0

xanantee

f g2 (-teeyay, -taysay)

Eeg: xadatee

0

xananto

m dh

Eeg: xadato

0

xanatayn

m dh

Eeg: xadatayn

0

xanatee

f g2 (-teeyay, -taysay)

Eeg: xadatee

0

xanato

m dh

Eeg: xadato

0

xandal

m l u (-llo, m.dh)

Miro qare oo la dubay.

0

xandho

m dh

Maal; hanti.

0

xandulle

m l

Eeg: xangulle

0

xanfaf

m l

Nabarka ama dhaawaca cusub (siiba kan birtu gooysay) xanuunka halaca leh oo laga dareemo.

0

xanfafid

m f dh

Eeg: xanfaf²

0

xanfal

m dh (-llo, m.dh)

Eeg: xanfaley

0

xanfaley

m dh

Sun ka dhalata biyaha ceelasha oo xoolaha aad u laysa. ld xanfal.

0

xanfaloobid

m f dh

Eeg: xanfalow

0

xanfalow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax xanfaley laysay noqosho.

0

xanfar

m l

Dabayl bus wadata.

0

xanful

m l (-llo, m.dh)

Badar la dubay oo bucday.

0

xangaruufad

m l

xanuuji

0

xangaruufasho

m f dh

xangaruufo². ld xanga- ruufad.

0

xangaruufo

m dh

Ciddiyaha oo wax lagu nabro, lagu xagto; xagatin.

0

xangeeyo

m dh

Geed yar oo laamo dhuudhuu- ban oo caano iyo xanjo wanaagsan leh.

0

xangulle

m l

Cad maskax yaryarta ka mid ah oo birtaawaha lagu masaxo marka canjeerada lagu dubaayo. ld xandulle, xangullo.

0

xangullo

m dh

Eeg: xangulle¹

0

xaniid

m l

1. Tabadiin hilibkeeda si gaar ah tinnaar loogu dubay oo la qallajiyey. 2. Hilib kasta oo tinnaar lagu dubo oo la qallajiyo.

0

xaniin

m dh

Badar shiidan oo budada laga saaray.

0

xanjaad

m l (-dyo, m.dh)

1. Xayrta riciraha lafdhabarta, sida xanjada ugu dhegsan. 2. Lafdhabar xiriir, arxaan.

0

xanjaf

m dh

Laan yar oo jilicsan oo carruurta lagu tumo markii ay edebdarro sameeyaan.

0

xanjafee

f g2 (-feeyay, -feysay)

Ilmo yar xanjaf ku tumid.

0

xanjafeyn

m f dh

Eeg: xanjafee

0

xanjeer

m l (-rro, m.dh)

1. Maro yar oo carruurta lagu xambaaro. 2. Guntinta mara- da lagu xambaaro carruurta.

0

xanjeerad

m l

Eeg: xanjeerasho

0

xanjeerasho

m f dh

ld xanjeerad.

0

xanjeero

f g3 (-rtay, -ratay)

1. Ilmo carruur ah xambaarasho. 2. Maro la guntanyahay kor u xaydasho.

0

xanjo

m dh

Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.

0

xankakaabsad

m l

Eeg: xankakaabsasho

0

xankakaabsasho

m f dh

ld xankakaabsad.

0

xankakaabso

f mg3 (-saday, -satay)

Qof cararaya wax daadsan gacan ka buuxsasho.

0

xankoobid

m l

Nooc ka mid ah dhirta xabagta leh.

0

xannaanayn

m f dh

Eeg: xannaanee

0

xannaanee

f g2 (-neeyay, -naysay)

1. Cid daryeelid. 2. Dhaqaalayn; hayn.

0

xannaano

m dh

Daryeel.

0

xannib

m l

Dhib; cadaadis; kadeed. ld xannibaad, xannibad.

0

xannibaad

m dh

Eeg: xannib¹

0

xannibad

m dh

Eeg: xannib¹

0

xanniban

f mg1 (-bmay, -bantay; -bmi)

Wax la xannibay noqosho.

0

xannibid

m f dh

Eeg: xannib²

0

xannibmid

m f dh

Eeg: xanniban¹

0

xannibnaan

m f dh

xanniban². ld xannib-naansho.

0

xannibnaansho

m l

/dh ld xannibnaan.

0

xansas

m l u

Caw qallalan (oo dabka lagu shito). ld xansaso.

0

xansasho

m f dh

Eeg: xanso

0

xansaso

m dh

Eeg: xansas

0

xanshar

m l

1. (u) Jabjab. 2. Buunsho. 3. Xash. 4. Qolof duubaya iniinta qaxwe ah. ld xashar.

0

xanshashaq

m l

Hadal hoos la isugu sheego; faq.

0

xanshashaqid

m f dh

Eeg: xanshashaq²

0

xanshiri

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: xashiri

0

xanshirin

m dh

Eeg: xashirin

0

xanso

f g3 (-saday, -satay)

Xog cid ku saabsan sir ahaan u raadsasho.

0

xantiir

m l (-rro, m.dh)

Qof aan waxba haysan; sabool; cayr.

0

xantiirid

m f dh

Eeg: xantiir²

0

xantiirnimo

m dh

Xantiir ahaansho.

0

xanto

m dh

1. Xayaabo kor ka soo marta subag la shiilayo. 2. Gufarka hoos fariista subag la shiilay. 3. Ciyaar carruureed hadba kan wax taabtaa cararayo oo ay rayn tahay haddii uu galo yoolka isagoo aan la taaban.

0

xantoobayn

m f dh

Eeg: xantoobee

0

xantoobee

f g2 (-beeyay, -baysay)

Wax xantoobo ku qaadid.

0

xantoobi

f g2 (-iyay, -isay)

Hal mar sacabka wax ku qaadid.

0

xantoobin

m f dh

Eeg: xantoobi

0

xantoobo

m dh (-ooyin, m.l)

In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo lagu qaado.

0

xantoobsad

m l

Eeg: xantoobsasho

0

xantoobsasho

m f dh

ld xantoobsad.

0

xantoobso

f g3 (-saday, -satay)

Hal xantoobo gacanta ku qaadasho.

0

xanuuji

f g2 (-iyay, -isay)

Cid xanuun badid.

0

xanuujin

m f dh

Eeg: xanuuji

0

xanuun

m l

1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartay darteed; kaar; dhuuri; halac; laxaw. 2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.

0

xanuun-bi'iye

m l (daaw.)

Dawo xanuunka bi'isa.

0

xanuunid

m f dh

Eeg: xanuun²

0

xanuunsad

m l

Eeg: xanuunsasho

0

xanuunsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax xanuun haayo ahaansho.

0

xanuunsanaan

m f dh

ld xa-nuunsanaansho.

0

xanuunsanaansho

m l

/dh ld xanuunsanaan.

0

xanuunsasho

m f dh

ld xa-nuunsad.

0

xanuunso

f mg3 (-saday, -satay)

Qof jirasho.

0

xaq

m l

1. Abbaar; daw; jid. 2. Wax maxkamad horteed ku caddaaday in qof lagu leeyahay. 3. Garsoor; caddaalad. 4. Run.

0

xaq-codbixinta

m dh (xuquuq codbixin, m.dh)

(qaan.) Xaqa loo dhiibto codka, gaar ahaan marka ay dadku dooranayaan baar-lamaan.

0

xaqaanni

m l kh

Qof aan dadka u kala eexan oo cid kasta mariya waxa ay mudan tahay.

0

xaqaggaro

m dh

Eeg: xagaggaro

0

xaqdarro

m dh

Eex; caddaalad xumo.

0

xaqdhawr

m l

Xishood iyo ixtiraam cid loo hayo.

0

xaqdhawrid

m f dh

Eeg: xaqdhawr²

0

xaqiiji

f g2 (-iyay, -isay)

Wax xaqiiq ka dhigid ama xaqiiqdooda u dhabbaggelid.

0

xaqiijin

m f dh

Eeg: xaqiiji

0

xaqiiq

m dh

Run; dhab. ld xaqiiqo.

0

xaqiiqato

m dh

Nabar ka dhasha is xoqidda shafka iyo jeeniga neef geel ah oo caatir keena. ld xaquuqato.

0

xaqiiqo

m dh

Eeg: xaqiiq

0

xaqiiqsad

m l

Eeg: xaqiiqsasho

0

xaqiiqsasho

m f dh

ld xaqiiqsad.

0

xaqiiqso

f g3 (-saday, -satay)

Wax xaqiiq- dooda helid ama raadin.

0

xaqir

m l

Xaqa iyo sharafka wax leeyihiin oo aan la marin, loo diido; tixgelis la'aan; dulleyn; quursi; yasid. ld xaqiraad.

0

xaqiraad

m dh

Eeg: xaqir¹

0

xaqiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la xaqiray ahaansho.

0

xaqirid

m f dh

Eeg: xaqir²

0

xaqirnaan

m f dh

ld xaqirnaansho.