Qaamuuska Asalka
xuub-malaas
(-bab ..., m.l)MagacLafdheeri
Macnaha
(c.nafl.) Xuub qoyan oo gudaha kaga malaasan xubnaha qaab dhuumeedka leh iyo xubnaha daloola sida: sanka, daloollada sanka xiga qaybta neef mareenka, xameyti mareenka iyo qaybta ganaca. Afka waxaa ku malaasan xuub dhis- mihiisu isbedbeddelo. Xuubka malaasku wuxuu ka sameysanyahay: ebiteliyum oo ugu sareeya waxaana ku yaal qanjirro yar-yar oo sameeya xab, waxaana ka hooseeya lakab soohxiriiriye ah iyo lakab ah muruq-xuubeed oo ugu hooseeya.
Erayo la-mid ah
xuub1. Lakab ama baal khafiif ah, oo jilicsan, oo xubnaha nafley…xuub(c.nafl.) Nudo kiish oo kale ah kuwaas oo daboola isku xidha…xuub-badh-habe(baay.) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhe…xuub-balaasmeed(baay.) Xuubka badh habaha ah ee sameeya xadka dusha ee unug…xuub-ileed-holac(daaw.) Halaamacoodka xuubka daboola wilka isha. Astaamaha: …xuub-maskaxeed(c.nafl.) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo ho…xuub-muruqeed(c.nafl.) Sooh xiriireed daboola xubnaha jilicsan ee jirka w…xuub-ubuceed(c.nafl.) Xuubka qoyan ee uurkujirtada gudaheeda.

