0

dhiraysnaan

m f dh

ld dhiraysnaansho.

0

dhiraysnaansho

m l

/dh ld dhiraysnaan.

0

dhirbaax

f g1 (-xay, -xday)

Eeg: dharbaax²

0

dhirbaaxayn

m dh

Eeg: dharbaaxid

0

dhirbaaxaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: dharbaaxaysan

0

dhirbaaxaysnaan

m dh

Eeg: dharbaaxaysnaan

0

dhirbaaxaysnaansho

m l

/dh ld dhar-baaxaysnaan.

0

dhirbaaxee

f g2 (-xeeyay, -xeysay)

Eeg: dharbaax²

0

dhirbaaxid

m dh

Eeg: dharbaaxid

0

dhirbaaxo

m dh

Eeg: dharbaaxo

0

dhiree

f g2 (-reeyay, -raysay)

1. Dhul aan dhir lahayn geedo ku tallaalid. 2. Geedo udgoon ama geed kulayl ah, cunno, cabitaan iwm ku darid.

0

dhirfi

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. Is dh.: qof caraysan iska dhigid. 2. Ka dh.: cid ka xanaajin.

0

dhirfid

m f dh

Eeg: dhirif²

0

dhirfin

m f dh

Eeg: dhirfi

0

dhirfoon

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax caraysan ahaansho.

0

dhirfoonaan

m f dh

ld dhirfonaansho.

0

dhirfoonaansho

m l

/dh ld dhirfoonaan.

0

dhirhoosad

m l

Nagaarka geed-gaabka iyo cawska.

0

dhirif

m l

Caro; xanaaq.

0

dhirifoobid

m f dh

Eeg: dhirifow

0

dhirifow

m l

1. Marax. 2. Suyuc.

0

dhirifsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof xanaaqsan ahaansho.

0

dhirifsanaan

m f dh

ld dhirifsanaansho.

0

dhirifsanaansho

m l

/dh ld dhirifsanaan.

0

dhirindhir

m l (bot.)

Geed-quwaax ay raxanreebta isku bah yihiin oo leh qodax dhumuc weyn oo dheer iyo dheecaan dhammaajo ah.

0

dhirindhiri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Meel qodaxi ku jirto si tartiib ah uga saarid. 2. Arrin si siyaasad iyo degganaan leh ciriir uga saarid.

0

dhirindhirin

m f dh

Eeg: dhirindhiri

0

dhiriq

m dh

Digo aad u qoyan.

0

dhirir

m l

Mugga sacab fidsan.

0

dhirirtayn

m f dh

Eeg: dhirirtee

0

dhirirtaysasho

m f dh

ld dhirirtaysi.

0

dhirirtaysi

m l

Eeg: dhirirtaysasho

0

dhirirtayso

f g3 (-stay, -satay)

Badar sacab ku qaybsasho.

0

dhirirtee

f g2 (-teeyay, -teysay)

Badar sacab ku qaybin.

0

dhirqaad

f g1 (-day, -dday)

Meel geedaha ku yaal oo dhan ka goyn si loo beero.

0

dhirqaadid

m f dh

Eeg: dhirqaad

0

dhirrici

m dh

Eeg: dharrici

0

dhirxagato

m dh

Nafleyda inteeda cunta dubka sare ee geedaha.

0

dhis

f g1 (-say, -stay)

1. Aqal, dugsi, iwm samayn. 2. Xubno dowlad cusub magcaabid. 3. Qoys cusub asaasid. 4. Harag qoyan ama wax la mid ah inta la kala bixiyo engejin. 5. Qof qurxin.

0

dhisaal

m l

Dh. ah: xirmooyin dhis, sisin iwm oo meel ku urursan.

0

dhisaalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax meel lagu ururiyey ahaansho (xirmooyin dhis, sisin iwm).

0

dhisaalasho

m f dh

Eeg: dhisaalo

0

dhisaalid

m f dh

Eeg: dhisaal²

0

dhisaalnaan

m f dh

ld dhisaalnaansho.

0

dhisaalnaansho

m l

/dh ld dhisaalnaan.

0

dhisaalo

f g3 (-aashay, -aalatay)

Dhisaal sameysasho (qof).

0

dhisad

m l

Eeg: dhisasho

0

dhisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

1. Aqal, dugsi iwm wax ka sameeyey ahaansho. 2. Xubno dawladeed oo cusub wax la magcaabay ahaansho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay ahaansho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay ahaansho. 5. Qof wax la qurxiyay ahaansho. 6. Wax jira oo tiirar adag leh ahaansho.

0

dhisasho

m f dh

ld dhisad.

0

dhise

m l (-sayaal, m.l/dh)

Fuundi; wastaad.

0

dhisid

m f dh

ld dhis¹ (3), dhisniin.

0

dhisiq

m dh (-qyo, m.dh)

Geed weyn, sal balaran, caleemo yaryar, qori adag, har yar leh oo kooraha, fandhaalada iwm laga qoro. ld bisiq, dhosoq.

0

dhisme

m l

Dhismo shay sida, waddan, mujtamac, ama ururo salkoodu uu yahay, sida hawlaha kala duwan ee ay qabtaan, iyo qalabka loo baahan in lagu fuliyo.

0

dhismid

m f dh

Eeg: dhisan¹

0

dhismo

m l

/dh (nax.) Qaabka ay u habaysanyihiin curiyeyaal afeed (sida “foniimyada”, “ereyada”, “oraahyada”), oo ku dhisan xiriirka isdhaafsan ee ka dhexeeya curiyeyaasha.

0

dhisnaan

m f dh

ld dhisnaansho.

0

dhisnaansho

m l

/dh ld dhisnaan.

0

dhisniin

m l

Eeg: dhisid

0

dhiso

f g3 (-stay, -satay)

1. Aqal, dugsi, xafiis iwm samaysasho. 2. Xubno maamul dawlad oo cusub magcaabasho. 3. Qoys cusub asaasasho. 4. Harag la togay engegsasho.

0

dhisteri

m l (-iyo, m.dh)

Eeg: dhesteri

0

dhitayn

m f dh

ld dhitays.

0

dhitays

m l

Eeg: dhitayn

0

dhitee

f g2 (-teeyay, -taysay)

Caano kaydin.

0

dhiti

f mg2 (-iyay, -isay)

Eeg: dhuti

0

dhitin

m dh

Eeg: dhutin

0

dhitis

m l

Eeg: dhutin

0

dhito

m dh (-ooyin, m.l)

Caano loo keydiyey in la lulo ama la dhamo.

0

dhixid

m f dh

ld dhixis.

0

dhixir

m l

Dabci; camal.

0

dhixis

m dh

Eeg: dhixid

0

dhogof

m l

/dh Weel yar oo godan oo wax lagu dhurto.

0

dhogofsasho

m f dh

ld dhogofsi.

0

dhogofsi

m l

Eeg: dhogofsasho

0

dhogofso

f g3 (-saday, -satay)

Dhogof hoore dardarsasho.

0

dhogor

m dh

1. Timaha xoolaha ugaarta, dugaagga iwm dushooda ka baxa. 2. Dh. ah: Tiro go'an oo xoolo nool ah.

0

dhogordhacsad

m l

Eeg: dhogordhacsasho

0

dhogordhacsasho

m f dh

ld dhogordhacsad, dhogordhacsi.

0

dhogordhacsi

m l

Eeg: dhogordhacsasho

0

dhogordhacso

f mg3 (-saday, -satay)

Xoolo, dugaag iwm dhogor cusub u soo bixid, isaga oo araggiisu wanaagsanaaday.

0

dhogorrogad

m l

Eeg: dhogorrogasho

0

dhogorrogasho

m f dh

ld dhogorrogad.

0

dhogorrogmad

m l

Eeg: dhogorrogmasho

0

dhogorrogmasho

m f dh

ld dhogorrogmad.

0

dhogorrogmo

f mg3 (-maday, -matay)

Neef xoolo ah caatoobid.

0

dhogorrogo

f mg3 (-gtay, -gatay)

Xoolo, dugaag iwm dhogor cusub u soo bixid, isagoo araggiisu wanaagsanaaday.

0

dhogorsamaan

m f dh

ld dhogorsami.

0

dhogorsami

m l

/dh ld dhogorsamaan.

0

dhogorsan

f mg4 (-amaa, -amayd)

Wax arag wanaagsan ahaansho (nafley).

0

dhohondhoh

f mg1 (-hay, -hday)

Nafley, bogga iyo caloosha isku dhegid baahi darteed.

0

dhohondhohid

m f dh

Eeg: dhohondhoh

0

dholol

f mg1 (-olay, -oshay)

Ku dh.: arrin horay si faahfaahsan looga hadlay ku celcelin.

0

dhololid

m f dh

Eeg: dholol

0

dhombol

m dh

Eeg: dhambal²

0

dhoob

m l

1. Dhoobo. 2. Weel dhoobo laga sameeyey.

0

dhoobad

m l

Eeg: dhoobasho

0

dhoobammiir

f g1 (-ray, -rtay)

Dhoobo ka miirid (biyo).

0

dhoobammiirad

m l

Eeg: dhoobammiirasho

0

dhoobammiirasho

m f dh

ld dhoobammirad.

0

dhoobammiirid

m f dh

Eeg: dhoobammiir²

0

dhoobammiiro

f g3 (-rtay, -ratay)

Biyo qasan miirasho.