Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 10 of 25.
dharaarmaalnimo
Dharaarmaal ahaansho.
dharaarnimo
Maalinnimo.
dharaaro
Waqti dharaar ah wax cunid.
dharaaroomane
Dh. ah: xoolo aroor ah, ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin oo meel lagu nasiyo.
dharaaroomanee
Xoolo aroor ah ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin meel ku nasin.
dharaarsasho
ld dharaarsad, dharaarsi.
dharaarso
Subax meel in muddo ah ku daahid.
dharab
1. Dhibco yaryar, biyo ah, ka dhasha qabowga habeenkii oo lagu arko cawska, dhirta iwm.; sayax; yaxni. 2. Rays aad u qoyan.
dharab-barafeed
Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
dharabo
Wax yar oo gasiin ah.
dharabow
Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada.
dharabsan
Wax qoyaan yar gaaray ahaansho.
dharabsanaan
ld dharabsanaansho.
dharabsanaansho
/dh ld dharabsanaan.
dharabsasho
ld dharabsad, dharabsi.
dharabso
Maro, saan iwm qoyaan yar ku shubasho.
dharan
Neef ido ah wax madax cad ahaansho.
dharaq
/dh In yar oo caano ah oo neef la maalay ama la nuugay candhadiisa ku harta.
dharaqsasho
ld dharaqsad, dharaqsi.
dharaqso
Candho dharaq ka maalid ama ka nuugid.
dharar
Raagsasho.
dhararsan
Wax dhararay ahaansho (nafley).
dhararsanaan
ld dhararsanaansho.
dhararsanaansho
/dh ld dhararsanaan.
dhararsasho
ld dhararsad, dhararsi.
dhararso
Wax la sugayey raagsasho.
dharas
1. Diiddada hali diiddo in la maalo ama ilmaheedi nuugaan. 2. Hilib aad caato u ah; bantar. 3. Qof aad u karti yar. 4. Caro. 5. Dh. ah: nafley buuran laakiin jirkeeda dhad ku jiro (ido).
dharasoobid
ld dharasow¹.
dharasow
Jilcidda qof jirkiisu jilco da' awgeed. ld dharasoobid.
dharbaax
Wax dharbaaxo ku dhufasho. ld dharbaaxee, dhirbaax², dhirbaaxee.
dharbaaxaysan
Qof la dharbaaxay ahaansho. ld dhirbaaxaysan.
dharbaaxaysnaan
ld dharbaaxaysnaansho, dhirbaaxaysnaan.
dharbaaxaysnaansho
/dh ld dharbaaxaysnaan.
dharbaaxid
ld dharbaaxayn, dhirbaaxayn, dhirbaaxid.
dharbaaxo
Sacab furan oo si xoog leh wax loogu dhufto. ld dharbaax¹, dhirbaax¹, dhirbaaxo.
dharbeel
Qof arradid.
dharbi
1. Biyo yar wax ku qoyn. 2. Qof ulayn. 3. ld dharki.
dharbin
1. ld dharbis. eeg dharbi. 2. ld dharqin.
dharcad
Qayb booliska ka mid ah oo u qaybsan dambi baarista oo labbis caadi ah qaata.
dhardhaar
1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo. 3. ld dhardhaarid. ld dhadhaar¹.
dhardhaar4
Weel wax lagu karinayo dhagxaan u dhigid. ld dhadhaar².
dhardhaaran
Weel wax lagu karinayo, wax la dhardhaaray ahaansho. ld dhadhaaran.
dhardhaarasho
ld dhadhaarad, dhadhaarasho, dhadhaarad.
dhardhaarid
ld dhadhaar¹, dhadhaarid, dhardhaar¹.
dhardhaarnaan
ld dhadhaarnaan, dhadhaarnaansho, dhardhaarnaansho.
dhardhaarnaansho
/dh ld dhardhaar-naan.
dhardhaaro
Weel wax lagu karinayo dhardhaar u samaysasho. ld dhadharo.
dhardhaq
Xoolaha la qasho ama cuntada la cuno marka mayd la aasayo.
dhardhigo
Qof isqaawin.
dharee
Wax dhar u yeelid.
dhareer
1. Qoyaan layiig ah oo nafleyda afkeeda ka yimaada; cay. 2. ld dhareerid.
dhareerid
ld dhareer¹ (2).
dhareerrey
Kalaggoysyada xubnaha oo biyuhu ku jiraan sida lawga iyo canqawga middood.
dhargal
Nooc dibqallooca ka mid ah oo jurmi yar.
dharid
ld dhadid.
dhariin
Meel badanaa dhagax ah oo biyo ka soo dindimaayaan.
dharjo
Geed nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo xooluhu aad u jecelyihiin.
dharkayn
Geed dheer, cananna kulul leh, loox wanaagsan laga samayn karo.
dharla'
Kubka dhankiisa hore ee hilibku ku yaryahay; xoog.
dharla'aan
'². ld dharla'aansho, dharra'aan, dharra'aansho.
dharla'aansho
/dh ld dharla'aan.
dharnaan
ld dharnaansho.
dharnaansho
/dh ld dharnaan.
dharoor
Dhul sare oo buuraley ah.
dharqasaal
Qof dharka mayra oo lacag ka tacba; doobbi.
dharqasho
ld dharqad.
dharqi
Candho dharaq ka maalid ama nuugid. ld dharbi (3).
dharqin
ld dharbin (2).
dharqo
Ka dh.: noole, cunto ama cabbid ka dhergid.
dharra'
'².
dharra'aan
'aan.
dharra'aansho
/dh ld dharla'aan.
dharrici
Ceeb weyn; bayuur. ld dhirrici.
dharrooc
Baqdin weyn oo qofku la jareeyo.
dharruur
Wax si taxaddar leh u shubid.
dharsamayn
ld dharsamays.
dharsamee
Dhar ama maro samayn.
dharsameeye
Qof ka shaaqaya warshadaha dharka; dunmiiqe.

