Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 7 of 25.
dhallinyarow
Dhallinyar noqosho.
dhalmacusbo
Dh. ah: caanaha neef dhawaan-dhal ah.
dhalmaddee
Da'da dhalmadu ku joogsato gaarid (qof dumar ah).
dhalmaddeyn
ld dhalmaddeys.
dhalmaddeys
1. Dh. ah: qof dumar ah oo gaartey da'da dhalmadu joogsato. 2. ld dhalmaddeyn.
dhalmo
Soo saaridda nafley dheddig minkeeda ka soo saarto ilmo. ld dhalid.
dhalo
1. Wax kasta meesha u sarraysa; fiin. 2. Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah. 3. Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto.
dhalo-yareey
Dhalo laba dhuceey qaadda.
dhalool
Magac guud oo kulmiya geednugeylka.
dhalow
Qof aad u da' weyn oo carruuroobay.
dhalxan
Malax cad oo indhuhu yeeshaan marka ay jirranyihiin ama aanay nadiif ahayn.
dhalyo
Xiriirka ka dhexeeya dad dhalasho wadaaga.
dham'id
'². ld dala'¹, dal'id, dhama'¹.
dhama'
1. Dayow ka dhasha gaajo iyo harraad. 2. ld dham'id. ld dala'¹.
dhamaajee
Barar dhacaan dhamaajo marin. ld dhammajee, dhamoojee, dhamooqee.
dhamaajeyn
ld dhammaajeyn, dhamoojeyn, dhamoo-qeyn.
dhamaajo
Geed dhirindhirka u eg oo dhacaankiisa bararka lagu daweeyo. ld dhammaajo, dhamoog¹, dhamoojo, dhamooq¹.
dhamac
/dh 1. Dhuxul qaxantay oo waaweyn. 2. Derin aan casaan lahayn oo faylikida u eg.
dhamacaso
Balagga digirta marka uu miro la cuni karo yeesho.
dhamal
/dh (-llo, m.dh) Jirrid weyn, qallalan oo la shito.
dhamas
Geed abaareed weyn, hoos badan oo loo xiisa qaariyadaha doonyaha laga sameeyo.
dhambaal
1. Farriin farxad leh oo cid loogu hambalyeeyo. 2. Warqad rasmi ah oo dawlado, hay'ado iwm isu diraan.
dhambaalside
Qof u qaybsan qaadidda dhambaallada, Taararka. ld dhambaalwade, dhambaalwale.
dhambac
Buur dhinaceeda hoose.
dhambacaad
Seexasho qof caloosha hoos marsado.
dhambacaadi
Cid dhambacaad u jiifin.
dhambacaadid
ld dhambacaad¹, dhambacaadis².
dhambacaadin
ld dhambacaadis¹.
dhambal
1. Dh. ah: galley hal mar makiinad lagu burburiyey. 2. ld dhambalid.
dhambalan
Wax la dhambalay noqosho.
dhambalid
ld dhambal¹ (2).
dhambalnaan
ld dhambalnaansho.
dhambalnaansho
/dh ld dhambalnaan.
dhambalo
/mg3 (-ashay, -alatay) 1. (f.g) Wax si dherer ah u kala dillaacsasho. 2. (f.g) Galley hal mar ku shiidasho. 3. (f.mg) Ka dh.: maanso cid ka dheegasho.
dhamcaso
Digirta geedka ku taal inta aysan bislaan.
dhamid
ld dhamis, dhamitaan.
dhamiijo
Deris ku nool gasha waxaraha, weylaha iyo naylaha. ld dhibiijo.
dhammaad
Meesha ugu danbaysa; idlaad; ebyoonaan.
dhammaag
Geed gaab aan qodax lahayn, leh, laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo miro macaan oo la cuno, kana mid ah dhirta daawada leh.
dhammaajeyn
dhammaajo m.dh ld dhamaajo.
dhammaan
ld dhammaansho.
dhammaanjo
Geed-gaab dhulka ku faalala xididkiisana laga dhigto cabagta lagu baalo gammuunka.
dhammaansho
/dh eeg dhammow. ld dhammaan.
dhammaas
Qof aan feejignayn oo dareenkiisa garasho meel kale ku mashquulsanyahay.
dhammaasan
Dhammaas ahaansho (qof).
dhammaasnaan
ld dhammaasnaansho.
dhammaati
Xarig saddex dhudood ah oo wax lagu rarto.
dhammayn
ld dhammays.
dhammays
1. Dh. ah: ilmo shinkiisii ku dhashay. 2. Dh. ah: qof laxaad weyn. 3. ld dhammayn.
dhammaysan
Wax ebyan ahaansho.
dhammaysnaan
ld dhammaysnaansho.
dhammaysnaansho
/dh ld dhammaysnaan.
dhammaysnimo
Dhammays ahaansho (nafley).
dhammayso
1. Cunto, cabbitaan iwm laysasho. 2. Dan ebyasho.
dhammaystir
1. Wax qabyo, lagu ebyo. 1. ld dhammaystirid.
dhammaystiran
Wax la ebyey ahaansho.
dhammaystirnaan
ld dhammaystirnaansho.
dhammaystirnaansho
/dh ld dhammaystirnaan.
dhamme
Sarkaal saddex xiddigood leh; kabtan.
dhammee
1. Wax ebyid. 2. Cunto, cabbitaan iwm laasad. 3. Wax xasuuqid.
dhammow
1. Wax tiradoodu dhantahay noqosho. 2. Wax aan wax ka harin noqosho.
dhamoojeyn
dhamoojo m.dh ld dhamaajo.
dhamooq
Subag, dhammaajo, dhiiqo iwm wax ku dhoobid. ld dhamoog².
dhamooqid
ld dhamoogid.
dhan
1. Dhinac, gees. 2. Erey lagu isticmaalo ereyada lammane ah oo cabbidda micneeya. Tus. “Caana dh.”.
dhan-dabaggaalle
Dhalaal hirar ah, biyo la moodo oo samaysma marka kulka badan ee qorraxdu dhulka ku dhaco; wirwir; dhalanteed.
dhanaan
Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iwm.
dhanaanaan
ld dhanaanaansho.
dhanaanaansho
/dh eeg dhanaanow. ld dhanaanaan.
dhanaani
Wax dhanaan ka dhigid.
dhanaanis
Wax yar oo wax lagu dhanaansado. ld dhanaanin.
dhanaanow
Wax dhanaan noqosho.
dhanbalan
U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.
dhanballan-bu'eed
Falgal bu'eed oo bu'culus (sida yuraaniyam) ay u kala jabto labo qaybood (maxsuul dhanballan), taas oo sababta bixiinta labo ama saddex niyuutaroon, iyo xaddi tamar oo u dhiganta faraqa u dhexeeya cufka neg ee niyuutaroonnada iyo maxsuulka dhanballanka iyo cuf neg ee bu'da asalka ah.

