0

xubeerid

m f dh

Eeg: xubeer

0

xubeero

m dh

1. Baahi. 2. Cayrnimo.

0

xubin

m dh (-bno, m.l)

1. Qaybaha oogada nafleyda middiiba, siiba inta laba kalaggoys u dhexaysa ama isku cad ah. 2. Dadka maamul ama urur ka koobanyahay, midkiiba.

0

xubin-dhac

m l (-bno ..., m.l)

(daaw.) Xubin ama sooh oo hoos uga dhaqaaqa meeshiisii caadiga ahayd, badanaa waxa keena sooha taageera oo dabca. Rimmaydhac iyo siil-dhac waxa keena, inta badan, jiidid iyo jeexmid ku dhaca sooha taageerada xilliga dhalmada.

0

xubin-holac

m l (-bno ..., m.l)

(daaw.) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.

0

xubnayn

m f dh

Eeg: xubnee

0

xubnee

f g2 (-neeyay, -naysay)

1. Wax xubno u yeelid. 2. Wax xubno u qaybin.

0

xubno-holac

m l (-ooyin ..., m.l)

Holac ku dhaca kala goysyada jidhka.

0

xuddumi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Ku x.: neef xoolo ah ilmo dhashay siin. 2. Ka x.: haweeney foolanaysa ka dhalin.

0

xuddumin

m f dh

Eeg: xuddumi

0

xuddun

m dh (jool.)

Badhtamaha dhulka ee ka hooseeya carro-jiifka dhulka, hexroorkii- suna yahay 6900 oo mitir, oo leh cufnaan sare, kana kooban nikal iyo xadiid.

0

xuddunxir

m l

Xoolo la siiyo ilmo markaa dhashay.

0

xuddunxirid

m f dh

Eeg: xuddunxir²

0

xuddur

m l

X. ah: xero weyn oo aad loo adkeeyay.

0

xudduud

m dh

1. Duxda hadalka ama macnaha oraah lagu dhawaaqay ka dam- beysa. 2. Xusuus la sii dhadhansado, oo wax kolkaas la sheegay soo kiciyaan, lagu soo garwaaqsado. 3. Seere; soohdin; xad.

0

xuf

m l (-faf, m.l)

Xuub yar oo harag jilicsan laga soo jeexay oo toobinka afka laga saaro. ld xug¹ (2).

0

xufnugeyl

m l kh

X. ah: xoolaha intooda tabarta yar.

0

xug

m dh

X. ah: xaskul qori lagu xaquuqay oo buruqdii laga milay oo liilankii caddaa isu haray. 2. ld xuf.

0

xugid

m f dh

ld hugid.

0

xugmi

m l

(2).

0

xugun

m l

Eeg: xukun¹

0

xujaale

m l

Eeg: xujoole

0

xujee

f g2 (-jeeyay, -jeysay)

1. Cid xujo ku xirid. 2. Cid eedeyn.

0

xujeey

m dh w

Eeg: xaaji

0

xujeyn

m f dh

Eeg: xujee

0

xujo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Weyddiin adag oo aan sahal looga jawaabi karin. 2. Dembi; Eed.

0

xujoobid

m f dh

882

0

xujoole

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof had iyo jeer xujo keena. ld xujaale.

0

xujow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax xujo galay noqosho.

0

xujub

m l (-byo, m.dh)

Qabri; xabaal. ld xujuub.

0

xujuub

m l (-byo, m.dh)

Eeg: xujub

0

xukuman

f mg4 (-mnaa, -mnayd)

Wax xukun ku dhacay ahaansho.

0

xukumid

m f dh

ld xakumid.

0

xukumnaan

m f dh

ld xukum- naansho.

0

xukumnaansho

m l

/dh ld xukumnaan.

0

xukun

m l

1. Talis, guddoon. 2. ld xugmi. Go'aan maxkamadeed. 3. ld xakaamad, xukuumad. Dowlad; dawlo. ld xugun.

0

xukun-la'aan

m dh

1. (siyaa.) Dawlad la'aan. 2. (siyaa.) Dhaqdhaqaaq siyaaso-bulshadeed oo aaminsan in qaranku uu ku dhisnaado xuriyadda iyo madaxbannanidda qofka.

0

xukun-militeri

m l

1. (siyaa.) Dawlad militri oo ku qabsatay awoodda xukunka xoog militeri, doorasho la'aan. 2. (siyaa.) Sharciyo gaar ahaan lagu soo rogo dal, awood dhe- raadna siiya taliyaasha xoogga dalka, markuu dalkas gudihiisa ama dibaddiisa dagaal halis ah ka jiro.

0

xukuumad

m dh

(3).

0

xul

f g1 (xulay, xushay)

1. Tiro wax kale oo la nooc ah fiicnaan uga doorid. 2. Wax, wax kale ka dhex baarid. 3. Kayn iwm dhex marid.

0

xulad

m l

Eeg: xulasho

0

xulafo

m dh u

Dad is bahaystay.

0

xulan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax xul lagu sameeyey ahaansho.

0

xulanti

m dh

Wax badan inta laga soo xushay oo ugu wareegsan.

0

xulasho

m f dh

ld xulad.

0

xulasho-dabeeci

m l (baay.)

Marka laga hadlayo aragtida Daarwin, dariiqad ku soo darta tadawurka sinjiyo cusub oo xayawaan iyo dhirba leh.

0

xulato

m dh

Laba qof, laba dawladood, laba cidood ama ka badan oo gacan saar yeesha ama isbahaysi.

0

xulbad

m dh

Nagaar caws ah oo mirihiisa la cuno ama sanuunadda iyo wixii la mid ah lagu geedeeyo.xundhur-bakteeriyeed

0

xuli

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax fiicnaan ay leeyihiin ku soocasho. 2. Wax, wax ka baarasho.

0

xulid

m f dh

ld xul¹ (2).

0

xulin

m f dh

Eeg: xuli

0

xulnaan

m f dh

ld xulnaansho.

0

xulnaansho

m l

/dh ld xulnaan.

0

xulo

f g3 (xushay, xulatay)

Wax badan kuwa ugu wanaagsan kala bixid.

0

xuloobid

m f dh

Eeg: xulow²

0

xulow

m l

Biyo gala cagaha marka kabo la'aan lagu socdo kulayl.

0

xulquun

m l

Eeg: xurquun

0

xuluf

m l

Digirta baalkeeda kore.

0

xulus

m l

Eeg: xalus

0

xuluul

m dh

1. Cawska jiilaalkii xoolaha dhirta hoosteeda looga guro. 2. ld huluul, xaluul. (-llo, m.l./dh) Xuluulasho; dhexgal; huluu-lad.

0

xuluulad

m l

Eeg: xuluulasho

0

xuluulasho

m f dh

ld huluulad, huluulasho, xaluulad, xaluulasho, xuluul

0

xuluuli

f g2 (-iyay, -isay)

Wax xuluul gelin.

0

xuluulin

m f dh

Eeg: xuluuli

0

xuluulo

f g

/mg3 (xuushay, xuulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. ld huluulo, xaluulo.

0

xuluushan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax, wax kale la dhexgeliyey ahaansho.

0

xuluushanaan

m f dh

ld xuluushanaansho.

0

xuluushanaansho

m l

/dh ld xuluushanaan.

0

xulxul

m l

Eeg: xolxol

0

xumaan

m dh

1. Wax wax dhima ama waxyeello leh ama la qoonsado. 2. wax xun ahaansho ama noqosho.

0

xumaansho

m l

/dh eeg xumaan.

0

xumadoon

m l

X. ah: qof jecel in arrin laysku haayo xumaani ka dhacdo.

0

xumaraadis

m l

X. ah: qof jecel in xumaani dhacdo.

0

xumayn

m f dh

ld xumays¹.

0

xumays

m dh u

1. Cawro; oogada dadka inta la qarsho. 2. Hilbaha inta uurkujirta ah. 3. Xoolaha iyo dadka intooda tabarta yar.

0

xumbayn

m f dh

Eeg: xumbee

0

xumbaysii

f mg2 (-iiyay, -iisay)

Ka x.: wax xumbo ka keenid.

0

xumbaysiin

m f dh

Eeg: xumbaysii

0

xumbee

f mg2 (-beeyay, -beysay)

Xumbo yeelasho.

0

xumbo

m dh

Xoor; abur.

0

xumbuse

m l

Nooc cawska ka mid ah oo xooluhu daaqaan.

0

xumee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Cid xumo ku samayn.

0

xumi

m dh

Eeg: xumaan¹

0

xummad

m dh

Kulaylka jirka oo sarakaca jirro awgeed.

0

xummad-guduud

m dh (daaw.)

Cudur si aad ah la isu qaadsiiyo sida badan ku dhaca carruurta, waxaana keena baktiiriyada “streeptococcus”. Waxaana laga qaadaa qof qaba ama qof jeermigu jirkiisa ku jiro oo an bukin - waxaana la isugu gudbiya qufac ama caano jeermigu gaaray.

0

xummad-hurdo

m dh (daaw.)

Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno “arbo fiirus” waxa laga helaa Afrikada kulul iyo gobollada waqooyi ee koonfur Ameerika, waxa gudbiya kaneeco khaas ahaan “aedes Aegypti”, fiirusku wuxu baabi'iya soohyada beerka iyo kelyaha.

0

xummadaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax xummadi hayso ahaansho.

0

xummadaysnaan

m f dh

ld xummadaysnaansho.

0

xummadaysnaansho

m l

/dh ld xummadays-naan.

0

xumo

m l

Wax aan la jeclaysan ama aan wa- naagsanayn.

0

xun

f mg4 (-umaa, -umayd)

1. Wax aan wanaagsanayn ahaansho. 2. Ka x.: wax aan raalli ka ahayn wax la sameeyey ahaansho. 3. Ku x.: wax, wax aad u jecel ahaansho.

0

xundhur

m dh (-ro, m.l)

Xuddun.

0

xundhur-ameebeed

m dh (daaw.)

Jirro xiidmeed oo uu keeno noole borotosoo ah (entamoeba istolytica), kaasoo keena in uu xiidmaha dalooliyo ama absees ku sameeya: beerka, sambabada iyo maskaxda; waxaana laga qaadaa cunnada iyo biyaha aan nadiifka ahayn oo ay gaadhey saxaro qof cudurkaas qaba.

0

xundhur-bakteeriyeed

m l (daaw.)

Cudur ku dhaca xiidmaha oo uu keeno bakteeriyaha loo yaqaan shigella, waxaana laga qaadaa cunnada iyo biyaha aan nadiif ahayn oo ay gaadhey saxaro qof cudurkaas qaba. Astaamihiisa waxaa ka mid ah shuban, lallabo, casiraad, qandho oo ilaa todobaad socdaan.

0

xundhuro

m l u

Qaraabo calaaqaad wanaagsani ka dhexeeyo.

0

xunguruf

m dh

1. Bahal ka mid ah bahalaha sheekooyinka lagu tebiyo hase yeeshee ayan cidi weli arag oo leh ciddiyo dhaadheer oo ay wejiga kaga xagato dadka. 2. Dafo. 3. Cadaa- wadnimo yar oo dad ka dhexeysa.

0

xuquuq

m dh w

Eeg: xaq

0

xur

m l

Weel yar oo wax lagu beego oo afar qursi qaada; suus; madaal.

0

xurbi

f g2 (-iyay, -isay)

Caano iwm xurbiye ku walaaqid.

0

xurbin

m l (-nno, m.dh)

1. Ul dheer oo afka ganto ku leh oo caanaha iwm lagu walaaqo. xurub. 2. Ul gaaban oo af buuran leh oo soorta la karinayo lagu walaaqo. ld xurbiye, xurbo,