0

dhuurar

m l

Geed yar oo dacarta u eg oo leh mayrax adag oo xargaha laga sameeyo.

0

dhuurcaso

m dh

Jaadadka quraanyada mid ka mid ah oo midabkeedu cas yahay, yaryar oo aad u qaniinya kulul. ld dhuuricaso.

0

dhuuri

m l

Dixiri yar oo waqtiyada dharabka qofka kaba la'aanta socda cagaha ka gala.

0

dhuuricaso

m dh

Eeg: dhuurcaso

0

dhuurtaxaniinyo

m dh u

Eeg: dheertaxa-niinyo

0

dhuurtee

m dh

Geedgaab cufan oo ka mid ah dhir-abaareedka oo ay xooluhu daaqaan, lehna caleemo yaryar oo dhuudhuuban.

0

dhuurur

m l

Geed yar oo dacarta u eg oo leh mayrax adag oo xargaha laga sameeyo.

0

dhuuryaamid

m f dh

Eeg: dhuuryaan²

0

dhuuryaan

f mg1 (-aamay, -aantay; -aami)

Ku dh.: cid ku fawfawlayn ama ku nuunaasid (cayayaanka duula sida diqsiga iwm).

0

dhuuryid

m f dh

Eeg: dhuur³

0

dhuuryo

m dh (-ooyin, m.l)

Shimbir hilibka cunta; dafo; soladduul.

0

dhuus

f mg1 (-say, -stay)

o sii deyn.

0

dhuusaquraar

m l

Qof da' yar, fudud oo faduul badan.

0

dhuusid

m f dh

Eeg: dhuus²

0

dhuuso

m dh

Eeg: dhuus¹

0

dhuux

f g1 (-xay, -xday)

1. Laf, dhuux kala bixid. 2. Hadal ama arrin aad u fahmid.

0

dhuux-geed

m l (baay.)

habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaa-nayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, hab-dhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin dh. g.. Shaqada dh. g.ku waa kaydinta cuntada.

0

dhuux-lafo-holac

m l (daaw.)

Halaama-coodka dhuuxa iyo lafaha oo uu keeno caabuq. Waa khatar la socota markii lafi jabto, waa in si aad ah looga taxadaraa mar walba oo dhuuxa la gaaro xilliga qallinka lafaha iyo xubno-isgoysyada. Waxa kale oo keeni kara jeermi dhiigga la socda.

0

dhuuxdheere

m l

Dhuuxa dheer oo dhex mara lafdhabarta; xangulle.

0

dhuuxid

m f dh

Eeg: dhuux³

0

dhuuxyayn

m f dh

Eeg: dhuuxyee

0

dhuuxyee

f g2 (-yeeyay, -yaysay)

Neef geel ah si aad ah u qabbirid.

0

dhuwan

m l

Miro ka baxa shillanka iyo kediga oo la cuno.

0

dhuxdhuxlayn

m f dh

ld dhudhuhlayn.

0

dhuxdhuxle

m l (-layaal, m.dh)

Qof warsheegid badan oo dadka isku dira. ld dhuhdhuhle.

0

dhuxdhuxlee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

Dirdira sameyn. ld dhudhuhlee.

0

dhuxul

m dh

1.Wax madow oo la shito oo laga sameeyo qoryo la gubay. 2. Wax madow oo la shito oo dhulka laga qodo oo ka samaysan dhir malaayiin sano ka hor aasantay oo baariga dhulka iyo kulayl badani isugu darmeen.

0

dhuxulayn

m f dh

Eeg: dhuxulee

0

dhuxuldhagaxeed

m l

Dhuxul dhagax noqday. ld dhuxuldhuleed.

0

dhuxuldhuleed

m l

Eeg: dhuxuldhagaxeed

0

dhuxulee

f g2 (-leeyay, -laysay)

1. Dab dhuxul u yeelid. 2. Qoryo dhuxul ka dhigid.

0

dhuxulkurreeb

m l

1. Jirac qaniinyo kulul. 2. Jaad dibaqallooca ka mid ah oo yar oo qaniinyo kulul.

0

dhuxun

m dh

1. Biyo ceel ama wax kale oo leh dhadhan xaraar. 2. Dhul dibir iyo dhano ah.

0

dhuyac

m l (bot.)

Jaad geedaha ka mid ah aan qodax lahayn, caleemo yaryar oo laamo-laamo u baxa. ld dhuyuc.

0

dhuyuc

m l

Eeg: dhuyac