Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 17 of 25.
dhidhiin
Dhasha ariga mid ka mid ah oo dhicis ah ee aan weyn noqonin.
dhidhin
Buur bacaad ah.
dhidib
Wax si adag dhulka ugu aasid.
dhidib-dhuleed
(c.fal.) Xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh. dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
dhidib-wareeg
(c.fal.) Xarriqda uu xood ama walaxi ku dul wanniinayo (eeg dhidib).
dhidid
1. Qoyaan dufan leh oo oogada nafleyda ka soo baxa kolkay qorrax darteed ama xanuun la kululaato. 2. ld dhididid.
dhididdhawr
Wax dhididka celintiisa loo qaato sida funaanadda, jaanta kore ee kabaha iwm.
dhididi
Nafley jirkeeda
dhididid
ld dhidid¹ (2).
dhididin
ld dhididsiin.
dhididsan
Wax dhididay ahaansho.
dhididsanaan
ld dhididsanaansho.
dhididsanaansho
/dh ld dhididsanaan.
dhif
1. Nabsi. 2. Dh. ah: wax aan badanaa la arag ama la helin.
dhifad
1. Si kedis ah oo xoog badan wax u jiidid. 2. ld dhifasho. ld dhufad.
dhifasho
ld dhifad, dhufad, dhufasho.
dhifnimo
Dhif ahaansho.
dhifo
/mg3 (-ftay, -fatay) 1. (f.g) Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidid. 2. (f.mg) Ku dh.: wax, wax la dhicid. 3. (f.mg) Ku dh.: maanso ku luqayn. 4. (f.mg) Isku dh.: laba tiro tarankooda soo saarid. 5. (f.mg) Carrabka ku dh.: wax soo hadal qaadid. ld dhufo.
dhifsasho
ld dhifsad, dhiftin, dhufsad, dhufsasho, dhuftin.
dhifso
Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidasho. ld dhufso.
dhiftin
Guntinta xarigga in yar oo ka soo taagan oo la jiido marka la rabo in deg-deg loo furo. ld dhifsasho.
dhig
(juqr.) Xarriiqo barbarra ah oo isku xira cirifka waqooyi iyo kan koonfureed.
dhig4
/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g)Qalin, teeb iwm wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.
dhigaal
Wax meel la dhigto si waqti dambe loogu aayo (kayd).
dhigaali
Wax kaydin.
dhigaalis
Dhul dhowr jeer la beeray oo loo nasinaayo in mar kale la beero.
dhigan
1. Wax la kaydiyey noqosho. 2. U dh.: wax, wax kale la qiima ah noqosho. Tus. “Macawistu waxay u dhigantaa shaalka”.
dhigasho
ld dhigad.
dhigaysan
Rati la raraayo wax dhiga loo yeelay ahaansho.
dhigaysnaan
ld dhigaysnaansho.
dhigaysnaansho
/dh ld dhigaysnaan.
dhigdhexo
1. Dhig weyn oo bartamaha aqalka miyiga marka ladhisaayo lagu dhiririyo. 2. (juqr.) Xariiqaha dhulka cirifkiisa waqooyi ka bilowda oo kan koonfur ku dhammaada, mid ka mid ah oo waqtiga lagu qiyaaso.
dhigdhig
1. Meel ciriiyoon; jiqjiq. 2. Dh. ah: wadiiqo yar oo ciriiri ah. 3. (sh.r) Cod lagu muujiyo lulashada (wax yar).
dhigdhigsii
Ka dh.: wax dhaqdhaqaajin. Tus. “Ridii dabadey ka dhigdhigsiisay”.
dhigdhiko
Qufac isdaba joog ah; riiraxyo.
dhigdhikoo
Si isdaba joog ah u quficid; riiraxyood.
dhigee
1. Aqal miyi la dhisaayo dhigo u yeelid. 2. Rati la raraayo dhigo ka taagid.
dhigid
ld dhigis, dhigniin.
dhigmo
Qoraalka farta.
dhignaan
ld dhignaansho.
dhignaansho
/dh ld dhignaan.
dhigo
/mg. 3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax la hayay meel saarasho. 2. (f.g) Wax kaydsasho. 3. (f.g) Cashar qorasho. 4. (f.g) Dugsi wax ka barasho. 5. (f.g) Ballan, heshiis iwm cid la gelid. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax kale u beddelasho. 7. (f.mg) Is dh.: qof khatar iwm oo ku soo fool leh oo loo baahnaa in uu ka gaashaanto ka seexasho.
dhihid
ld dhihitaan.
dhiib
/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Wax la hayo qof kale gacanta u gelin. 2. (f.g) Lacag, mushaar, deyn iwm bixin. 3. (f.mg) Is dh.: cid isu gacan gelin. 4. (f.mg) U dh.: cid wax u dirid.
dhiibaal
/dh 1. Hanti iib loo wado oo qofkii lahaa uusan la socon oo cid kale gadayso. 2. Dh. ah: rati dhaan ah oo ciddii lahayd aysan wadan.
dhiibasho
ld dhiibad.
dhiibi
Maro, harag iwm togid si jactadku uga ba'o.
dhiibid
ld dhiibis².
dhiibin
ld dhiibis¹.
dhiibitir
Cid dhaawac ah israacin.
dhiibitiran
Wax la israaciyay ahaansho (qof dhaawac ah).
dhiibitirnaan
ld dhibitirnaansho.
dhiibitirnaansho
/dh ld dhiibitirnaan.
dhiibo
1. Wax la hayo cid kale u gudubsasho. 2. Wax qof leeyahay cid kale ku ammaanaysasho.
dhiibsan
Maro, harag iwm wax la dhiibiyey noqosho.
dhiibsanaan
ld dhiibsanaansho.
dhiibsanaansho
/dh ld dhiibsanaan.
dhiibsasho
ld dhiibsad, dhiibsi.
dhiibso
Maro, harag iwm giijisasho.
dhiico
Deri.
dhiidhi
1. Caro qiiro leh oo cid fal xun loo geystay muujiso; xanaaq. 2. ld dhiidhiyid.
dhiidhi4
Cid fal xun loo geystay caro qiiro leh muujin.
dhiidhiib
Fadhi luguhu u fidsanyihiin fariisasho (qof).
dhiidhiibi
Qof fadhiya, luga fidin.
dhiidhiibsan
Qof isagoo fadhiya wax lugaha fidsaday ahaansho.
dhiidhiibsanaan
ld dhiidhiibsanaansho.
dhiidhiibsanaansho
/dh ld dhiidhiib-sanaan.
dhiidhiibsasho
ld dhiidhiibsad, dhiidhiibsi.
dhiidhiibso
Qof isagoo fadhiya lugaha fidsasho; dhiidhiib u fariisasho.
dhiidhiin
Kur ka samaysanta ciidda bacaddada.
dhiidhiiyo
Cayayaan madaxa iyo qaarka hore qolof adag oo kurtummo lihi kaga roganyihiin oo aan baalal lahayn oo qaar dambe oo buuran leh; xabley.
dhiidhiyid
ld dhiidhi¹ (2).
dhiifoon
Qof firfircoon oo dhega nugul ahaansho.
dhiifoonaan
ld dhiifoonaansho, dhiifooni.
dhiifoonaansho
/dh ld dhiifoonaan.
dhiig
1. Dhiig sii deyn. 2. ld dhiigow.

