x
arafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.
xaab
1. Caleemaha dhirta oo inta enge- ga geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.
xaabee
Qoryo la shito ururin.
xaabi
1. Wax meel yaal mar wada qaadid. 2. Wax wada dhammayn.
xaabin
ld xaabis.
xaabo
1. Qoryo qallalan oo shidaal gala. 2. Qoryo qallalan, jilicsan oo xorshosh ah.
xaabsasho
ld xaabsad, xaabsi.
xaabso
Wax firirsan oo meel wada yaal mar wada qaadasho.
xaad
Timo jilicsan oo oogada dadka ka soo baxa.
xaadi
Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid.
xaadir
1. Meel joogid (qof); jooge. 2. Haatan.
xaadiri
Dad meel jooga si loo ogaado kan maqan iyo kan jooga, magac- yadooda yeerin.
xaadirin
ld xaadiiris.
xaadirsan
Wax la xaadiriyey ahaansho.
xaadirsanaan
ld xaadirsa-naansho.
xaadirsanaansho
/dh ld xaadirsanaan.
xaadso
Ul, qori iwm su- lub ka dhigasho.
xaafad
Qaybaha magaalo u qaybsan tahay mid ka mid ah oo degmo ka yar.
xaafood
Qashin biyo fadhiya ama socda soo tufaan.
xaajaggal
X. ah: nin wax garad ah oo xaajo murugtay ka garnaqa.
xaajayaqaan
Nin waxgaradnimo iyo waayo-aragnimo isku darsaday.
xaajeysasho
ld xaajeysad, xaajeysi.
xaajeyso
1. La x.: cid arrin kala doodid. 2. Dan dhammaysasho.
xaaji
(dii.) Nin muslim ah oo waajibaadkii xajka gudanaya ama gutay.
xaajinnimo
Xaaji ahaansho.
xaajiyad
(dii.) Haaweenay xajinayso ama xajisay.
xaajo
Arrin; xaal; talo.
xaajoo
La x.: cid arrin kala doodid.
xaajootan
Arrin ka doodid.
xaakin
1. (-nno/-immo, m.dh) Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.
xaako
Dhacaan adag oo afka ka soo baxa oo ka yimaada oogaada xuubabkeeda jilicsan kolka ay bukoodaan.
xaakoo
Xaako tufid.
xaal
1. Hanti la siiyo qof sharaftiisa wax loo dhimay. 2. (axwaal, m.dh) Arrin; xaajo. 3. ld xaalad. Sida lagu suganyahay; sah.
xaalad
(3).
xaalad-beeggaal
(fiis.) Xaalad loo adeegsado qiimaha looga qiyaas qaato cabbirrada kul-daynaamikada.
xaaladduun
Waa x.: adduunyadu waa sida!
xaalee
Wax ama cid danayn.
xaalmari
Cid sharafteeda wax loo dhimay wax siin ama raalligelin.
xaalo
1. Xubnaha ragga. 2. Uurkujir.
xaaluf
Dhulka engegay ama nabaad- guuray oo daaqii ka dhammaaday.
xaalufi
Dhul xaaluf ka dhigid.
xaaluq
Orgi caato ah.
xaammil
Qof dumar ah oo uur leh.
xaammilo
Haweeney uur leh.
xaani
Ciid sabbaax ah oo aan boor iyo quruurux midna lahayn. ld xaano.
xaaq
1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.
xaaqin
Mafiiq, minfiiq.
xaaqso
Xaako tufid.
xaar
Saxaro.
xąar
Wax xaaqid.
xaaraamayn
ld xaaraan- timayn.
xaaraamaysan
Wax la xaaraameeyey ahaansho.
xaaraamaysnaan
xaaraamaysan. ld xaa-raamaysnaansho.
xaaraamaysnaansho
/dh ld xaaraamays-naan.
xaaraamee
Wax xaaraan ka dhigid. ld xaaraantimee.
xaaraami
X. ah: nin aan xaaraanta ka dhawrsan.
xaaraan
Wax aan shareecadu banayn oo xalaal ka dhigin; booli.
xaaraannimo
Xaaraan ahaansho. ld xaaraantinnimo.
xaaraanquute
Qof hanti xaaraan ah cunay.
xaaraansan
Wax la xaaraameeyey ahaansho.
xaaraansanaan
ld xaa-raansanaansho.
xaaraansanaansho
/dh ld xaaraansanaan.
xaaraanyahan
Nin ku xeel dheer xaaraan cunidda.
xąaran
Wax la xąaray ahaansho.
xaari
1. Ilmo si uu u saxaroodo majasaarid. 2. Cariish dhiriq marin.
xąarid
ąar.
xaarin
Weel, fidsan, godan, wareegsan oo badanaa caw ka samay-san oo badarka lagu haadiyo ama lagu kala saaro.
xąarnaan
ąaran. ld xąarnaansho.
xąarnaansho
/dh ld xąarnaan.
xaaro
1. Meel qashin ka nadiifsasho. 2. Wax meel yaal wada qaada-sho.

