayn jiho. Xisaab ahaan xaddiyadan oo kale waxaa la yiraahdaa xaddi foolwaa.
xaddi-roobaad
(juqr.) Wadarta inta roob ah ee la dhigay meel waqti lagu siiyay.
xaddid
Xad u yeelid.
xaddidan
Wax xad loo yeelay ahaansho.
xaddidhaaf
Wax qiyaastii laga rabay dhaa-fay.
xaddidhaafsii
Wax qiyaastii laga rabay dhaafsiin.
xaddiditaanka-PH
Logaridamka sal 10 ee rogaalka ribnaanta ayoonnada hayda- rojiinta ku jirta milan.
xaddidnaan
ld xaddid-naansho.
xaddidnaansho
/dh ld xaddidnaan.
xaddiid
Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka oo ku jira macdanno badan, gaar ahaan ogsaydhada (hamatayt iyo magnitayt) iyo kaarbooney- tyada; bir.
xaddiis
(dii.) Falalkii ama hadalladii Rasuulka (n.k.h.a.) laga guuriyey.
xaddiisqudsi
(dii.) War Rasuulka (n.k.h.a.) loo waxyooday oo aan Quraanka ka mid ahayn.
xądee
Wax xad u yeelid.
xądeyn
ądee.
xądeysan
Wax xad loo yeelay.
xądeysnaan
ądeysan. ld xądeys-naansho.
xądeysnaansho
/dh ld xądeysnaan.
xadfan
Ku x.: wax la xad-fay ahaansho.
xadfanaan
ld xadfanaansho.
xadfanaansho
/dh ld xadfanaan.
xadgudbid
ld xadgu-dub¹.
xadgudub
Ku x.: cid wax aan ku habboonayn ku samayn.
xądid
ąd³.
xadiidin
Meel digdigo ah oo aan geed lagu arag.
xadnaan
ld xadnaansho.
xadnaansho
/dh ld xadnaan.
xadree
(dii.) Xadro ka qaybgelid.
xadro
(dii.) Digri.
xafaarad
1. Aalad dhulka dillaacisa ama ciidda bixisa. 2. Markab weyn oo badda qoda.
xafaare
Diifta iyo tabardarrada bugtadu reebto oo baanta u baahan.
xafid
1. Wax dayac ka ilaalin. 2. Cashar, Quraan iwm kor ka bara- sho.
xafidan
Wax la xafiday ahaansho.
xafidnaan
ld xafidnaansho.
xafidnaansho
/dh ld xafidnaan.
xafiiltamid
ld xafiiltan¹, xifaalootan, xifaaltamid, xifaaltan¹.
xafiiltan
Laba qof xifaalootamid ama is xifaalayn. ld xifaal-tan².
xafiis
Qol ama ka badan oo lagu maamulo hawlo guud ama gaar.
xaflad
1. Isu-imaadka dad badani meel isugu yimaado iyagoo xusaya munaasabad muhiim ah. 2. Fantasiyaha loo sameeyo aroos iwm.
xag
Dhan; jaho; dhinac; gees.
xagaa
1. Afarta nur oo sanada midkood; wuxuu u dhexeeyaa guga iyo dayrta; xilliga xagaayadu da'do. ld xa-gaay.
xagaaf
Dhul ciid guduud jilicsan leh oo ariga saac u lahayn.
xagaafe
Degaxaar.
xagaafee
Neef xagaafo shilin, ragaad kaga gurid.
xagaafi
Si cagajiid ah u socosho.
xagaafin
ld xagaafis.
xagaafo
Bir xalleefsan, godan oo xoolaha shilinta, ragaadka iwm looga guro.
xagaal
1. Guggub. 2. Fandhaal dheri x. looga hoolo.
xagaali
Dheri xagaal ka hoolid.
xagaalin
ld xagaalis.
xagaalso
Dheri xagaal ka hoolasho.
xagaayo
1. Roob ka da'a xeebaha gobollada koofureed. 2. Xilliga roobkaasi da'o.
xagafso
Tallaabo xooggan ku socosho (qof).
xagaggaro
Nooc cawska ka mid ah. ld xaqaggaro.
xagaggeli
U x.: labo qof oo isku dhinac ah, keli ula legdamid; midba xag u deyn.
xagal
1. Lowga laabatadiisa dibadda u jeedda oo kolka la fariisto ama lugta la laabo, isku laabanta. 2. Labo xarriiqood oo toostoosan oo meel isugu yimaada iyo qaabka ay u yeelaan korka ama meesha u dhexaysa.
xagal-adke
(xis.) Ratibidda saddex addimaale ka sammaysma dhammaan xarriiqyo bar ka soo unkama halka bar wadaag ah isla markaana dhex mara xood sallax oo oodan.
xagal-daacsan
(xis.) Xagasha cabbirkedu ka weynyahay 180° kana yaryahay 360°.
xagal-fiiqan
(xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay 0° kana yaryahay
xagal-furan
(xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).
xagal-janjeedh
(xis.) Xagal cabbirkeedu aan ahayn xagal qumman iyo dhufsane qumman midna.
xagal-masaafo-cabbire
(xis.) Aalad lagu qiyaso masaafo xagleedda laba shay.
xagal-qumman
(90° ama P/2 gacansin). 858
xagal-toosan
(xis.) Xagasha cabbirkeedu le'egyahay 180° ama laba xaglood oo qumman.
xagaldaac
Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. ld xagalkaddaac.
xagaldaacid
ld xagaldaac¹, xagaldaaco, xagalkaddaacid.
xagalkaddaac
daac².
xagalo
1. Xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal, oo kolka uu fadhiyo dhulka qabata. 2. Xubin- taas hilibkeeda aan jiirka iyo baruurta midna ahayn.
xagan
Wax la xagtay noqosho.
xagar
Geed leh dhiin badan.
xagatin
Ciddi xoog wax loogu jiiday ama wax kale oo la mid ah, raadka ama nabarka ay reebaan.
xagato
Dhirxagato.
xagaysasho
ld xagaysi.
xagayso
Xag ka maalid (xoolo irmaan).
xagge
s. Meel fog ku sugan; xaggeeya. Tus. “Waxaa laga helaa jidka xagge”.

