Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 5 of 25.
dhafan-midab-ileys
(fiis.) Kaah birlabdanabeed leh isku jir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo; badan midab-ileys.
dhafandhaaf
1. Fal laba dhinac oo iska soo horjeeda si darandoorri ah isu weydaarin. 2. Hab wax loo taxo iyadoo laba wax oo aan isku nooc ahayn si talantaalli ah la isugu xijinayo.
dhafar
1. Soo jeed habeennimo. 2. (-rro, m.dh) Xarig dheer dabagelis leh oo reeryada lagaga xiro. 3. ld dhafrid.
dhafarsan
1. Wax dhafar hayo ahaansho (qof). 2. Wax dhafar lagu xiray ahaansho (awr).
dhafarsanaan
ld dhafarsanaansho.
dhafarsanaansho
/dh ld dhafarsanaan.
dhafaruur
Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.
dhafdhaf
D. ah: waxyaabo badan, kala nooc ah oo isku jira.
dhafnaan
ld dhafnaansho.
dhafnaansho
/dh ld dhafnaan.
dhafoor
Meesha godan ee u dhexeysa isha iyo dhegta dadka.
dhafoorshiid
Summad geel oo laba barood oo dab ah oo dhaforrada lagu dhigo.
dhafri
1. Cid inay dhafarto ku kalifid.2. Xarig dhafar ah awr ku dhejin.
dhafrid
ld dhafar¹ (3).
dhafrin
ld dhafris.
dhafrisan
Wax la dhafriyay ahaansho.
dhafrisanaan
ld dhafrisanaansho.
dhafrisanaansho
/dh ld dhafrisanaan.
dhag
Cod lagu muujiyo dilka.
dhagaati
/dh (-iyo, m.l) ld dhegaati.
dhagadhaal
Dhul ka kooban meel dhagax ah iyo meel ciid ah oo kala qaybsan.
dhagar
Khayaano.
dhagarley
Haweeney dhagar badan. ld dhagarrey.
dhagarqabe
Qof cid dhagar ka galay. ld dhagarlow, dhagarre, dhagarrow.
dhagax
Adke yaryar iyo waaweyn leh, buuraha ama dhulkahoose laga helo oo wax lagu dhisto.
dhagax-aboodi
Dhagax gaar ah oo la aaminsanyahay inuu daawo leeyahay.
dhagax-burbur-kiimikaad
Burburka ku dhaca dhadhaabaha ee ka dhasha falgalka kiimikaad.
dhagax-cas
Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh. c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray.
dhagax-lool
Dhagax madow, xanaf leh oo birta lagu afeeyo; lisin.
dhagax-madoobe
Dhagax ka mid ah dhadhaabaha faraha badan oo loo yaqaanno hadhaabo dhalan rogan.
dhagax-madow
Nooc ka mid ah dhagaxa adag, laga helo buuraha qaarkood oo markuu isku dhaco dab ka baxo.
dhagax-nuuradeed
Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.
dhagax-xameetiyeed
Wax adag oo ka sameysan midableyda xameytida, kolesterool, iyo cusbo kaalshum, kuna sameysmi kara xameytihaysta.
dhagaxbaruur
/dh (-rro, m.dh) Dhagax midab cad leh oo jilicsan.
dhagaxdhaal
Dhul meelina dhagax tahay, meelna ciid.
dhagaxdixeed
/dh (-dyo, m.l) Dhagax adag oo badanaa laga helo dhulalka biyo mareenka ah, sida togagga.
dhagaxturaanturro
Wax kasta oo socod, hawl iwm xanniba oo ay la socon waayaan.
dhagaxyee
Wax dhagax la dhacid. ld dhagxi. dhagaxyeyn m.f.dh eeg dhagaxyee. ld dhagxin, dhagxis.
dhagdhag
Qosol aad u dheer oo aan kala go' lahayn.
dhagi
Maalinta kala barkeeda ee qorraxdu aad u kulushahay. ld dhadi.
dhagsii
Qof ama wax dilid.
dhaguf
Wadaan gaboowday.
dhaji
1. Ku dh.: wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: qof wax ku ilayn. ld dheji (5).
dhąji
Nooc halaqa ka mid ah. ld haldheji.
dhajin
ld dhajis (3), dhejin, dhejis.
dhajis
1. Mas gaboobay. 2. Cudur caloosha ku dhaca oo mantag badan leh oo la aaminsanyahay inuu ka dhashay ilayn qof la ileeyay. 3. ld dhajin.
dhajisgoyn
Daaweynta cudurka dhejiska.
dhakaac
Qayb lafdhabarta ah.
dhakaaci
Qosol ka dh.: aad u qoslid.
dhakaar
1. Madaxa. 2. Dhafoor.
dhakaaryee
Cid dhakaarka ka garaacid.
dhakaaryo
Garaacidda qof dhakaarka laga garaaco.
dhakab
Dh. dheh: si fiican u qabo; dhabdheh.
dhakafaar
1. Yaab aad u weyn. 2. ld dhakafaarid.
dhakafaari
Cid, dhakafaar badid. ld dheg-kafaari, dhekafaari.
dhakafaarid
ld dhakafaar¹ (2), dhakafaaris², dhegkafaar¹, dhe
dhakafaarin
ld dhakafaaris¹, dheg-kafaarin, dhekafaarin, dhekafa.
dhakafaarsan
Wax dhakafaaray ahaansho. ld dheg-kafaarsan, dhekafaarsan.
dhakafaarsanaan
ld dhakafaarsanaansho, dheg-kafaarsanaan, dheg-kafaar
dhakafaarsanaansho
/dh ld dhakafaar-sanaan.
dhakal
Haruub aad u yar.
dhakan
1. Qof maqal ka liita ahaansho. 2. U dh.: qof meel ku dhuuntay ahaansho.
dhakanaan
ld dhakanaansho.
dhakanaansho
/dh ld dhakanaan.
dhakasho
1. Dhuumashow. 2. ld dhakad. eeg dhako.
dhakaw
Tigin; dhidib; udub.
dhakhadhookh
Qof dad ka qosliya.
dhakhsaha-falgalka
Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan.
dhakhsiinyo
(1).
dhakhso
(1).
dhakhso-horsiimo-kowaad
Falgalka dhakhsihiisu saamigal ku yahay ribnaanta mid ka mid ah walxaha falgalayaasha ah.
dhako
1. Madaxa meeshiisa sare, dhalo. 2. Meesha ugu sarraysa (guri, geed, buur iwm); fiin.
dhakool
1. Qof, wax meel cidla' ah taagan ama ka dhisan. 2. ld dhakoolid.
dhakoolid
ld dhakool¹.
dhal
1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.
dhalaad
Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.
dhalaal
Iftiin indhaha qabto oo ka baxa walxaha qaarkood marka ilays ku dhaco. ld dhalal¹.
dhalaali
Wax dhalaalaya ka dhigid. ld dhalali.

