0

dhooban

f mg1 (-bmay, -bantay; -bmi)

1. Wax badan oo meel isugu urursan noqosho. 2. Wax salaaxmay noqosho (guri, xafiis iwm). 3. Wax waabaayo marsantahay noqosho (fallaar, gammuun iwm).

0

dhoobasho

m f dh

ld dhoobad.

0

dhoobbi

m l (-iyo, m.dh)

Nin geel ijaar ku ilaasha; qowsaar.

0

dhoobee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Wax dhoobo ku maluuqid.

0

dhoobey

m l

/dh 1. Dhul markuu roob ku da'o ciiddiisu noqoto dhiiqo aan lagu socon karin. 2. Dhul ciiddiisu dhoobo tahay; carramadow.

0

dhoobeyn

m f dh

Eeg: dhoobee

0

dhoobeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax dhoobo la mariyey ahaansho.

0

dhoobeysasho

m f dh

Eeg: dhoobeyso

0

dhoobeysnaan

m f dh

ld dhoobeysnaansho.

0

dhoobeysnaansho

m l

/dh ld dhoobeysnaan.

0

dhoobeyso

f g3 (-stay, -satay)

Wax dhoobo marsasho.

0

dhoobid

m f dh

Eeg: dhoob³

0

dhooble

m l (-ayaal, m.l/dh)

(juqr.) Dhagax wareegsan oo baraf weyne uu ka soo qaaday meeshiisii hore geeyayna fogaan door ah; baraf weynuhu markuu dhalaalana halkuu ku dhalaalay ayaa looga tagaa dhagaxaas.

0

dhooblow

m l (-wyo, m.dh)

Koob ama baaquli dhoobo ka samaysan.

0

dhoobmid

m f dh

Eeg: dhooban¹

0

dhoobnaan

m f dh

ld dhoobnaansho.

0

dhoobnaansho

m l

/dh ld dhoobnaan.

0

dhoobo

f g3 (-btay, -batay)

1. Meel istuumin (xoolo, dad iwm). 2. Waabaayo marsasho (fallaar). 3. Dhis (guri iwm) salaaxasho. 4. Wax dhoobo marsasho. 5. Dheri iwm dhoobo ka samaysasho.

0

dhoobo-guduud

m dh (jool.)

Nooc tuullimaad oo daboola meelaha hooseeya iyo moolka gunta bad weynta, meelahaas oo gundhererkoodu 4.000 oo mitir uu ka badanyahay; dhoobo guduudaasi waxay sida badan ka kooban tahay walaxaan orgaanig ahayn.

0

dhooboobid

m f dh

Eeg: dhoobow

0

dhoobow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dhoobo noqosho.

0

dhoocil

m dh (-lo, m.l)

1. Gabar aan weli qaangaarin; foodley. 2. Naag aad u buuran.

0

dhoocilnimo

m dh

Dhoocil ahaansho.

0

dhood

m l

Faan; baan; tookh.

0

dhooddi

m dh

Dhul ciiddiisu dibir tahay.

0

dhoodhow

m l

Nooc cambaha ka mid ah oo buruq badan leh.

0

dhoodid

m f dh

Eeg: dhood²

0

dhoof

m l

1. (-faf, m.l) Dalka oo dibadda laga aado. 2. (-faf, m.l) Badeeco dibadda laga keeno. 3. ld dhoofid.

0

dhoofi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Qof dal kale u dirid. 2. Badeeco dal kale u iibgeyn.

0

dhoofid

m f dh

ld dhoof¹ (3).

0

dhoofin

m f dh

ld dhoofis.

0

dhoofis

m l

Eeg: dhoofin

0

dhoofiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qof badeeco dal kale u iibgeeya.

0

dhoofsan

f mg4 (-sanaa, -sanayd)

1. Wax la dhoofiyay ahaansho. 2. Wax la soo dhoofiyay ahaansho.

0

dhoofsanaan

m f dh

ld dhoofsanaansho.

0

dhoofsanaansho

m l

/dh ld dhoofsanaan.

0

dhoofsasho

m f dh

Eeg: dhoofso

0

dhoofso

f g3 (-saday, -satay)

Badeeco dal kale u iibgeysasho.

0

dhoohan

f mg4 (-hanaa, hanayd/-hnaa, -hnayd)

Qof had iyo jeer aan feejignayn oo waxa hareerihiisa ka dhacaya aan la socon.

0

dhoohanaan

m f dh

ld dhoohanaansho, dhoohnaan, dhoohnaansho.

0

dhoohanaansho

m l

/dh ld dhoohanaan.

0

dhoohnaan

m dh

Eeg: dhoohanaan

0

dhoohnaansho

m l

/dh ld dhoohanaan.

0

dhookayn

m f dh

Eeg: dhookee

0

dhookaysan

f mg4 (-snaa,-snayd)

Ka dh.: wax, wax kale saaran ahaansho.

0

dhookaysnaan

m f dh

ld dhookaysnaansho.

0

dhookaysnaansho

m l

/dh ld dhookaysnaan.

0

dhookee

f g2 (-keeyay, -kaysay)

Ka dh.: wax, wax kale dul saarid.

0

dhool

m dh

1. Ilkaha foolasha iyo miciyaha u dhexeeya midkooda. 2. Masaar yar oo geedaha yaryar lagu gooyo.

0

dhoolaal

m l

Dh. ah: orgi ama dibi doolaalo tagay.

0

dhoolaalid

m f dh

Eeg: dhoolaal³

0

dhoolbir

m l

1. Qosol yar oo ilka caddays ah; dhoolla caddeys. 2. ld dhoolbirid.

0

dhoolbirid

m f dh

ld dhoolbir¹ (2).

0

dhoolbishiicis

m l

Dhoolla caddayn.

0

dhooldillaac

f mg1 (-cay, -cday)

Qosol ilka caddeyn ah qoslid.

0

dhooldillaacid

m f dh

ld dhooldillaac¹ (2).

0

dhoolgaad

m dh

Masaar yar oo lagu dagaalamo.

0

dhooli

m dh (-iyo, m.l)

1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.

0

dhoolkaqosol

m l

Ilka caddayn; muusood.

0

dhoollatus

f mg1 (-say, -stay)

1. Awrta qooqan isu miciyallisasho. 2. Xoogga qolo leedahay muujin, si cadowgu u arko oo u tixgeliyo. 3. Fulabbajin. ld dhoollatuso.

0

dhoollatusad

m l

Eeg: dhoollatusid

0

dhoollatusasho

m dh

Eeg: dhoollatusid

0

dhoollatusid

m f dh

ld dhoollatus¹ (4), dhoollatusad, dhoolla-tusasho.

0

dhoollatuso

f mg3 (-stay, -satay)

Eeg: dhoollatus²

0

dhoombir

m dh

Geed gaab leh caleemo dhuudhuuban oo faalala iyo bari la cuno.

0

dhoon

m dh (-oomo, m.l)

1. Haan biyood weyn. 2. Xabag weyn.

0

dhoondhurwaa

m dh (-aayo, m.dh)

Adaahi.

0

dhoonhoraad

m dh (-dyo, m.dh)

Haan biyood weyn oo fanhoraadka awrka la saaro.

0

dhooqayn

m f dh

Eeg: dhooqee

0

dhooqaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la dhooqeeyey ahaansho.

0

dhooqaysnaan

m f dh

ld dhooqaysnaansho.

0

dhooqaysnaansho

m l

/dh ld dhooqaysnaan.

0

dhooqee

f g2 (-qeeyay, -qaysay)

1. Biyo calwin. 2. Dhooqa wax marin.

0

dhooqo

m dh

1. Dhoobo aad u qoyan. 2. Wasakh.

0

dhooqoobid

m f dh

Eeg: dhooqow

0

dhooqow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax dhooqo leh noqosho.

0

dhoor

m l (-rar, m.l)

1. Daliig timo ah oo carruurta yaryar, madaxa bartankiisa loogu reebo. 2. Carjaw ama baalal kor u taagan oo shimbiraha qaarkood madaxa bartankiisa ku yeeshaan.

0

dhoorre

m l

Wiil yar oo dhoor leh.

0

dhoorrey

m dh u

1. Shimbir dhoor leh. 2. Dh. ah: wiil (ama gabar) yar oo dhoor leh.

0

dhooy

m l

Eeg: dhoy

0

dhooyla'aan

m dh

'aan.

0

dhooyla'aansho

m l

/dh ld dhoyla'aan.

0

dhooylaawe

m l

Eeg: dhoylaawe

0

dhoqol

m l (-llo, m.dh)

Haruubka dhiisha ilmaha caanaha loogu shubo.

0

dhoqor

f g1 (-rtay, -ratay)

Qare, bocor, iwm god yar u yeelid.

0

dhoqos

m l

/dh Dhiil weyn.

0

dhoqran

f mg4 (-naa, -nayd)

Qare, bocor, iwm wax dhoqor loo yeelay ahaansho.

0

dhoqranaan

m f dh

ld dhoqranaansho.

0

dhoqranaansho

m l

/dh ld dhoqranaan.

0

dhoqrasho

m f dh

Eeg: dhoqro

0

dhoqrid

m f dh

Eeg: dhoqor²

0

dhoqro

f g3 (-oday, -otay)

Cunto la cunayo meel godan oo iidaanka lagu shubo u yeelid.

0

dhosoq

m l

Eeg: dhisiq

0

dhow

f mg4 (-waa, -wayd)

Wax aan fogayn ahaansho.

0

dhowaad

m l

1. Ku dh.: qiyaac aad ugu dhow, wax laga hadlayo. Tus. “Cali labaatan ku dh. buu jiraa.” 2. ld dhowaan.

0

dhowaan

m dh

1. ld dhawaansho, dhowaad, dhowaan, dhowaansho. eeg dhow. 2. (fk) ld dhawaan. Mar dhow; hadhow.

0

dhowaandhalad

m l

Fikrad, qalab iwm hore u jiri jirin oo waqti dhow soo baxay. ld dhawaandhalad.

0

dhowaansho

m l

/dh eeg dhowow. ld dhowaan.

0

dhowaansooggal

m l

Qof meel uu ku cusub yahay jooga. ld dhawaansooggal.

0

dhowee

f g

/mg2 (-weeyay, -weysay) 1. (f.g)Wax, wax kale ag geyn. 2. (f.g) Cid sagootiyid. 3. (f.g) Cid martigelin. 4. (f.g)Weel wax lagu shubay muggiisa in yar ka dhinmid. 5. (f.mg) Soo dh.: cid qaabilid. ld dhawee.