Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 2 of 25.
dhaandhaamin
ld dhaandhaamis.
dhaandhaan
Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin.
dhaansan
Weel wax buuxa ahaansho.
dhaansanaan
ld dhaansanaansho.
dhaansanaansho
/dh ld dhaansanaan.
dhaansasho
ld dhaansad, dhaansi.
dhaanso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho.
dhaantee
Dhaanto cayaarid.
dhaanto
Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.
dhaar
Caddayn magaca Eebbe lagu adkeynayo in wax laga run sheegayo.
dhaaraan
Maro yar, aan cusbayn oo la xirto inta hawl la hayo.
dhaari
/dh Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo tilmaama “qof wax khabiir ku ah”, sida: fardadh.: fardafuulyahan.
dhaarin
ld dhaaryid.
dhaaro
Ku dh.: dhaar marid.
dhaarsan
Qof, wax dhaartay ahaansho.
dhaarsanaan
ld dhaarsanaansho.
dhaarsanaansho
/dh ld dhaarsanaan.
dhaarsasho
ld dhaarsad.
dhaarshil
Dheef yar oo aan waxtar weyn lahayn oo lagu eedoobo.
dhaarso
Qof dhaar marsasho.
dhaaryid
ld dhaarin.
dhaashad
ld dhaashi.
dhaashi
1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. ld dhaashasho.
dhaasho
Dhaashi marcasho.
dhaaw
1. Habaar; Inkaar. 2. Daaweynta Jin, dabayl iwm cid laga daweeyo. 3. ld dhaawid. ld dhaw¹.
dhaawac
Nabar xanuun leh oo oogada ku dhaca.
dhaawacan
Wax dhaawac gaarey noqosho.
dhaawacnaan
ld dhaawacnaansho.
dhaawacnaansho
/dh ld dhaawacnaan.
dhaawan
Wax la dhaaway ahaansho. ld dhawan.
dhaawanaan
ld dhaawanaansho, dhawanaan, dhawanaansho.
dhaawanaansho
/dh ld dhaawanaan.
dhaawasho
ld dhawasho.
dhaawid
ld dhaaw¹, dhaawis, dhaw¹, dhawid, dhawis.
dhaawo
1. Cid in dhibaato ku dhacdo u Alla tuugid. 2. Cid Jin, dabayl iwm ka dabiibasho. ld dhawo.
dhaaxa
fk. Inta badan, marar, badan, badanaa, aalaa. Tus. “Dh. buu ku sugay”. ld dhaaxaa.
dhaaxaa
fk. ld dhaaxa.
dhaayatiix
Dh. ah: wax aad u qurxoon.
dhaayin
Caws qoyan ku sii dambeeyo.
dhaayo
Xubnaha aragga; indhaha.
dhab
1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).
dhabaabacayn
ld dhabaabacays, dhabaabaco.
dhabaabacee
Hab dhabaabaco ah u ordid (geel).
dhabaabaco
Hab geelu u ordo oo afarta addinba mar qaado. ld dhabaabacayn.
dhabaalayn
ld dhabaalo.
dhabaalee
1. Dhabaale ku dhufasho. 2. Gubaabin.
dhabaalyee
Nafley canaanasho.
dhabaalyeyn
ld dhabaalyo.
dhabaandhaw
1. Si aayar ah oo gacanta loogu garaaco carruurta marka la seexinayo. 2. Hadal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraahdo. ld dhabaandhebid.
dhabaandhebid
ld dhabaandhaw¹.
dhabab
Meel duleesha awdid.
dhababan
Meel duleesha wax la dhababay ahaansho.
dhababid
ld dhabab¹.
dhababnaan
ld dhababnaansho.
dhababnaansho
/dh ld dhababnaan.
dhaban
Wejiga labadiisa dhinac midkood.
dhabankoolis
Geed yar oo buruq kulucsan leh.
dhabannaanee
Qof dharbaaxo dhabnaha kala dhicid.
dhabannaano
Si xoog leh oo cid sacab fidsan dhabanka looga dhufto.
dhabannacaso
Miro digireed oo aan weli bislaan.
dhabannahayn
Fikir iyo walaac oo sacabka dhabanka lagu qabto. ld dhabannahays.
dhabaq
1. Sacab, durbaan iwm oo ciyaar, hees iwm loo tumay oo aan laysla helin. 2. Dhiin yar, baaldacarka fiiddiisa ku samaysma, sida malabka u macaan oo la cuno.
dhabaqsan
Wax la dhabqiyey ahaansho.
dhabaqsanaan
ld dhabaqsanaansho.
dhabaqsanaansho
/dh ld dhabaqsanaan.
dhabaqso
Wax macaan cunid.
dhabaqtir
Wax dhabaqsan dhabaqa ka saarid.
dhabaqtiran
Wax la dhabaqtiray ahaansho.
dhabaqtirid
ld dhabaqtir¹.
dhabaqtirnaan
ld dhabaqtirnaansho.
dhabaqtirnaansho
/dh ld dhabaqtirnaan.
dhabar
Oogada nafleyda, inta ka bilaabata surka salkiisa ilaa meesha lafdhabartu ku dhammaato; dul.
dhabar-adag
Qof hawsha adkaysi u leh ahaansho.
dhabar-adayg
Adkaysi loo yeesho hawl. ld dhabar-adkaan.
dhabar-adkaan
ld dhabar-adayg, dhabar-adkaansho.
dhabar-adkaansho
/dh ld dhabar-adkaan.
dhabar-daaco
Godnaanta dhabarku ku yeesho dusha sare.
dhabar-garaac
Xoog kula bixidda gabar la guursanayo. ld duud-garaac¹.
dhabar-garaacasho
ld duud-garaacasho.
dhabar-garaacid
ld duud-garaacid.
dhabar-garaaco
Gabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duud-garaaco.
dhabarjab
1. Dh. ah: hawl culus oo lagu daalo. 2. Dh. ah: arrin aan lagu guulaysan. 3. ld dhabarjabid.

