Words starting with 'X'
1,607 Somali words beginning with 'X' — page 12 of 17.
xijaabnaansho
/dh ld xijaabnaan.
xijaabo
1. Wax xijaab ka dhigasho. 2. Qof muslim ah dhimasho.
xiji
Dhirta xabagta udgoon dhasha oo moxorka iyo yagcartu ka mid yihiin.
xikaayee
Cid xikaayo u jeedin.
xikaayo
Halxiraale gaar ah oo dhallin- yarada ragga iyo dumarku isu jeedin jireen waayadii hore marka ay haasaawayaan.
xikaayoo
Xikaayo sheegid.
xil
1. Xishood; sheex; sarriig. 2. Wax ama hawl la isu dhiibay ama la is faray ama la qabanayo, wixii ceebaal ah, ama naftii sharaf lihi ka xishooto, oo ka imaan kara haddii la hargado ama lagu gaboodfalo. 3. Ceebal; fadeexo.
xila-irmaaniye
1. Wiil gaaray da'dii qaangaarnimada. 2. Nin waxtar aan lahayn oo nacas ah. ld xila-irmaanis.
xilafur
Xilo ku dhaarasho.
xilafursii
Cid in ay xilaheeda ku dhaarato gayeysiin.
xilagube
Nin ooridiisa u daran.
xilbixi
Cid in ay xilkeeda si fiican u gudato geyeysiin.
xilbixid
ld xilbax¹.
xildhibaan
1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.
xildiid
Xabag midab dambar-cad ah, ur silloon iyo dhadhan kharaar leh oo daawo ahaan loo isticmaalo.
xilfe
Nagaar la beero, oo iniino yaryar, oo dhirta dawada ka mid ah.
xilkas
1. Qof xilka garan og; xildhibaan. 2. Neef irmaan oo madi ah, oo lagu xilbaxo.
xilkasnimo
Xilkas ahaansho.
xillad
/dh (-do, m.l) Kal; waqti.
xilli
(c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, ja- naayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koon- fureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iwm. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tix- geliyaa taariikho gaar ahaaneed.
xilo
U x.: wax dan moodid; wax u iilasho, wax u eexasho.
xiloodi
1. Naag xodxodasho. 2. Qof cayr ah kaalmo ka doonid.
xilqaamid
ld xilqaan¹.
xilqaan
Is x.: is adeejin, wax isu dirid, xil isa saarid.
xilqabeen
Qof mas'uul ah oo aan ku dhiirran karin naftiisa inuu ka fekero.
xilqo
Saf wareegsan oo dad taag ah ama fadhiya oo digrinaya; xilqad.
xiltirid
ld xiltir¹.
xilwareejin
La kala wareegidda laba qof maamul la kala wareegaan.
xilyaxyax
Ceeb weyn; bayuur.
ximaar
Dameer.
ximaayee
Cid si kaftan ku jiro wax uga sheegid.
ximaayo
Xifaalo; xin.
ximi
Si xin ku jiro cid ula dhaqmid.
ximir
1. Xiddig weyn oo u dhexeeya dirirka iyo haltoddobaaddada. 2. Roobabka dayrta ugu horreeya mid ka mid ah. 3. Xilli ka mid ah xilliyada dayrta.
ximre
Bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min labo, madaxa tan ka hoosaysana hal. ld cimre.
xin
1. Colaad yar oo masayr iyo
xinif
Is necbaan yar oo dad ka dhexeysa.
xiniin
Nin ama neef lab ah oo hal xiniin leh.
xiniin-xolac
(daaw.) Halaamacoodka xiniinyaha wuxuu keena xanuun, casaan iyo barar maqaarka xiniin-yaha waxaana wehelin kara halaamacoodka dhuumaha shahwada.
xiniintaabasho
ld xi-niinyataabasho.
xiniinyataabasho
ld xiniintaabasho.
xiniinyataabo
Qof la raba in laga salgaaro xummaantiisa, gardarro bareer ah ku samayn. ld xiniintaabo.
xinjir
Dhiig guntamay.
xinjir-roor
(daaw.) Xaalad dhiiggu uu ka beddelmo dareere oo uu noqdo adke oo uu sameeyo xinjir. Xinjir-awd wuxuu ku dhacaa xididdada dhiigga waana xaalad cudureed. Xinjir awdku halbowle wuxu keenaa in dhiiggu ka xirmo soohyada halbowluhu waraabin jiray intuu- san xirman. Awdmidda halbowle maskaxeed waxay ka mid tahay sababaha keena dhibib- ka (strike); xinjir awdka halbowle wadneedna waxay keentaa wadne wareen (heart attack).
xinnee
Xinni marin (meel).
xinneyso
Xinni marsasho.
xinni
Cillaan. ld xinne.
xiqdi
Colaad iyo nacayb uurka lagu hayo.
xir
1. Wax xarig iwm ku qabasho, ku guntid. 2. Cid xabsi gelin. 3. Albaab qataarid. 4. Hawl meel ka socotay joojin.
xiran
Wax la xirey noqosho.xisaab²
xirfad
Shaqo aqoonteeda la leeyahay oo lagu shaqaysto; meherad. ld xirfo.
xirfadle
Qof gacanta ka shaqeeya oo hawsha uu qabanaayo aqoon u leh.
xirgi
Garaad; caqli.
xirid
ld xirniin.
xiriir
1. Qaab wax is daba yaalla ay isugu xiran yihiin. 2. Cilaaqaad ka dhexeeya laba qof ama ka badan. 3. Urur lammaaneyaal horsan, ama isku xir ka dhexeeya kutirsaneyaasha urur ama ururro.
xiriirfurasho
ld xiriir- furad.
xiriirfurid
ld xiriirfur¹.
xiriirfuro
Ka x.: awr iwm wixii uu ku daba xirnaa ka furasho.
xiriiri
1. Dad xiriir wanaagsan la yeelasho. 2. Awr iwm isku daba xirid. 3. Dad, hawl iwm xiriir ka dhexeysiin.
xiriirid
ld xąriirid.
xiriiriye
1. Qof bar- naamijyada ka baxa raadiyaha, telefishinka iwm dadka la socodsiiya. 2. Wax isku xira laba shay ama ka badan.
xiriirsan
Wax, wax kale ku daba xiran ahaansho.
xiriirsanaan
ld xiriir-sanaansho.
xiriirsanaansho
/dh ld xiriirsanaan.
xiriirso
1. Wax, wax kale ku daba xirasho. 2. Cid afduubid.
xiritaan
1. Xafladda lagu gebegebeeyo hawl socotay. 2. Gebegebada hawl socotay.
xirmee
Meel xirmo ka dhigid.
xirmo
1. Dhawr wax oo isku nooc ah oo isku xiran. 2. Dhul daaqsi- meed muddo go'an laga xayiro daaqidda xoolaha si loogu aayo goor dambe.
xirnaan
ld xirnaansho.
xirnaansho
/dh ld xirnaan.
xiro
1. Wax xarig iwm ku qabsasho. 2. Cid xabbisasho. 3. Albaab, dariishad iwm qataarasho. 4. Haweeney mehersasho. 5. Dhar lebbisasho. 6. Salaad ama soon gelid. 7. Ku x.: qof kale imaam ka dhigasho. 8. Ku x.: markab, doon iwm marso tegid.
xirrib
1. Isha guruxeeda iyo sanqaroorka meesha u dhexaysa. 2. Tab; dhagar; xeelad; khatal; siyaasad.
xirribaggub
Wax beentooda caddeyn.

