0

xeelee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Arrin loo baahanyahay tab ku maarayn. ld xeeladee.

0

xeelo

m dh

Eeg: xeel

0

xeer

m l

1. (-rar, m.l) Sharci; dastuur. 2. Xarig kor looga xiro aqalka miyiga si aan dabayshu u qaadin.

0

xeer-ciqaab

m l (-rar ..., m.l)

(qaan.) X. c. wuxuu ka kooban yahay dhammaan sharci- yada dawladda ee khuseeya dembiyada iyo ciqaabta.

0

xeer-fal-cuf

m l (-rar ..., m.l)

(kiim.) Marka heerkulku ma doorsoome yahay, dhakhsaha falgalka kiimikaad wuxuu saamiggal qum- man ku yahay cufka firfircoon ee falga-layaasha, cufka fifircoon waxaa loo qaatay ribnaanta mool/dm.3 falgalka soo saara A+B, xeerka falcuf wuxuu sheegayaa in dha- khsasha = K A iyo B halkaas oo A iyo B ay u taaganyihiin ribnaanta A iyo B ee mool/dm.3.

0

xeer-hees

m l (-rar ..., m.l)

(kiim.) Haddii falgalayaal loo beddeli karo maxsuullo falgallo isdaba joog ah kaddib, wadarta kulalka falgallada iyadoo la tixgelinayo calaamadahooda waxay la mid tahay kulka falgalka ee kalgalayaasha si toos ah loogu beddelo maxsuullo. Guud ahaan, isbeddelka tamarta oo dhammi marka falgalayaashu noqonayaan maxsuullo kuma xirna jidka la raacayo.

0

xeer-ilaaliye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qof sharci yaqaan oo u xil saaran ilaalinta qaanuunka.

0

xeer-neefeed

m l (fiis.)

Xeerarka la xidhiidha heerkulka cadaadiska iyo mugga ee neef cufkeedu go'an yahay. Xeerarka neefta ee ugu muhiimsani waa xeerka Boyle iyo kan Jaarlee.

0

xeer-silsilad

m l (xis.)

Hab lagu raadiyo diiranaha fansaar dhawr doorsoome. Xigsinayn ayaa la sammeeyaa iyada oo la eegaayo fansaar kasta, jawaabuhuna waa la isku keenaa.

0

xeeran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la xeeray ahaansho.

0

xeerar-waarid

m l (fiis.)

Xeer caddaynaya in wadarta xaddiga astaamaha fisikaad sida cuf iyo tamar aanu isbeddelin, inkastoo isbeddel gudeed ka dhex dhaco astaamaha fisikaad.

0

xeerbeeg

m dh u

Ikhyaar garta goysa oo wixii la isku qabto loola tago.

0

xeerburis

m l

Eeg: xeerjebis

0

xeerdhaari

m l (-iyo, m.dh)

Qof aad u yaqaan xeerka.

0

xeerhoosaad

m l (-dyo, m.dh)

Nidaam gaar ah, u degsan dad meel wada deggan oo ay isku maamulaan.

0

xeeri

m l

Heeryo.

0

xeerid

m f dh

Eeg: xeer²

0

xeerjajab

m l

Si aan waafaqsanayn xeerka oo wax loo xalliyo.

0

xeerjebis

m l

Qaybaha hadalka mid ka mid ah oo aan xeerka afka u yaal loo adeegsan karin. ld xeerburis.

0

xeerka-1aad-ee-Niyuuton

m l (fiis.)

Walaxi waxa ay ku jireysaa nagaansho ama socod madoorsoome ah oo raacaya xariiq toosan haddii xoog aanu falayn walaxda.

0

xeerka-2aad-ee-Niyuuton

m l (fiis.)

Dhaqsaha isbeddelka dahfad ay walaxi leedahay wuxu saamiggal ku yahay xoogga falaya, waxa ayna qaadataa jihada xooggu u falmayo.

0

xeerka-3aad-ee-Niyuuton

m l (fiis.)

Fal waliba waxa uu leeyahay falgal le'eg lidna ku ah falkaas.

0

xeerka-Aarkimidiyas

m l (fiis.)

Culeyska hoorka ay walax sabbaynaysaa barabixisay waxa uu le'eg yahay culeyska walaxda. Taas oo ah Culeyska (W) ee hoorka barabaxay = Culeyska (W) walaxda.

0

xeerka-Boyl

m l (fiis.)

Haddii cuf go'an ee neef la diisiyo, marka heerkulku yahay madoor- soome, taranta cadaadiska (P) ee hoorka iyo muggiisu (V) waa madoorsoome. P1 V1 = P2 V2 taas oo V1 tahay mugga neeftii marku cadaadisku ahaa P1 ; V2 mugga marka cadaddisku yahay P2.

0

xeerka-danab-soocidda-Faaradhay

m l

1. (fiis.) Xeerka 1aad ee danab soocidda Faaradhay: cufka walax ee soocanta, marka ay danab soociddu socoto, waxa uu saamiggal qumman la yahay inta kuulam ee dhexmarta gudbiye milmaha. 2. (fiis.) Xeerka 2aad ee danab socidda Faradhay: haddii xaddi danab oo isku mid ah la dhexmariyo gudbiye milmayaal kala duwan muddo go'an, cufafka walxaha kala duwan ee soocma waxa ay saamiggal qumman la yihiin culeys atameedyadooda oo loo qaybiyey saldanabka ayoonka sida qulqulka danabka.

0

xeerka-dhaalton-ee-cadaadis-qaybeed

m l (fiis.)

Cadaadiska guud ee isku-jirka neefo waxa uu le'eg yahay wadarta cadaadis qaybeedyada ka dhallan lahaa neefaha, haddii neef kasta qaarkeed ugu jiri lahayd weelka. Eeg Cadaadis qaybeed.

0

xeerka-Jaarles

m l (fiis.)

Mugga neef engegani waxa uu saamiggal qumman la yahay heerkulku Kelfin, marka cadaadisku yahay madoorsoome.

0

xeerka-kala-dhigga

m l (xis.)

Xiriir gaar ahaaneed ee ka dhexeeya laba xisaabfal. xeerka Tusaale ahaan, kutirsaneyaasha ururka {a, b, c, d, ...}. Waxa jiri kara laba xisaabfal sida * iyo 0 oo xisaabfalka * uu ku kala dhigmo 0, marka a * (b o c) = (a * B) o (a * c). b) 2 X (3+6)= (2x3) + (2x6) waa tusaale ka mid ah kala dhigga ee aritmatiga (ama aljebra). t) A (B U C) = (A B) U (A C) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee ururrada.

0

xeerka-kala-hormarinta

m l (xis.)

Xeer ku saabsan isku xiridda laba kutirsane ee u dhexeeya xisaabfal labaale ah. Taas oo jawaabtu aan ku xirnayn sida loo kala hormariyo kutirsanayaasha. Sida: a*b = b*a. Xisaabfallada isugeynta iyo iskudhufashadu waxa ay raalliggeliyaan heerka kala hormarinta, haseyeeshee, isuqaybinta iyo kalagoyntuna ma raalligeliyaan.

0

xeerka-kosayn

m l (xis.)

Saddex-xagal kasta, haddii a, b iyo c iyo yihiin dhererrada dhinacyada iyo + ay tahay xagasha ka horjeedda dhinaca dhererkiisu yahay c, markaa c2= a2+b2-2abcos+.

0

xeerka-Kuulam

m l (fiis.)

Xoogga ka dhexeeya saldanabka laba barood oo isku jira fogaan r (mitir) ahi waxa uu saamiggal qumman ku yahay tarenta saldanabyada q_1q_2 iyo rogaalka labajibbaarka fogaanta u dhexeysa.

0

xeerka-Lenis

m l (fiis.)

Xeer odhanaaya in jihada keyd faraqa saaqmay uu lid ku yahay isbeddelka abuuraya.

0

xeerka-noqodka

m l

1. (fiis.) Fallaadh abbaarka, fallaadh noqodka iyo liganuhuba waa isku sallax. 2. (fiis.) Xagal abbaarka (i) = xagal noqodka (r) wuxuna sax ku yahay noqodka ka dhaca dulaha muraayadaha obtikaad ee sallaxa ah iyo kuwa xoodanba.

0

xeerka-qalloocsanka

m l

1. (fiis.) Xagal abbaarka, xagal qalloocsanka iyo liganuhuba waa isku sallak. 2. (fiis.) Saamiga sayni iyo sayn r waa madoorsoome marka ay u gaar yihiin labada dhextaal ee tebinaya. Taas oo i = xagal abbaarka, r = xagal qalloocsanka.

0

xeerka-sayn

m l (xis.)

Saddex-xagal kasta saamiga dhererka dhinaca marka loo eego saynka xagasha ka horjeedda dhinacaasi waa isku mid dhammaan saddexda dhinac. Sidaa daraadeed saddex-xagal dhinacyadiisu ay yihiin a, biyo c, xaglihiisuna ay yihiin A, B iyo C. Jidka waa a = b = c taas oo ay tahay dhinaca kahorjeeda xagasha A, b-tahay dhinaca kahorjeeda xagasha B iyo c-na tahay dhinaca ka horjeeda xagasha C.

0

xeernaan

m f dh

ld xeernaansho.

0

xeernaansho

m l

/dh ld xeernaan.

0

xeero

m dh (-ooyin, m.l)

Weel godan oo qori ka samaysan oo cuntada lagu rito.

0

xeeryan

f g4 (-naa, -nayd)

871xeeryanaan

0

xeeryanaan

m f dh

Eeg: heeryaysnaan

0

xeeryanaansho

m l

/dh ld heeryaysnaan.

0

xeeryaqaan

m l (-nno, m.dh)

Qof sharci ku takhasusay ama aad u yaqaan.

0

xeeryid

m f dh

Eeg: xeeri²

0

xer

m dh u

1. Dad koox ah oo sheekh raacsan ama wax ka barta. 2. X. ah: nin u go'ay barashada diinta oo hadba meel u aada kutub raacasho.

0

xerageddi

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo xeradii ku firshowday, xero kale u beddelid.

0

xerageddin

m f dh

ld xera-geddis.

0

xerageddis

m l

Eeg: xeragaddin

0

xerageddisad

m l (-dyo, m.dh)

disasho.

0

xerageddisasho

m f dh

ld xeragaddisad.

0

xerageddiso

f mg3 (-stay, -satay)

Guri u dhow u guurid (cid).

0

xerageli

f g2 (-iyay, -isay)

1. Soo x.: wax kasbid. 2. Wax tacbid.

0

xeragelin

m f dh

Eeg: xerageli

0

xeraguul

m dh (-lo, m.l)

Xero xooluhu baryaan marka ay aroorka yihiin.

0

xerayn

m f dh

Eeg: xeree

0

xeraysad

m l

Eeg: xeraysasho

0

xeraysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la xe-reeyey ahaansho.

0

xeraysasho

m f dh

ld xeraysad, xeraysi.

0

xeraysi

m l

Eeg: xeraysasho

0

xeraysnaan

m f dh

ld xerays-naansho.

0

xeraysnaansho

m l

/dh ld xeraysnaan.

0

xerayso

f g

/mg. 3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax xero gashasho. 2. (f.mg) Xer noqosho.

0

xeree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Xoolo iwm xero gelin.

0

xergee

f g2 (-geeyay, -geysay)

Geel meel reerka ka fog u daaq geyn. ld xerri.

0

xergeyn

m f dh

ld xerrin.

0

xero

m dh (-ooyin, m.l)

1. Meegaar dhagax ah ama ood ama qoryo, oo xoolo ama wax kale loo dhigo; derbi wareegsan oo illin laga galo leh; mooro; siibad. 2. Meel dugsiga ka weyn oo xertu wax ku barato.

0

xerodhaaf

m l

Neef xeradiisa ka taga oo habeenkii xero kale ku hoyda.

0

xerodhaafid

m f dh

Eeg: xerodhaaf²

0

xerokabaad

m l

Xoolo aan xeradooda ku soo hoyan habeenkii oo moora kale u gudbo.

0

xerokadareeris

m l

Ari badan oo goosmay.

0

xeroo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Xoolo iwm xero gelid.

0

xerood

m f l

Eeg: xeroo

0

xerri

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: xergee

0

xerrin

m dh

Eeg: xergeyn

0

xersilow

m l (-wyo, m.l)

Xersi dahab ka samaysan oo silsilad la geliyo dumarku qoor- ta ku xirtaan.

0

xexeb

m l (-byo, m.dh)

Laallaabka ay leedahay heeryo awr saaran oo wax la gashado. ld xolxol, xoxob.

0

xeyd

f g1 (-day, -dday)

Maro dacalkeeda hoose kor u qaadid.

0

xeydan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Wax la xeyday ahaansho.

0

xeydasho

m f dh

Eeg: xeydo

0

xeydid

m f dh

Eeg: xeyd

0

xeydmid

m f dh

Eeg: xeydan¹

0

xeydnaan

m f dh

ld xeydnaansho.

0

xeydnaansho

m l

/dh ld xeydnaa.

0

xeydo

f g3 (-ytay, -ydatay)

Maro dacalkeeda hoose kor u qaadasho.

0

xeyraxagato

m dh (-ooyin, m.l)

Xasharaad yaryar oo hargaha iwm. dufanka ka cuna.

0

xiddaayad

m dh

Eeg: xiddo

0

xiddayn

m f dh

Eeg: xiddee

0

xiddaysad

m l

Eeg: xiddaysasho

0

xiddaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax xiddo loo yeelay ahaansho.

0

xiddaysasho

m f dh

xiddaysi.

0

xiddaysi

m l

Eeg: xiddaysasho

0

xiddaysnaan

m f dh

ld xiddaysnaansho.

0

xiddaysnaansho

m l

/dh ld xiddaysnaan.

0

xiddee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Dhar iwm xiddo u yeelid.

0

xiddig

m l

1. Wax iftiin leh oo hawada sare ku sugan oo aan dayaxa iyo qorraxda midna ahayn oo habeenkii kaliya la arko. 2. (riw.) Ninka koowaad ee loo xusho jilidda fili- mada, riwaayadaha iwm. 3. Qof cayaaryahan ah oo kooxdiisa aad uga muuqda. 4. Nasiib.

0

xiddig-cirif

m dh (c.fal.)

Xiddigta laga arko kugta cirifka woqooyi, ee sidaas, lagu calaamadaysto woqooyiga runta ah ee meeshii laga arki karo ee dhulka oogadiisa, sida, kubbad-badka woqooyi.

0

xiddigasheeg

m l (-gyo, m.dh)

Qof xiddigaha wax ka yaqaan oo ka faaliya. ld xiddigiye.

0

xiddigdhul

m l

/dh Bahal yar oo wada qodax ah.

0

xiddigi

f mg2 (-iyay, -isay)

Xiddigo ka faalin.

0

xiddigin

m f dh

ld xiddigis.

0

xiddigis

m l

xiddigin.