xalwad
Cunto macaan oo laga sameeyo sankor, subag, warango, bur iwm oo la cuno.
xalwo
xammayn
xalxal
Barbarar jilicsan oo oogadu yeelato, inta haragga hoostiisa biyo iyo dhacaan ku soo joogsadaan.
xalxali
Wax xalxalay ka dhigid (nabar).
xamaal
/mg1 (-aalay, -aashay) ld xam- maal².
xamaan
Alaab aan qiimo badan lahayn oo guryaha looga dhaqmo. ld xamaamo.
xamaar
Ciid dhexdeeda wax ka raadin.
xamaarasho
ld xamaarad.
xamaarato
Nafleyda inteeda xamaa- rasho ku socota: waxay leeyihiin lugo gaag- gaaban oo gummudyo la moodo (diin, ya-xaas, kd.).
xamaaro
Ayadoo la dhabbacanyahay bog ku socosho.
xamaasad
1. Dareen xooggan oo nafsaani ah oo ka dhasha dhacdo beerqaad leh oo qofku muujiyo farxad, jidbo, yaab iwm. 2. Ficil.
xamakow
Geed aan dhulka ka kicin oo leh laamo buurbuuran oo wada hilib iyo biyo ah oo dusha kurtummo yaryar oo badan ku leh.
xamar
X. ah: midab guduudan.
xamash
Deegaan aad u baxday oo aan la daaqin.
xambaar
La bixidda gabar la guursanayo xoog lagula baxo. ld xambaarid.
xambaaraggudub
Tabaha legdanka nooc ka mid ah oo labada qof oo legdamaya midkood kan kale kor u qaado oo dhulka ku dhufto.
xambaaran
Wax la xambaaray ahaansho. ld xambaarsan.
xambaarasho
ld xam-baarsasho.
xambaarid
ld xambaar¹.
xambaarnaan
ld xambaarnaansho, xambaarsanaan, xam-baarsanaansho.
xambaarnaansho
/dh ld xambaarnaan.
xambaaro
Dhabar wax ku qaadid, dhabarka wax lagu qaado.
xambaarsanaansho
/dh ld xambaarnaan.
xambaarso
Wax dhabarka ku qaadasho. ld xambaaro.
xambali
1. Nin rumaysan ama raacsan mad-habta Xambali. 2. Afarta mad-hab ee diinta islaamku u qaybsan tahay middood.
xambus
Jajab qoryo ama saalo.
xamdi
Mahad; shugri; xamdinnaq.
xameyti-mareen
(c.nafl.) Dhuumaha xameytida ka soo qaada beerka.
xamiiq
Candhuuf
xamiiqreeb
In yar oo biyo ah.
xamiiqreebid
Kabbasho.
xamiir
Qashinka badda ama webigu di- badda u soo saaraan.
xamil
1. Haragga indhaha ku rogan oo dhawra. 2. Rar; qaad. 3. Daah sumalka caloosha lagaga xiro, si uusan idaha u saaran. 4. ld xamli.
xamli
Rar; qaad. ld xamil.
xammaag
Xoolo, wax dhammaaday ahaansho.
xammaal
/mg1 (-aalay, -aashay) Dusha wax ku qaadid.
xammaali
Qof ay shaqadiisu tahay in uu dusha wax ku qaado. ld xamaal¹, xamaali, xammaal¹.
xammaalid
ld xamaalid.
xammaalinnimo
Xammaali ahaansho. ld xamaalinnimo.
xammayn
861xammaysan
xammaysan
1. Wax aad u ordaaya ahaansho. 2. Wax aad u raran ahaansho (gaadiid).
xammaysnaan
ld xam-maysnaansho.
xammaysnaansho
/dh ld xammaysnaan.
xammee
1. Xoolo rar saarid. 2. Baabuur iwm kicin si uu u kululaado.
xammeeti
Dareere alkaliin oo midabkiisu huruudcagaaryahay, dhadhan qadhaadhna leh oo uu soo saaro beerku, laguna kaydiyo beerkutaasha. Waxay caawi- saa dheefshiidka iyo nuugista duxda taas oo burburisa siina yaryaraysa. Xammeetidu waxa kale oo ay nashaadisaa isku soo ururka muruqyada dheefmareenka oo loo yaqaan ubaaxin. ld xameyti.
xammis
Bun saloolid ama dubid.
xammisan
Bun wax la xammisey ahaansho.
xammisnaan
ld xam-misnaansho.
xammisnaansho
/dh ld xammisnaan.
xammuul
Rar; qaad. ld xamuul.
xammuurad
Ciid cas oo dharka cad lagu guduudiyo; sabakh.
xammuuradaysnaan
daysan. ld xammuuradaysnaansho.
xammuuradaysnaansho
/dh ld xammuura- daysnaan.
xammuuradee
Dhar xammuurad gelin.
xamo
Qof maqan xumo ka sheegid.
xamur
1. Geed gobka u eg kase gaaban oo miro laf adag oo la cuno leh. 2. Badar la dubay midkiisa buc-buca.
xamxamaa
Geed-quwaax xabagtiisa la cuno.
xamxamlee
hamlee.
xan
/dh Xumo ka sheegidda qof maqan (xumo laga sheego).
xanaaji
Ka x.: qof in uu xanaaqo badid.
xanaakadayn
ld xanaa-kad.
xanaakadee
Cid xanaakad u jeedin.
xanaanada-xoolaha
Barashada cilmiga xannaanaynta xoolaha.
xanaaq
Caro; dhirif; dhiidhi.
xanaaqsan
Wax caro hayso ahaansho.
xanaaqsanaan
ld xanaaqsanaansho.
xanaaqsanaansho
/dh ld xanaqsanaan.
xanaf
Taag taag yaryar oo soofe iwm ay leeyihiin oo dhaawaca wixii lagu xoqo; dardar; xajiin.
xanafi
Qof raacsan mad-habta Imaam Abu Xaniifa.
xanafiya
Mad-hab ka mid ah afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Abu Xaniifa.
xanan
Geed-yaryar ama ood qodax leh.

