Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 23 of 25.
dhulbar
/dh Xarriiq dhulka u qeybisa laba qeybood oo isle'eg. ld dhulbare.
dhulbaraf
Dhul baraf si joogto ah u fadhiyo.
dhulcawseed
Dhul caws badani ka baxo, oo geed-gaab leh.
dhuldhac
1. Kabbiska guriga. 2. Jirro culus oo qof la kici waayo. 3. ld dhuldhicid.
dhuldhicid
ld dhuldhac¹ (3).
dhulfidsi
Dhulballaarsi.
dhulfiiq
Qof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.
dhulgariir
(jool.) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
dhulgoosad
Hab dhaqan-dhaqaale ku dhisan oo dhul-beereed dadyari hantiyo. ld dhulgoosi.
dhulgoyn
Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.
dhuljarid
Goynta dhulka dushiisa, gaar ahaan dooxada webiyada si dooxada salkeedu loo sii goto.
dhulkasoofuur
Boqoshaa.
dhullaawe
Qof aan waddan lahayn.
dhullax
Kasoobbax yar. ld dhullux.
dhulley
Dad dhul ballaaran leh.
dhulman
Qolof adag fidsan, laba qalbac ah oo nafleyda yaryar ee baddu ku dhex nooshahay. ld dhulmad.
dhulmareen
1. Qof dalal badan maray oo waayo arag ah. 2. Qof dhul aan hore loo aqoon helay.
dhulqaado
U dh.: wax u adkaysasho.
dhulqabasho
ld dhulqabad.
dhulqabo
Si fudud dhaqan ugu barasho.
dhulub
Koob yar oo aan dheg lahayn; bilaale, murbay.
dhululub
(xis.) Adke ku soohdimaysan dul dhululubaysan iyo laba sallax oo barbarro ah, ama dusha adkahan oo kale.
dhululubo
Koombo.
dhuluuluc
Finan yaryar, aan xanuun lahayn oo riyaha dushooda ka soo baxa marka roob badani ku da'o. ld dhuluulux¹.
dhuluulucid
ld dhuluuluxid.
dhulxaar
Dhulfiiq.
dhumi
1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid.
dhummay
Geed-abaareed ay maygaagga isku bahyihiin oo laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar leh.
dhumuc
Inta wax dherer leh, siman ballarkiisa ama weynaantiisu le'egtahay.
dhumuq
Laf-dhabarta afkeeda hoose.
dhun
Wax baadiyoobay ama hallaabay noqosho.
dhunji
Cunaha marin iyadoo caloosha loo riixayo (cunno, cabitaan iwm).
dhunjin
ld dhunjis, dhunxin, dhunxis.
dhunkaal
1. Geed-nugeyl gaaban, cad, oo caleemo balballaaran oo xooluhu jecelyihiin leh, oo xabagtiisu sun tahay. 2. Xabagta dhunkaasha ee sunta ah.
dhunkasho
1. eeg dhunko. 2. Shummis. ld dhunkad.
dhunko
Bushimaha cid kale ku taabasho kalgacayl ama xurmo awgeed.
dhunkuluulux
Cunto aad loo kariyey muudmuudid.
dhunkuluuluxi
Cunto dhunkuluulux ka dhigid.
dhunkuluuluxin
ld dhunkuluuluxis.
dhunkuluuluxsan
Wax la dhunkuluuluxiyay ahaansho (cunto).
dhunkuluuluxsanaan
eegdhunkuluuluxsan. ld dhunkuluuluxsanaansho.
dhunkuluuluxsanaansho
/dh ld dhun-kuluuluxsanaan.
dhunkuluuluxsasho
ld dhunkuluuluxsad.
dhunkuluuluxso
Cunto dhunkuluulux ka dhigasho.
dhunkuxsasho
ld dhunkuxsad, dhunkuxsi.
dhunkuxso
Wax adag oo aan la calaalin liqid.
dhunxin
dhunxis m.l ld dhunjis.
dhuq
Xubinta taranka ee haweenka gudaheeda.
dhuqdhuqaysasho
ld dhuqdhuqaysad, dhuqdhuqaysi.
dhuqdhuqayso
Hanti aan badnayn meel si joogto ah uga helid.
dhuqdhuqee
Jid si joogto ah horay iyo gadaal ugu noqnoqosho.
dhuqmee
Meel ciriiri ah wax ka soo bixin.
dhuqmeysasho
dhuqmeyso.
dhuqmeyso
Meel cariiri ah wax kala soo bixid.
dhur
Biyo weel dardarid iyadoo meel kale lagu shubayo.
dhuraal
Ceel biyo yarood ah oo in qof la geliyo oo uu biyaha soo dhuro mooyee aan si kale looga cabbin.
dhuran
Wax hadal tiro badan oo aan xikmad lahayn sheegaya noqosho (qof).
dhurbe
Jaadadka cawska mid ka mid ah.
dhurdarraysasho
ld dhurdarraysad, dhurdarraysi.
dhurdarrayso
Aayaxumo la kulmid.
dhurdarro
Aayaxumo.
dhurdarrow
Qof aayaxumo la kulmay noqosho.
dhurde
Cayayaan sida gelmiga u yaryar oo surta sameeya.
dhure
1. Fandhaal weyn. 2. Weel kasta oo wax lagu dhuro.
dhurgun
Diismidda meel jirka ka mid ah oo barartay diisanta.
dhurgunsan
Wax dhurgun haya ahaansho (jir).
dhurgunsanaan
ld durgunsanaansho.
dhurgunsanaansho
/dh ld dhurgunsanaan.

