Words starting with 'X'
1,607 Somali words beginning with 'X' — page 14 of 17.
xoog-xuddun-ka-jeed
(fiis.) Xoog xuddun ka-jeed. Xoog xuddumeed raadkiisa ladareemo marka baabuur aad saaran tahay uu jiiro galo. Waxa aad dareentaa in uu xoog ku jiidaya lidka jihada jiirada.
xoog-xuddun-ujeed
Xoog xuddumeed le'eg, lidna ku ah jihada xoog xuddun ka-jeedka.
xoogaa
/dh Waxaan badnayn; in yar.
xoogee
Wax xoog leh ka dhigid.
xoogeyso
Xoog yeelasho.
xoogoobid
ld xoogow¹.
xoogow
Xoog yeelasho.
xoogsasho
ld xoogsi.
xoogsato
Dad ku nool xooggooda wax ka soo baxa; muruqmaal.
xoogso
Wax tacbasho; shaqaysasho.
xoogxaraash
Qof ku shaqeeya wax yar nolol maalmeedkiisa.
xoogxaraashnimo
Xoogxaraash ahaan-sho.
xooji
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax xoog leh ka dhigid. 2. (f.mg) U x.: cid u shaqayn.
xooladhaqasho
Hawsha dhaqashada iyo xannaanaynta qaar ka mid ah xoolaha caws-ka daaqa.
xooladhaqato
Dad reer guuraa ah oo hawshoodu ku kooban tahayn dhaqaalaynta xoolaha kuna nool wax-soosaarka xoolahoo- da. ld xoolaley.
xoolaggoo
U x.: qof cayroobay xoolo ku kaalin.
xoolaggoyn
ld xoolag- gooyo.
xoolatir
Qof cayr ka dhigid.
xoolatirsasho
ld xoola-tirsi.
xoolatirso
Si diya ama mag loo bixiyo xoolaha reer ka tirin.
xoolaysan
Wax la xooleeyey ahaansho.
xoolaysasho
ld xoolaysad, xoolaysi.
xoolaysnaan
ld xoolays-naansho.
xoolaysnaansho
/dh ld xoolaysnaan.
xoolayso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Weel la tolay wax isticmaal u diyaar ah ka dhigid. 2. (f.mg) Xoolo yeelasho.
xoolee
1. Weel, dhig iwm asal, xayr iwm marin si loogu dhaqmo. 2. Cid xoolo u uruurin. 3. Godadka jarta, shaxda iwm dhagxaan ku ridid.
xoolo
1. Saddexda meesi oo la dhaqdo (geed, lo', ari). 2. Hanti; maal.
xoolo-ogaa
Qof ilaalinta xoolaha aad ugu feejigan. ld xoolo-ogaal.
xoolo-ogaannimo
Xoolo-ogaa ahaansho (qof). ld xoolo-ogaalnimo.
xoolohunnay
Qof xoolaha marka uu raaco daayaca.
xoon
Sooloji ahaan, koox xaya- waanka ka mid ah oo iskusinji ah oo meel ku wada nool, noloshooduna iskuxidhantahay. Qaarkood sida shacaabiga iyo isboonjiga waxay iskaga dhegsanyihiin dusha, una shaqeeyaan sidii xayawaan keliya. Kuwu kalena, sida xoon cayayaanka dusha iskagama dhegsana, waxaanay leeyihiin urur- ro bulsho oo heer sare ah oo xubnahoodu shaqooyin kala duwan qabtaan.
xoonsan
Wax meel ku uruuray ama tuursan ahaansho.
xoonsanaan
ld xoonsa-naansho.
xoonsanaansho
/dh ld xoonsanaan.
xoonshinniyeed
Shinni fara badan oo meel ku wada nool.
xoor
1. Bahal dabacaddaha la bah ah; wuxuu leeyahay dhogor adag oo duf ah oo bey ah; aad wuxuu u laayaa halaqa, jiirka, kd., fudaydna looma dili karo. 2. ld xoor 2 (2).
xoori
Xoor yeelasho.
xoorsato
Xoolo dhaqato hadba meel daaq cusub u doonata oo aan negaanaynin in badan; cosobsato.
xoosh
1. Cirro. 2. Daash, sida meel baabuurta la dhigta oo guriga raacsan.
xoox
Caanaha u horreeya oo laga liso ama laga nuugo candho irmaan.
xooxi
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Candho
xooxsasho
ld xooxsad.
xooxso
Candho xoox ka maalid.
xoq
1. Wax ciddiyaha marmarin. 2. Wax hoolid. 3. Cusbo gaar ah carruur dabada ka gelin. ld xog³.
xoqad
1. (-do, m.l) Diirad, dooribeyn, biladaye. 2. Qun, xoqato.
xoqasho
ld xoqad¹.
xoqato
Qalab yar oo bir ah oo af godan oo qumanka lagu xoqo.
xoqe
Qalab yar oo carruurta duburka looga xoqo.
xoqid
ld xogid.
xoqo
Meel jirka nafleyda ka mid ah oo cuncunaysa ciddi ama wax kale xoog ugu duugasho.
xor
1. Wuxuu doono samayn kara; aan cidi u talin; wuxuu maskaxdiisa ka maago samayn kara isagoo aan cidna kala tashan; isu taliya; madax bannaan; aan hawl ama shii- daad kale horjoogin ama xayirayn. 2. (-ro, m.l) Dacal (dhar); daraf; serji.
xoree
Cid xor ka dhigid.
xorgog
Caato, wuxuu ku dhego aan laga fujin karin; wax ku koga ama isku qonbojiya.
xorgogsan
Wax xorgogay ahaansho.
xorgogsanaan
ld xorgogsanaansho.
xorgogsanaansho
/dh ld xorgogsanaan.
xorjabid
ld xorjab¹.
xornimo
Xor ahaan; xurriyad.
xorow
Xor noqosho.
xorre
1. Cudur fasas leh oo ku dhaca faraha fooddooda oo xanuun badan leh. 2. ld xarre.
xorriyad
Madaxbannaani. ld xorriyo.
xorshosh
Qori ama wax kale oo korka sare ka fayow, gudahase ka mootan oo bolol ka ah, oo kolkii la taabto burburaya, tilmaan- tood. ld xorshosho.
xortolan
Wax la xortolay ahaansho.
xortolid
ld xortol¹.
xortolnaan
ld xortol- naansho.
xortolnaansho
/dh ld xortolnaan.
xortolo
Dhar, haan iwm dhexda ka tolasho.
xoryeel
Nin addoon ahaa oo la xoreeyey.
xoxob
xolxol.
xubbi
Jacayl.
xubbul-yeeg
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min hal dhibic ku leh. ld yeeg.
xubeer
Wax aan hanti lahayn noqosho.

