0

dhabarjabid

m f dh

ld dhabarjab¹ (3).

0

dhabarjebi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Qof hawl dhib badan ku qabasho. 2. Gadaal ka soo wareerid (cadaw iwm).

0

dhabarjebin

m l

Heerka bislaanshaha miraha ee gahayrnimada ka dambeeya.

0

dhabarjebis

m l

Eeg: dhabarjebin²

0

dhabarjebshe

m l

Cudur xanuun leh oo ku dhaca dhabarka nafleyda.

0

dhabarjeedi

f mg2 (-iyay, -isay)

1. Cararid. 2. Cid wax u diidid.

0

dhabarjeedin

m f dh

ld dhabarjeedis.

0

dhabarjeedis

m l

Eeg: dhabarjeedin

0

dhabarxanuun

m l

Xanuun dhabarka ku dhaca.

0

dhabas

m l

Koore duug ah.

0

dhabasho

m f dh

ld dhabad.

0

dhabataysad

m l

Eeg: dhabataysasho

0

dhabataysasho

m f dh

ld dhabataysad, dhabataysi.

0

dhabataysi

m l

Eeg: dhabataysasho

0

dhabatayso

f g3 (-stay, -satay)

Qof qumanyaysasho.

0

dhabato

m dh

Karti isha dadku leedahay oo la rumaysanyahay inay cid wax ku yeeli karto.

0

dhabayn

m f dh

Eeg: dhabee

0

dhabayoco

m dh kh

Dh. ah: qof saqajaan ah.

0

dhabbabireed

m l

Jidka tareenku maro.

0

dhabbac

m l

1. Si loo seexdo oo qofku caloosha dhulka dhigto. 2. ld dhabbicid.

0

dhabbacan

f mg4 (-cnaa, -cnayd)

Wax dhabbac u jiifa ahaansho.

0

dhabbacasho

m f dh

ld dhambacaadsad, dhambacaadsasho, dhambacaadsi.

0

dhabbacnaan

m f dh

ld dhabbacnaansho.

0

dhabbacnaansho

m l

/dh ld dhabbacnaan.

0

dhabbaco

f g

/mg3 (-cday, -catay) Dhabbac u jiifsasho (qof). ld dhambacaadso.

0

dhabbaggacal

m l

Wadiiqo yar oo isku xirta laba qoys oo deris ah.

0

dhabbaggal

m l

1. Waddada geelu ku arooro. 2. ld dhabbaggelid.

0

dhabbaggelid

m f dh

ld dhabbaggal¹ (2).

0

dhabbaqayn

m f dh

Eeg: dhabbaqee

0

dhabbaqee

f g2 (-qeeyay, -qaysay)

Cid gardarro kula kicid.

0

dhabbaqo

m dh

Gardarro.

0

dhabbaqoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Ku dh.: gardarro ku kicid.

0

dhabbaqood

m f l

Eeg: dhabbaqoo

0

dhabbar

m dh

Bartamaha habeenka.

0

dhabbayn

m f dh

Eeg: dhabbee

0

dhabbe

m l (-bayaal, m.l/dh)

Jid ay baabuurta, xoolaha iwm maraan oo cagta lagu bixiyey. ld dhabbo.

0

dhabbee

f mg2 (-beeyay, -baysay)

1. Waddo si joogto ah u marid. 2. Xaskul la duugay tumid.

0

dhabbicid

m f dh

ld dhabbac¹ (2).

0

dhabbis

f g

/mg1 (-say, -stay) 1. Is dh.: wax hurda iska dhigid. 2. U dh.: wax u qabasho.

0

dhabbisid

m f dh

ld dhabbis¹.

0

dhabbo

m l

Eeg: dhabbe

0

dhabcaal

m l (-llo, m.dh)

Nin aan hantidiisa waxba ka bixinin; bakhayl, muudal.

0

dhabcaalad

m dh

Eeg: dhabcaal²

0

dhabcaalnimo

m dh

Dhabcaal ahaansho.

0

dhabcaan

m dh

Eeg: dhabcan

0

dhabcan

m dh

Xaar lo'aad oo qoyan; faanto. ld dhabcaan.

0

dhabdarro

m dh

Gardarro.

0

dhabdarroo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Ku dh.: cid dhabdarro kula kicid.

0

dhabdarrood

m f l

Eeg: dhabdarroo

0

dhabee

f mg2 (-beeyay, -baysay)

Ka dh.: wax dhab ka dhigid.

0

dhabeel

m dh (-lo, m.l)

Naag maamulka guriga aad ugu fiican; gaari.

0

dhabeelnimo

m dh

Dhabeel ahaansho.

0

dhabeeloobid

m f dh

Eeg: dhabeelow

0

dhabeelow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dhabeel noqosho.

0

dhabgeli

f lg2 (-iyay, -isay)

Isu dh.: waxyaabo meel wada gelin.

0

dhabgelin

m f dh

Eeg: dhabgeli

0

dhabiil

m dh

1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta. ld dhabiilid.

0

dhabiilid

m f dh

ld dhabiil¹.

0

dhabiiltamid

m f dh

ld dhabiiltan¹.

0

dhabiiltan

m l

Si dhab ah oo loo xisaabtamo. ld dhabiiltamid.

0

dhabji

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dhabqi

0

dhabjin

m dh

Eeg: dhabqin

0

dhabjis

m l

Eeg: dhabqin

0

dhabnaan

m f dh

ld dhab-naansho.

0

dhabnaansho

m l

/dh ld dhabnaan.

0

dhabo

f mg3 (-btay, -batay)

Dhaqdhaqaaqid, kicid (dhabayl).

0

dhaboobid

m f dh

Eeg: dhabow

0

dhabow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dhab noqosho.

0

dhabqalallayn

m f dh

Eeg: dhabqalallee

0

dhabqalallee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Wax dhabqalallo ku sameyn.

0

dhabqalallo

m dh kh

Dh. ah: qof maankiisa wax u dhimmanyihiin; dhaandhaan; sacsac; sawir.

0

dhabqi

f g2 (-iyay, -isay)

Cayaar, hees iwm dhabaq gelin. ld dhabji.

0

dhabqid

m f dh

Eeg: dhabaq²

0

dhabqin

m f dh

ld dhabjin, dhabjis, dhabqis.

0

dhabqis

m l

Eeg: dhabqin

0

dhabro

m dh

Cudur dhabarka xoolaha ku dhaca oo iin u yeela.

0

dhabuulaq

m l

Raad dad oo isku noqnoqday.

0

dhabuuliqid

m f dh

Eeg: dhabuulaq²

0

dhabxanag

m l

Dahaarka jilicsan ee hoos kaga dheggan qalka sare ee afka. ld dhanxalag, dhanxanag, dhanxarag.

0

dhac

m l

1. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti cid kale leedahay lagu qaato. 2. Dh. ah: hanti si xoog iyo sharcidarro ah lagu soo qaatay. 3. ld dhicid.

0

dhacaamid

m f dh

ld dheecamid.

0

dhacaan

m l (-aamo, m.dh)

Hoore layiig ah oo ka yimaada nabar ama dhaawac gaaray oogada noole. ld dheecaan¹.

0

dhacaan-ganaceed

m l (-dyo, m.dh)

(c.nafl.) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.

0

dhacadiid

m l

Si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo. ld dhacadiidid.

0

dhacadiidid

m f dh

ld dhacadiid¹, dhacdiid¹, dhacdiidid.

0

dhacadiidsad

m l

Eeg: dhacadiidsasho

0

dhacadiidsasho

m f dh

ld dhacadiidsad, dhacadiidsi, dhacdiidsad.

0

dhacadiidsi

m l

Eeg: dhacadiidsasho

0

dhacadiidso

f mg3 (-saday, -satay)

Dacdiid u seexasho. ld dhacdiidso.

0

dhacamaggal

m l u

Eeg: dhacmaggal

0

dhacami

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dhacmi

0

dhacamin

m dh

Eeg: dhacmin

0

dhacamis

m l

Eeg: dhacmin

0

dhacan

m dh (-cmo, m.l)

Ood weyn oo xeryaha afka laga saaro; oodafo; jiitin; oodrogo; buuxsin.

0

dhacar

m dh

1. Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah. 2. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin. 3. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.

0

dhacarad

m l

Eeg: dhacarasho

0

dhacarasho

m f dh

ld dhacarad, dhacarsad, dhacarsasho, dhacarsi.

0

dhacarato

m dh u

Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah. ld dhacarsato.

0

dhacari

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo meel dhacar leh soofin.

0

dhacarin

m f dh

ld dhacaris.