0

xaggee

e we

Docdee? Halkee? Meelma?

0

xagid

m f dh

Eeg: xag³

0

xagjir

m l kh (-rro, m.dh)

1. Neef irmaan oo aan gayax (sidig) ahayn (geel ama lo'). 2. X. ah: fallaar keligeed la gano oo aan laake ahayn. 3. X. ah: qof aan dhexdhexaad ahayn.

0

xaglagooye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(xis.) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu laba- gibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.

0

xagli

f mg2 (-iyay, -isay)

U x.: shay xaggiisa u janjeerid; u iilasho; u eexasho.

0

xaglin

m f dh

Eeg: xagli

0

xaglis

f g1 (-say, -stay)

Xag ka maalid, siiba dhanka bidix (xoolo).

0

xaglisid

m f dh

ld xaglis¹.

0

xaglo-isqummiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(xis.) Lammaane xaglo ah oo wadartoodu tahay xagal qumman ama P/2 gacansin.

0

xaglo-istoosiya

m l (-yayaal, m.l/dh)

(xis.) Lammaane xaglo ah oo wadartoodu tahay xarriq toosan (180° ama P gacansin).

0

xaglo-talantaali

m l (-llo ..., m.dh)

(xis.) Lammaane xaglo isle'eg oo ay sammeeyaan laba xarriiqood oo barbarro ah iyo xarriq kale oo goysa labadooda oo lagu magacaabo gudbane.

0

xagmaal

f g1 (-aalay, -aashay)

Xag ka maalid, siiba dhanka bidix (xoolo).

0

xagmaalid

m f dh

Eeg: xagmaal

0

xagmar

f g1 (-ray, -rtay)

1. Xagmaalid. 2. Qayb candhada xoolaha mayrax ku marid.

0

xagmarid

m f dh

Eeg: xagmar

0

xagmid

m f dh

Eeg: xagan¹

0

xagnaan

m f dh

ld xagnaansho.

0

xagnaansho

m l

/dh ld xagnaan.

0

xago

f g3 (-gtay, -gatay)

1. Ilkaha ama ciddiyaha wax nabar yar ku gaarsiin. 2. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha ama ciddiyaha kaga fuqsasho.

0

xagurrin

m l

Geel intiisa rimi karta ay hal xilli wada rintay oo aan midi ka baaqsan.

0

xagxag

m l

1. Nabarro yaryar oo aan qotodheereyn oo ku yaal wax dushooda sare. 2. Cunto la kariyay inta weelka dhinacyadiisa ku dhegta.

0

xagxagasho

m f dh

Eeg: xagxago

0

xagxagid

m f dh

Eeg: xagxag²

0

xagxago

f mg3 (-gtay, -gatay)

1. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha uga goosasho. 2. Cid haruufid.

0

xaj

m l (dii.)

Shanta tiir oo diinta Islaamku ku taagantahay mid ka mid ah oo waajib kaga dhigaya qofka inta uu noolyahay in uu hal mar tago Maka mowsinka xajka. ld xąd¹.

0

xaji

f mg1 (-iyay, -iday; -iyi)

Xaj gudasho.

0

xajiimee

f g2 (-meeyay, -meysay)

Cid wax ay ku xajiimooto marin ama taabsiin.

0

xajiimeyn

m f dh

Eeg: xajiimee

0

xajiimeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax xajiin la mariyey ahaansho.

0

xajiimeysnaan

m f dh

ld xajii-meysnaansho.

0

xajiimeysnaansho

m l

/dh ld xajiimeysnaan.

0

xajiimo

m dh

Eeg: xajiin²

0

xajiimoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Xajiin da- reemid.

0

xajiimood

m f l

Eeg: xajiimoo

0

xajiin

m l

Geed yar oo leh caleemo xaadi ku rogantahay iyo dhacaan cuncun deran ku reeba wixii uu taabto.

0

xajiinbadeed

m dh (-do/-dyo, m.l)

Bahal badda ku nool; qasaanqas.

0

xajiinmadow

m dh

Geed-xajiin xooluhu daa- qaan.

0

xajiintir

m l

Maro ama jawaan jilicsan oo marka awrta la rarayo kebdaha laga xijiyo.

0

xajin

m f dh

Eeg: xaji²

0

xajiyid

m f dh

Eeg: xaji¹

0

xajmi

m dh (-iyo, m.dh)

Derbi iwm inta qiradiisu le'eg tahay; jurmi.

0

xakaamad

m dh

(3).

0

xakaar

m l

Dhibaato; kadeed.

0

xakaarid

m f dh

Eeg: xakaar²

0

xakab

m l

1. Qoryo ceelka afka laga saaro; makaab. 2. Sallaanka meelihiisa cagta la saa-ro.

0

xakamayn

m f dh

Eeg: xakamee

0

xakamaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la xakameeyey ahaansho.

0

xakamaysnaan

m f dh

ld xakamaysnaansho.

0

xakamaysnaansho

m l

/dh ld xakamaysnaan.

0

xakame

m l (-mayaal, m.l/dh)

Bir iyo suuman isku xiran oo faraska afka iyo madaxa loo geliyo oo lagu qabto laguna duwduwo.

0

xakamee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Xakame gelin(faras).

0

xakumid

m dh

Eeg: xukumid

0

xakun

f g

/mg1 (-umay, -untay; -umi) ld xukun².

0

xal

m l

Biyo yar oo wax lagu dhaqay.

0

xąl

m l

Maaro; mushkilo ama mas'alo maaro u helid.

0

xalaal

m dh

Wax shareecadu bannaysay oo lagu dhaqmi karo.

0

xalaalayn

m f dh

ld xalaalays.

0

xalaalays

m l

Eeg: xalaalayn

0

xalaalaysad

m l

Eeg: xalaalaysasho

0

xalaalaysasho

m f dh

ld xalaa- laysad.

0

xalaalayso

f g3 (-stay, -satay)

1. Wax aan xalaal ahayn xalaal ka dhigasho. 2. Hanti dad kale leeyahay isasiin.

0

xalaalee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Wax xalaal ka dhigid.

0

xalaalquute

m l (-tayaal, m.l/dh)

1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.

0

xalaawi

m dh u

Macmacaan.

0

xaladhaley

m l kh

X. ah: qof dembi, eed iwm ka barii' ah. ld xalaydhaley.

0

xalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la xalay ahaansho.

0

xalay

m dh

Habeennadii la soo dhaafay, kan ugu dambeeyay. ld xalayto.

0

xalaydhaley

m dh

Eeg: xaladhaley

0

xalayto

m dh

Eeg: xalay

0

xalfoof

m l (-fyo, m.dh)

1. Dhuun weyn oo salka baruur ku leh oo wadnaha ka dillaacda. 2. Wax kastoo gudo leh oo aan adkayn, ama korka ka adag iyagoo hoos iyo gudaha ka mootaan.

0

xalid

m f dh

Eeg: xal²

0

xaliib

m l

Cudur ku dhaca labada arooriye ee dhiigga qaada oo carrabka hoostiisa ah.

0

xaliiban

m l

Caano dhay ah oo xoortii ka dhacday.

0

xaliilad

m dh

Magac la siiyo gabyaa ku xeeldheer curinta maansada.

0

xallaafato

m dh

Qalab bir ah oo af galoolan iyo daab qori ah leh oo marka geedaha la qorayo xanafta looga bi'iyo; xalleefato.

0

xallad

m dh

Qurxinta iyo nuxur u yeelidda hadalka, gaar ahaan qaybaha suugaanta.

0

xalladee

f mg2 (-deeyay, -deysay)

Hadal dux iyo xiiso u yeelid.

0

xalladeyn

m f dh

Eeg: xalladee

0

xalleef

m l kh

X. ah: wax aan qiro lahayn oo dhuuban.

0

xalleefato

m dh (-ooyin, m.l)

Qalab ka kooban ul iyo bir godan oo labada dhanba af ku leh oo weelasha qoriga ah gudaha looga qoro.

0

xalleefi

f g2 (-iyay, -isay)

Xalleef ka dhigid (wax).

0

xalleefin

m f dh

Eeg: xalleefi

0

xalleefsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax xalleef laga dhigay ahaansho.

0

xalleefsanaan

m f dh

ld xalleef-sanaansho.

0

xalleefsanaansho

m l

/dh ld xalleefsanaan.

0

xalli

m l (-iyo, m.dh)

Maaro.

0

xalliiban

m l kh

1. Caano ama wax la mid ah oo miir ah, aan wax kale dheehin ama tar- raxin, nadiifnimadii ka badatay. 2. Wax sida dhalada qaarkeed, araggu gudbo ama iftiinku soo dhaafo.

0

xallin

m f dh

ld xallis.

0

xallis

m l

Eeg: xallin²

0

xallisan

f mg1 (-smay, -santay; -smi)

Wax la xalliyey noqosho.

0

xallismid

m f dh

Eeg: xallisan¹

0

xallisnaan

m f dh

ld xallisnaan-sho.

0

xallisnaansho

m l

/dh ld xallisnaan.

0

xalnaan

m f dh

ld xalnaansho.

0

xalnaansho

m l

/dh ld xalnaan.

0

xalus

m l

Laab weyn oo baruur duuban ah oo dadka shilis, siiba dumarku, xuddunta hoos- teeda ku yeeshaan. ld xulus.

0

xaluul

m dh

Eeg: xuluul

0

xaluulad

m l

Eeg: xuluulasho

0

xaluulasho

m dh

Eeg: xuluulasho

0

xaluulo

f g

/mg3 (-uushay, -uulatay) ld xuluu- lo.