Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 24 of 25.
dhurnaan
ld dhurnaansho.
dhurnaansho
/dh ld dhurnaan.
dhuro
/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Hoore weel ku shubasho iyadoo weel yar la dardarayo. 2. (f.mg) U dh.: dhaqan ama dabeecad ciddiisu hidde u lahayd la soo bixid.
dhurow
Liibaan, taran, khayr iwm helid (qof).
dhurruur
Biyo calawsan kala miirid.
dhursug
Ka dh.: faa'iido dambe ama aayatiin wanaagsan ka dhowrid.
dhururuq
Kumi toban meelood loo qeybiyey mid ka mid ah; senti. ld dhururi.
dhurwaa
Dugaag yeyda wax xoogaa ka weyn, xoolaha laaya, ilko adag oo lafaha burburiya leh oo labada lugood ee dambe u gaaban.
dhurwaayo
Maro midabkeedu isugu jiro madow iyo caddaan oo aalaa danyartu qaadato.
dhusaas
Ciddood (ugaar), ka weyn sagaaradana, eeladana ka yar.
dhusinraac
Koridda xubno ka tirsan geedka iyaga oo ka jawaabaya cuf-isjiidadka.
dhusundhus
Geed-quwaax leh dheecaan dufan leh oo urtiisu sida gaaska tahay. ld dhudhus.
dhusuq
Uskag; wasakh.
dhuti
Nafley addimada mid ka mid ah wax ka qabta si aan isu miisaaneyn u socosho. ld dhiti².
dhutin
ld dhitin, dhitis, dhutis.
dhuu
Harag jilicsan oo waayadii hore dhar laga dhigan jiray. ld dhugi.
dhuub
Wax baaxaddiisa yaryar.
dhuubaan
Miro bisil oo engegan.
dhuuban
Wax baaxaddiisa la yareeyey ahaansho.
dhuubane
Jaad kalluunka ka mid ah.
dhuubasho
ld dhuubad.
dhuubnaan
ld dhuubnaansho, dhuubni.
dhuubnaansho
/dh eeg dhuubnow. ld dhuubnaan.
dhuubnow
1. Wax dhuuban noqosho. 2. Wax caato ah noqosho.
dhuubo
1. Noqosho wax dhuuban. 2. Noqosho wax caato ah.
dhuudhi
1. Dixiri dadka ka gala cagaha oo ka dhasha meelaha muddo dheer la degganaa. 2. Xanuun jirka saaqa marka dab, nabar iwm gaaraan.
dhuudhuule
Qudde.
dhuug
Cayayaan ay fowfowlaha isku bahyihiin, leh af dhuuban oo uu dhiigga xoolaha kaga nuugo, geeluna dhukaanka ka qaado.
dhuuge
Geed-gaab aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.
dhuugid
ld dhuugis, dhuuqid, dhuuqis.
dhuuji
1. Wax si xoog ah gacanta ugu qabasho. 2. Wax meel ku adkeyn. Tus. “Foostada furka ku dhuuji”.
dhuujin
ld dhuujis. dhuujis m.l ld dhuujin.
dhuuki
Si tartiib ah oo gaadmo ku jirto u socosho (nafley).
dhuukin
ld dhuukis.
dhuumaalaysasho
ld dhuumaalaysad, dhuumaalaysi.
dhuumaalayso
1. Dhuu mashow cayaarid (qof). 2. Gag-gabbasho; dhuundhuumasho.
dhuumashow
Cayaar carruurtu cayaarto oo hadba inta qaar dhuunto qaarka kale doondoonaan. ld dhuumaashow.
dhuumato
Feer yarada geelu meesha ay ka haysato lafdhabarka hilibka ku yaal; hulkujir.
dhuumo
Meel aan muuqaalkiisa looga jeedin galid (nafley).
dhuumood
Geed dheer, qodxo lahayn, laamo toosan, jilicsan oo dhuun laga dhigto leh.
dhuun
1. Caano si aad ah u suusacay. 2. Malax. 3. Dh.kayga, dh.kaaga iwm: naftayda, naftaada iwm.
dhuun-goys
Qalab ama aalad loo isticmaal ijiray in dambiilayaasha lagu surgooyo, gaar ahaan waxa laga isticmaali jiray dalka Faransiiska waqtiyadii hore.
dhuun-limf
(c.nafl) Dhuumo u eg aroorayaasha, kuwaasi oo limf ka soo qaada nudaha kuna shuba aroorayaasha waaweyn ee wadnaha gala.
dhuunbuur
Buntuq, lix xabbabood qaada oo xabbad-keliyaale u dhaca; dhoombir.
dhuundalool
U dh.: arrin xog-ogaal u noqosho.
dhuundhaban
Neef geel ah wax gowracan ahaansho.
dhuundhas
Dareere ama neef xoog u diisan oo ka soo baxaysa dhuun af-yar kana dhalata nakhaska (qashinka) ay tuurayaan marwaxadaha neefeed.
dhuundhaw
1. Gowricidda neef geel ah la gowraco. 2. ld dhuundhebid .
dhuundhebid
ld dhuundhaw¹ (2).
dhuundhuumasho
ld dhuudhuumasho.
dhuundhuumashow
Cayaar carruurtu cayaarto oo hadba inta qaar dhuunto qaarka kale doondoonaan. ld dhuudhuumashow.
dhuundhuumid
ld dhuundhuun¹ (3).
dhuundhuumo
1. Dhuundhuumashow ciyaarid (carruur). 2. Isqarqarin; gaggabbasho. ld dhuudhuudhuumo.
dhuundhuun
1. Wax bisayldhaaf ah noqosho (hilib). 2. Wax aad u bisil noqosho (miro).
dhuungoo
1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn.
dhuuni
1. Cuntada dadku cuno. 2. Qof cuntada ku mamman.
dhuunidoon
Qof raadinaaya cunto uu ku noolaado kaliya; hunguridoon.
dhuunirraac
Qof hadba meeshii uu moodaayo in dani ugu jirto isxijiya ee aan ceebta anshaxa iyo dhaqan-wanaagga midna eegin.
dhuunirraacnimo
Dhuunirraac ahaansho.
dhuunqabad
1. Cudur ku dhaca geedka meseggada ama galleyda oo u diida in uu sabuulku baxo. 2. ld dhuunqabasho.
dhuunqabasho
ld dhuunqabad (2).
dhuunqabo
1. Nafley ceejin. 2. Cid cunaqabatayn.
dhuuntow
Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
dhuunxir
Dh. ah: nooc garka ka mid ah oo ka baxa cunaha korkiisa.
dhuunxiran
Xabeebid.
dhuunyaale
1. Nooc ka mid ah dhurde. 2. (-layaal, m.l/dh) Qof cunna jecli awgeed meel walba u gala.
dhuunyeeri
Ruux bixidda ka hor si gaar ah u yeerid (neef geel ah).
dhuunyeerin
ld dhuunyeeris.
dhuuqsasho
ld dhuuqsad, dhuuqsi.
dhuuqso
Xarig iwm si adag gacmaha ku qabsasho.
dhuur
Geed abaareed dheer oo ka baxa dhulka dhanada ah.

