0

dhaxlanaan

m f dh

ld dhaxlanaansho.

0

dhaxlanaansho

m l

/dh ld dhaxlanaan.

0

dhaxlasho

m f dh

Eeg: dhaxlo

0

dhaxle

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Qof dhaxal helay. 2. Qof dhaxalka qaybiya.

0

dhaxlid

m f dh

Eeg: dhaxal²

0

dhaxlidda-astaamaha

m dh

Xirafadda gaarka ah ee noole kororsaday inta uu noolyahay wuxuu u gudbin karaa caruurta uu dhali doono; fikraddaan cilmi ahaan ma aha mid sax ah ama rumowda.

0

dhaxlo

f g3 (-laday, -latay)

Xoolo dhaxal ah, qaybsasho.

0

dhaxsad

m l

Eeg: dhaxsasho

0

dhaxsasho

m f dh

ld dhaxsad.

0

dhaxso

f g3 (-saday, -satay)

Gabadh la bixid.

0

dhay

m l

1. Lega xoolaha oo la kala baray barkii. 2. Dh. ah: meel bannaan oo aan geedo lahayn. 3. Dh. ah: meel biyo qabatin leh oo beerashada ku wanaagsan. 4. ld dhayid.

0

dhay4

f g1 (-yay, -yday; -yi)

1. Nafley cadho qabto daweyn. 2. Boog iwm daawo marin.

0

dhayal

m l

1. Cayaar; kaftan. 2. ld dhayalid.ld dheyal¹.

0

dhayali

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dheeli

0

dhayalid

m f dh

ld dhayalis².

0

dhayalin

m dh

Eeg: dheelin

0

dhayalis

m l

Eeg: dheelin

0

dhayalsad

m l

Eeg: dhayalsasho

0

dhayalsasho

m f dh

ld dhayalsad, dhayalsi, dheyelsasho.

0

dhayalsi

m l

Eeg: dhayalsasho

0

dhayalso

f g3 (-saday, -satay)

Arrin fududaysasho.

0

dhayan

f mg4 (-ynaa, -ynayd)

Wax la dhayay ahaansho.

0

dhayasho

m f dh

Eeg: dhayo

0

dhaydaq

m l

Dh. ah: caano fadhi ah.

0

dhaydhay

m l

Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo toostoosan oo dhuudhuuban oo leebabka laga dhigto.

0

dhaydhayasho

m f dh

Eeg: dhaydhayo

0

dhaydhayo

f g3 (-yaday, -yatay)

Qof koolkoolin.

0

dhaygag

m l

1. Yaab awgiis meel ama wax iyadoo aan la libiqsanayn. 2. ld dhaygagid.

0

dhaygagid

m f dh

egg dhaygag². ld dhaygag¹ (2).

0

dhayid

m f dh

ld dhaymo (3).

0

dhayl

m l

1. ld dhaylo. 2. dheel².

0

dhayladhufaan

f g1 (-nay, -ntay)

Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga bixin.

0

dhayladhufaanad

m l

Eeg: dhayladhufaanasho

0

dhayladhufaanasho

m f dh

ld dhayladhufaanad.

0

dhayladhufaanid

m f dh

ld dhayladufaan¹.

0

dhayladhufaano

f g3 (-naday, -natay)

Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga baxsasho.

0

dhaylaqaad

m l

Dh. ah: weyl yar oo caato ah oo sacii laga maalay ee aan lagu dayn.

0

dhayli

f g2 (-iyay, -isay)

Ilmo markaas dhashay dilid.

0

dhaylid

m f dh

Eeg: dhayl²

0

dhaylin

m f dh

Eeg: dhayli

0

dhaylo

m dh

1. Xoolaha ama ugaarta yaryar hilibkooda jilicsan oo aan weli adkaan. 2. ld dhayl 1 (1).

0

dhayloobid

m f dh

Eeg: dhaylow

0

dhaylow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Hilib wax karis lagu jilciyey noqosho.

0

dhaymo

m l

/dh 1. Marinta dawo meel bugta la mariyo. 2. Dufan weelasha iyo alaabta dusha laga mariyo. 3. ld dhayid.

0

dhaynaan

m dh

ld dhaynaansho.

0

dhaynaansho

m l

/dh ld dhaynaan.

0

dhayo

f g3 (-yaday, -yatay)

Meel bugta daawo marsasho.

0

dhayogsi-rayboniyuuglig

m l (baay.)

(Dh. asiidh) Asiidh bu'eed ka kooban tiro badan oo niyukliyootaydha ah oo u habaysan si ay u sameeyaan xidhmo keliya.

0

dhays

m dh

D. ah: neef soo sid dhoweeyey oo candhadiisa iyo sabiishiisa ka muuqato buurnaan.

0

dhaysi

f mg2 (-iyay, -isay)

Neef dhays yeelasho.

0

dhaysin

m f dh

Eeg: dhaysi

0

dhayuurad

m l

Eeg: dhayuure

0

dhayuure

m l

Kulaylka qorraxda ee waqtiga duhurka. ld dhayuurad.

0

dhebed

m dh u (-do, m.l)

Haan biyood bir ah; fiin; galaw.

0

dhebi

m l (dhebi, m.dh)

Geed leh laamo toostoosan, caleemo balballaaran laga goosto udbaha, dhigaha iwm oo ka baxa qararka dooxyada.

0

dhebid

m f dh

Eeg: dhaw²

0

dhebidhisad

m l

Eeg: dhibidhisasho

0

dhebidhisasho

m dh

Eeg: dhibidhisasho

0

dhebidhiso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: dhibidhiso

0

dhebilisad

m l

Eeg: dhibidhisasho

0

dhebilisasho

m dh

Eeg: dhibidhisasho

0

dhebiliso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: dhibidhiso

0

dheddig

m l

1. Magac guud oo kooba labada jaad oo nafleydu u kala baxdo, kan wax dhala oo nuujiya; dumar. 2. Dh. ah: wax dumareed ah. ld dhaddig, dhiddig.

0

dheddigee

f g

/mg2 (-geeyay, -geysay) 1. (f.g)Dheddig ka dhigid. 2. (f.mg) Dheddig keliya dhalid (nafley). ld dhaddigee, dhiddigee.

0

dheddigeyn

m f dh

ld dhaddigeyn, dhiddigeyn.

0

dheddignimo

m dh

Dheddig ahaansho. ld dhaddignimo, dhiddignimo.

0

dheddigood

m l u

Dumar. ld dhaddigood, dhiddigood.

0

dheddin

m l

Geed quwaax ay dhirindhirka isku bahyihiin, ka baxa dhulka dhagaxa leh oo dhala malmal. ld dhiddin.

0

dhedeysad

m l

Eeg: dhedeysasho

0

dhedeysasho

m f dh

ld dhedeysad, dhedeysi.

0

dhedeysi

m l

Eeg: dhedeysasho

0

dhedeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Socod habeen haween ugu haasaawo tegid.

0

dhedhemi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dhadhami

0

dhedhemid

m dh

Eeg: dhadhamid

0

dhedhemin

m dh

Eeg: dhadhamin

0

dhedhemis

m l

Eeg: dhadhamin

0

dhedhemo

m dh

Eeg: dhadhamo

0

dhedhen

m l

Eeg: dhadhan¹

0

dhedhensad

m l

Eeg: dhadhansasho

0

dhedhensasho

m dh

Eeg: dhadhansasho

0

dhedhensi

m l

Eeg: dhadhansasho

0

dhedhensii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: dhadhansii

0

dhedhensiin

m dh

Eeg: dhadhansiin

0

dhedhensiis

m l

Eeg: dhadhansiin

0

dhedhenso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: dhadhanso

0

dhedo

m dh

Qabow habeenkii dhaca oo sameeya dhibco yaryar oo biyo ah.

0

dhedoobid

m f dh

Eeg: dhedow

0

dhedow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dhedo yeelasho.

0

dheecaamid

m dh

Eeg: dhacaamid

0

dheecaan

m l (-aamo, m.dh)

Eeg: dhacaan¹

0

dheecaan-calooleed

m l (-dyo, m.dh)

(c.nafl.) Dheecaanka ay soo daayaan qanjirrada caloosha.

0

dheecaan-gaastarig

m l (dhecaanno ..., m.dh)

(c.nafl.) Iskujir asiidhan oo ka kooban cusbooyin aan orgaanik ahayn, haydarookoloorik asiidh, iyo insaymyo dheefshiid. Tusaale ahaan: bebsin, oo ay soo saaraan qanjidho ku safan calooshu.

0

dheedheero

m dh

Eeg: dheerdheero

0

dheedheeroo

f mg3 (-raaday, -raatay)

Eeg: dheerdheeroo

0

dheedheerood

m l

Eeg: dheerdheerood

0

dheef

m dh

1. Fiitamiinka cuntada, caanaha iwm ku jiro. 2. Dulsaarka faa'iido ahaan looga helo lacag bangi la dhigtay.

0

dheef-burburin

m dh (baay.)

Burburka dheefsasho ee molikiyuullada waaweyn ee nooluhu, isugu beddelaan kuwo yar yar iyada oo la sii daynayo tamar. Neefsashada ayaa tusaale u ah falgallada taxana ah ee dh. b.ta.

0

dheefayn

m f dh

Eeg: dheefee

0

dheefee

f g2 (-feeyay, -faysay)

Cid dheef siin.

0

dheefi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunto siin.