0

xiddigiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qofka xiddi- gaha wax ka sheega ama faaliya; xiddi-gasheeg.

0

xiddigle

m l (-layaal, m.l/dh)

Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.

0

xiddo

m dh (-ooyin, m.l)

Dun midabyo badan oo si gaar ah loo farsameeyey oo si ayan u tifmin dacallada maryaha looga tolo oo qurux loogu tala galay.

0

xidh-yar

m dh (bot.)

Geedaaley yar oo har leh; geedo isku urursan oo ku yaal meel gaar oo bannaan.

0

xidhiidhis

m l

Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.

0

xidid

m l (-do, m.l)

1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah. 2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya. 3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.

0

xidid-ciriirshe

m l (-shayaal, m.l/dh)

(daaw.) Dawo keenta in xididdada dhiigga ay isku rooraanoo ay ciriirshaan socodka dhiigga.

0

xidid-dabciye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(daaw.) Dawo keenta ballaarashada xididdada dhiigga oo badisa socodka dhiigga.

0

xididbarar

m l (c.nafl.)

Arooreyaal debca, dheeraada oo laallaabma.

0

xididdeysasho

m f dh

Eeg: xididdeyso

0

xididdeyso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Xidid yeelasho. 2. Ku x.: meel mudda badan ku sugnaansho.

0

xididi

f g2 (-iyay, -isay)

Xidid ka dhigid (dad); xididnimo ku dhawrid.

0

xididid

m f dh

Eeg: xixid²

0

xididin

m f dh

Eeg: xididi

0

xididmaskaxeed

m l

1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta, intiisa kore oo riciraha tunka. 2. Mid ka mid ah sooha cad oo maskaxda, maskaxyarada iyo dhuuxdheeraha, sida say- mo uga kala leexda oo oogada meesheed walba ka iltiran.

0

xididnimo

m dh

Xidid ahaan.

0

xididshe

m l (-shayaal, m.l/dh)

(kiim.) Atam ama koox atammo ah oo leh elektroon madi ah (aan lammaanayn). Xididsheyaasha soo- cani aad bay u firfircoon yihiin; waxana lagu dejin karaa ama lagu takoori karaa xaalado gaar ahaaneed oo keliya.

0

xididxanuun

m l

Xanuun yar oo meel jirka ka mid ah si dabacsan u haya. Tus. “Jaamac waa isjirrisiinayaa ee xididxanuun ma hayo”.

0

xidig

m l (-go, m.l)

(baay.) Jidh ku dhex samaysma unugga, marka ay dhacayaan mayoosiska iyo mitoosisku, kaasi oo ka qayb qaata filiqsanaanta koromatidhyada bu'da unugga hooyada.

0

xidiidin

m dh (-nyo, m.dh)

Meel digdigo ah oo aan geedo lahayn.

0

xidinxiito

m dh

1. Shinbir yar oo af guduudan iyo lugo aad u dhuudhuuban leh. 2. X. ah: qof aad caato u ah. ld xiidxiito, xiito.

0

xifaalayn

m f dh

Eeg: xifaalee

0

xifaalee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Cid si kaftan ah wax uga sheegid.

0

xifaalo

m dh

Si hufan oo maad leh oo wax laysaga sheego; kaftan.

0

xifaalootan

m l

Eeg: xafiiltamid

0

xifaaltamid

m dh

Eeg: xafiiltamid

0

xifaaltan

f mg1 (-amay, -antay)

Eeg: xafiiltan²

0

xifasho

m f dh

Eeg: xifo

0

xifo

f mg3 (-ftay, -fatay)

Si xad-dhaaf ah cunto uga dhergid.

0

xig

m dh

1. In yar oo hoore ah. 2. Neef dhawaan la maalay caano yar oo candhadiisa ku soo dhaca.

0

xigaal

m l u

Qaraabo. ld xigaalo, xigto.

0

xigaalo

m dh

Eeg: xigaal

0

xigasho

m f dh

Eeg: xigo²

0

xigid

m f dh

Eeg: xig³

0

xigmaati

m l kh

Qof xigmad badan.

0

xigmad

m dh (-do, m.l)

Murti.

0

xigo

f mg3 (-gtay, -gatay)

1. Neef dhowaan la maalay mar kale maalid. 2. Hadal, maanso iwm oo horay loo sheegay tixraacid.

0

xigsasho

m f dh

Eeg: xigso

0

xigsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. ld xiji.

0

xigsiin

m f dh

Eeg: xigsii

0

xigsiisan

m l

Aroosidda nin ooridii ka dhima- tay walaasheed arooso. ld xiskiisan.

0

xigsimi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: xiskimi

0

xigsimid

m dh

Eeg: xiskimid

0

xigsimin

m dh

Eeg: xiskimin

0

xigsin

m dh

Eeg: xiskin¹

0

xigsinayn

m dh (fiis.)

Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagan- tahay isbeddelka x ee waqtiga t.

0

xigso

f g

/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Cid meel fadhida ag fariisasho. 2. (f.g) Cid qaraabo ka dhigasho. 3. (f.mg) Ka x.: cid dhib ka furasho.

0

xigtannimo

m dh

Qaraabonimo; sokeeye; xigaal.

0

xigto

m dh

Eeg: xigaal

0

xiid

m l

1. Shinbir xidinxiitada u eg, kana weyn. 2. Xidinxiitada keeda lab.

0

xiidan

m l (c.nafl.)

Qaybta ka midka mindhicirka weyn ee lafdhabarleyda ee u dhexaysa siikamka iyo malawadka. Shaqada ugu weyn ee uu qabtaana waxa weeye ka soo nuugista macaadinta iyo biyaha hadhaaga cuntada aan la dheefshiidin ee soo dhaafta mindhicirka yar, taas oo marka dambe noqo- ta saxarro.

0

xiidgood

m l

Xiidxiito.

0

xiidmo

m l

Dheefshiidka intiisa yaryar oo ay ku dhammaato calooshu iyo qabsiinnada u dhexeeya.

0

xiidxiito

m dh

Eeg: xidinxiito

0

xiiji

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley orod ku daalin, nafley xuurtaysiin. ld xiiqi.

0

xiijin

m f dh

Eeg: xiiji

0

xiilo

m dh

Eeg: xeel

0

xiimi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax xiin ka keenid. 2. Wax aad u ordisiin.

0

xiimid

m f dh

Eeg: xiin²

0

xiimin

m f dh

874

0

xiin

m l

1. Waxa xoog u wareegaya ama u ordaya, shanqarta ka yeerta. 2. Sayn roob ah oo xoog iyo dheerayn leh.

0

xiinto

m dh (-ooyin, m.l)

Webiyada, durdurrada iwm meelaha biyadhaca ah oo xiinka sameeya.

0

xiiq

m dh

1. Neef xoog leh oo nafleyda qabata kolka in badan la ordo; xuurto. 2. Xiiqdheer; kix.

0

xiiqdheer

m dh (daaw.)

Cudur la isqaadsiiyo ee muddo gaaban, inta badanku dhaca caruurta oo uu keeno caabuq (mucosa) xuubka malaaska ee cunaha baktiiriyumka loo yaqaan “bordatella pertussis”. Kalhuu- riska oo ah 1-2 toddobaad ka dib waxa bilowda xaako, qandho fudud, qufac iyo cunno xumo. Qufacu wuxu noqdaa mid soo noqnoqda soona kordha: qofacyo gaagaaban oo isku xigxiga waxa raacaya neef jeed khasab ah taas oo sameyneysa codkii kixda. Waxa sida badan dhacda dhiigbax sanka iyo afka ka yimaada iyo matag qufaca xiriirka ah ka yimaada.

0

xiiqid

m f dh

Eeg: xiiq²

0

xiiqlee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Aad u xiiqid.

0

xiiqley

m dh

xiiqdheer.

0

xiiqleyn

m f dh

Eeg: xiiqlee

0

xiiqsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax xiiqay ahaansho.

0

xiiqsanaan

m f dh

ld xiiqsanaan-sho.

0

xiiqsanaansho

m l

/dh ld xiiqsanaan.

0

xiir

f g1 (-ray, -rtay)

Timo iwm gun ka jarid.

0

xiiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la xiiray ahaansho.

0

xiirasho

m f dh

Eeg: xiiro

0

xiirid

m f dh

ld xiirniin.

0

xiirimaad

m l

Eeg: xiirrimaad

0

xiirnaan

m f dh

ld xiirnaansho.

0

xiirnaansho

m l

/dh ld xiirnaan.

0

xiirniin

m l

Eeg: xiirid

0

xiiro

f g3 (-rtay, -ratay)

Timo madax ama gar ka jarasho.

0

xiirrimaad

m l

Gun ka jaridda timo iwm gunta laga jaro. ld xiirimaad.

0

xiis

f g

/mg1 (-say, -stay) 1. (f.g) Xargo dhowr ah isku soohid. 2. (f.mg) U x.: wax u hiloobid.

0

xiisaan

m l (-nno, m.dh)

Cad maro ah oo dhuuban oo askartii hore dhexda ku xiran jireen.

0

xiisad

m dh

1. Biya ama dabayl si xooggan u socda. 2. (-do, m.l) Qas iyo qalaanqal xasil- loonida degaan wax u dhima.

0

xiisadhac

f mg1 (-cay, -cday; -dhici)

Ka x.: wax rabiddooda dhumin; xiiso wax loo qa-bay lumin.

0

xiisadhicid

m f dh

Eeg: xiisadhac

0

xiisayn

m f dh

Eeg: xiisee

0

xiisee

f g2 (-seeyay, -saysay)

Wax araggooda ama heliddooda aad u rabid.

0

xiisid

m f dh

Eeg: xiis²

0

xiiso

m l

Wax la jeclaan jiray, kolka danbe oo la helo, rabitinka la iska dareemo ama loo qaado ama lagula dhaco.

0

xiiso-elektaroon

m l (-ooyin ..., m.l)

(fiis.) Summadda A ayaa lagu asteeyaa. Tamarta baxda marka atam, molikuyuul ama koox ku sugan weji neefeed ay hesho elektaroon si ay u noqoto ayoon taban. Waxa markaas ay noqonaysaa tamarta: A+ e--> A- . Qiimaha togan ee A (halbeeggeedu waa elektaroon- foolt) wuxuu tilmaan u yahay in kul la bi-xiyey.

0

xiisoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

U x.: xiiso dareemid.

0

xiisood

m f l

Eeg: xiisoo

0

xiito

m dh

Eeg: xidinxiito

0

xiitoole

m l

Nooc caws oo qodaxa leh.

0

xijaab

m l (-byo, m.dh)

1. Wax wax celiya ama isku gudba ama qariya; daah; ilixir. 2. Qardhaas; xirsi; makaraan.

0

xijaaban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

Wax la xijaabay ahaansho.

0

xijaabasho

m f dh

Eeg: xijaabo

0

xijaabid

m f dh

Eeg: xiijaab²

0

xijaabnaan

m f dh

ld xijaabnaan- sho.