Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 13 of 25.
dheefsade
(baay.) Noole quuta kuwa ka yaryar, marka laga eego xagga silsiladda cuntada. Daaqcunayaashu waxay quutaan dhirta cagaaran oo waa dheefsade hore, hilibcunayaashuna waxay quutaan daaq cunayaasha, markaa waa dh. dambe.
dheefsamayn
Samayska dheefasho ee borotiinnada, duxda iyo waxyaabo kale oo noolayaasho ku jira ee laga samaynayo moolikiyuullo iyo walxo kale oo yaryar.
dheefsasho
1. (baay.) Samayska dh. ee borotinnada, duxda iyo waxyaaba kale oo noolayaasha ku jira ee laga samaynayo molikiyuullada iyo walxo kale oo yaryar. 2. (baay.) Wadarta ama isugeynta falgallada kiimikaad ee ka dhex dhaca noolayaasha.
dheefsasho-saleed
(baay.)(Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaqdhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.
dheefshiid
Burburinta uu noole burburinayo cunto soo gashay ee uu ka dhigayo kiimiko ahaan qaab fudud oo si sahlan loo nuugi karo jidhkuna uu isticmaali karo ayaa loo yaqaan dh.
dheefshiid-dhiman
Dheefshiid xumaada, cunnada kaddib xanuun bay leedahay, dibiro, lallabo iyo matag.
dheefshiidid
ld dheefshiid¹.
dheefso
Wax dheef ka dhigasho.
dheeg
1. Labada dhinac ee laga raro geelo middood. 2. Markabka dushiisa sare.
dheegad
dheegasho m.f.dh eeg dheego. ld dheegad.
dheego
/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax qof kale sameeyey wax u eg samayn; ka xigasho. 2. (f.mg) Ka dh.: hilib iwm gogasho.
dheeh
1. Lakab xalleefsan oo alaabta biraha, dhoobada iwm dusha laga mariyo oo dhawraarin iyo qurxin looga dhigo. 2. Dhammaajo (xabog). 3. ld dheedid.
dheehan
Wax la dheehay noqosho.
dheehid
ld dheeh¹.
dheehnaan
ld dheehnaansho.
dheehnaansho
/dh ld dheehnaan.
dheekaa
Geedgaab qodax aan lahayn oo miro macaan oo la cuno leh iyo xidid wax lagu daweeyo.
dheel
Qabowga habeenkii soo dhaca oo wata sayax.
dheelaas
1. Cayaaro farax iyo raynrayn badan darteed loo sameeyo. 2. ld dheelaasid.
dheelaasid
ld dheelaas¹ (2).
dheelallaabid
ld dheerallaabid.
dheelallaabo
Hurdo laga kacay oo aan weli la baraarugin, makalaalax. ld dhelallow¹, dheerallaabo, dheerallow¹.
dheelan
Nafley habeen socosho.
dheeli
Nafley dheel ku maaweelin. ld dhayali, dheelsii (2).
dheelid
ld dheelis².
dheelin
ld dhayalin, dhayalis¹, dheelis¹, dheelsiin.
dheelitiran-kiimikeed
Falgal kiimikaad oo gedisme ah oo ribnaanta falgaleyaasha iyo maxsuulladuba aanay isla beddelin amminta sababta oo ah habdhiska ayaa ku sugan xaalad teermoodaynamik ahaan dheelitiran.
dheelli
1. Dhinac u badashada wax culayskiisu dhan u bato oo uu dheellitirankii lumiyo. 2. ld dheelliyid.
dheellila'aan
Dheellitir; dheelli la'ahaanshada.
dheellitir
Xisaab labadeeda dhinac isle'ekeysiin.
dheellitiran
Wax la dheellitiray ahaansho.
dheellitirid
ld dheellitir¹ (2).
dheellitirnaan
ld dheellitirnaansho.
dheellitirnaansho
/dh ld dheellitirnaan.
dheelliyid
ld dheelli¹ (2), dheellin, dheellis.
dheelmasho
ld dheelmad, dheelmataan, dhelmatiin.
dheelmataan
Socod habeenkii la socdo. ld dheelmasho.
dheelmi
Wax habeen guuragelin.
dheelmid
ld dheelan¹.
dheelmin
ld dheelmis.
dheelmo
Habeen socosho; guurayn.
dheelsii
1. Qof ku cayaarid ama dhagrid. 2. ld dheeli.
dheelsiin
ld dheelin.
dheeman
/dh 1. Macdan aan midab lahayn, aad u adag, kana qaalisan macdanta kale. 2. Afarta haad ee turubka mid ka mid ah, calaamad afar gees ah oo guduudan leh.
dheen
/dh Geed weyn, aan qodax lahayn, caleemo yaryar, miro macaan oo la cuno leh oo ka baxa biyo mareennada.
dheer
/mg4 (-raa, -rayd; dhaadheer) 1. (f.mg) Wax aan jooggiisu gaabnayn ahaansho. 2. (f.mg) Wax meel fog ku sugan ahaansho. 3. (f.mg) Waqti muddo la sugayo ama la soo dhaafay ahaansho. 4. (f.g) Is dh.: isla mid ahaansho, kisi ahaansho (nambar).
dheeraad
Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah. ld dheeri¹.
dheeraan
ld dheeraansho, dheeri².
dheeraansho
/dh eeg dheerow. ld dheeraan.
dheeraar
Xarig dheer oo xoolaha lagu xiro si uu u daaqo una fogaan.
dheeraari
Neef xoolo ah xirid si uu u daaqo, una fogaan.
dheeraarin
ld dheeraaris.
dheeraarsan
Wax dheeraar lagu xiray ahaansho.
dheeraarsanaan
ld dheeraarsanaansho.
dheeraarsanaansho
/dh ld dheeraarsanaan.
dheeraarso
Neef xoolo ah si uu u daaqo meel ku xirasho.
dheerashiito
Gaaraabidhood.
dheeraweyn
Cayayaan yaryar dalagga daldalooliya oo dhuuxa ka cuna.
dheerayn
ld dheerays.
dheeraysii
/mg2 (-iiyay, -iisay) 1. (f.g) Wax xawliga ay ku socdaan kordhin. 2. (f.mg) U dh.: cid waxay qeyb u lahayd wax ka badan siin.
dheerdheero
1. Geed qoodxeed jeerinka u eg oo leh miro iyo xabag la cuno. 2. Xajiin jirku la barbararo. ld dheedheero, dheerdheere.
dheerdheeroo
Wax dheerdheero hayso noqosho. ld dheedheeroo.
dheerdheerood
ld dheedheerood.
dheeree
/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g)Wax dhererkiisa kordhin. 2. (f.g) Wax meel ka fogeyn. 3. (f.mg) Orod ama socod kordin. 4. U dh.: cid waxay qeyb u heshay in ugu darid.
dheerow
1. Wax dhererkiisu kordhay noqosho. 2. Ku dh.: wax muddo dheer ku qaadasho. Tus. “Shirkii waa lagu dheeraaday”. 3. Wax meel ka durkay noqosho.
dheertaxaniinyo
Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. ld dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.
dheg
1. Subag iwm xarkagid. 2. Cid iwm nabmid. 3. Ku dh.: wax gacanta xoog ugu qabasho.
dheg-kafaarsanaansho
/dh ld dhakafaarsanaan.
dhega-adag
Qof aan amarka si sahlan u qaadan ahaansho.
dhega-adayg
Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. ld dhega-adkaan.
dhega-adkaan
ld dhega-adayg¹, dhega-adkaansho.
dhega-adkaansho
/dh eeg dhega-adkow. ld dhega-adkaan.

