Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 22 of 25.
dhoweyn
ld dhaweyn.
dhoweysasho
ld dhaweysad, dhaweysasho, dhaweysi, dhoweysad.
dhoweyso
Wax meel dhow keensasho. ld dhaweyso.
dhowow
1. Cid si martinnimo iyo xurmo leh meel u fariisasho. 2. Soo dh.: cid meeshii ay joogtay meel ka sokeysa imaansho. ld dhawow.
dhowr
ld dhawr¹.
dhows
Nin laxaad weyn leh oo nacas ah.
dhowsnimo
Dhows ahaansho.
dhoy
Awoodda wax lagu garto; garaad. ld dhooy.
dhoydhoy
Rays cusub.
dhoyla'aan
Dhoy la'ahaanshada. ld dhooyla'aan.
dhoylaawe
Qof caqli yar. ld dhooylaawe.
dhoys
Qof aan tirsiimo lahayn; caaq.
dhubdhub
1. Meel la maro oo ciriiri ah. 2. Waddo buuro isu dhow dhex marta oo dhib lagu mari karo.
dhucay
Dhalo ka yar dhaloyareyda oo qaadda saddex farshiid.
dhud
Fallaadho ileys oo u socda si urursan. Waxa ay ka koobnaan kartaa saxaro (sida, dhud elektaroon) ama kaahin birlab danabeed (sida, hud raadar).
dhudhumi
Wax dhudhun ku cabbirid.
dhudhumin
ld dhudhumis.
dhudhun
1. Gacanta inta u dhexeysa xusulka iyo sacabka. 2. Dhudhun iyo sacabka oo fidsan oo is wata (cabbir).
dhudhunkutaagle
Qof gacmihiisa aad u xoog badanyihiin.
dhudhunsan
Wax la dhudhumiyey ahaansho.
dhudhunsanaan
ld dhudhunsanaansho.
dhudhunsanaansho
/dh ld dhudhun-sanaan.
dhudhunsasho
ld dhudhunsad.
dhudhunso
Wax dhudhun ku cabbirasho.
dhudhuub
Biyamareen dhuuban.
dhufaan
Neef xoolo ah xiniinya bixin.
dhufaanan
Wax la dhufaanay noqosho.
dhufaanid
ld dhufaan¹ (2).
dhufaannaan
ld dhufaannaansho.
dhufaannaansho
/dh ld dhufaannaan.
dhufays
Hog dhulka laga jeexo oo askaruhu waqtiga dagaalka xabbadda kaga gabbadaan.
dhufo
/mg3 (-ftay, -fatay) ld dhifo.
dhufsane
1. (xis.) Tiro ama tibaax la mid ah taranka tiro ama tibaax la isa siiyey iyo tiro ama tibaax kale. Tus. “6 waa dhufsane 2”. 2. Tiro ama tibax isirkeedu yahay tiro la isa siiyay ama tibaax. Tus. “26 waa dhufsane 13”.
dhufsane-ay-wadaagaan
Tiro dhufsane u ah laba ama dhowr tiro oo kale. Tusaale ahaan, 100 waa dhufsanaha ay wadagaan 5,25 iyo 50.
dhufsane-yaraha-ay-wadaagaan
(xis.) Dhufsanayaasha ay wadaagaan laba ama dhawr tiro midka ugu yar waxa la yiraahdaa dhufsane yaraha ay wadaagaan tirooyinkaas. Waxa loo soo gaabiyaa dh.y.w.
dhug
1. Maan; caqli. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo shalaqa. 3. Nishaab fiican. 4. ld dhugato.
dhugasho
ld dhugad.
dhugato
Cudur geela sambabbada kaga dhaca oo qufac badan leh. ld dhug (4), dhugmo (3).
dhugatow
Dhugato qaadid (geel).
dhugaysasho
ld dhugaysad.
dhugayso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax nishaabid. 2. (f.mg) Dhukaan qaadid (geel). 3. (f.mg) Garaad yeelasho (qof).
dhugbadan
1. Caqli weyn lahaansho. 2. Nishaab fiican lahaansho.
dhugbadnaan
ld dhugbadnaansho.
dhugbadnaansho
/dh ld dhugbadnaan.
dhugcid
ld dhuguc¹ (2).
dhugdhugle
Gaadiid yar oo laba shaag iyo matoor leh oo hal qof ama laba qaadi kara. ld dhugdhugley.
dhugi
Harag ari oo sida maro loo tolay. ld dhuu.
dhugla'aan
Axmaqnimo; maahsanaan.
dhuglaawe
Qof aan caqli badan lahayn; dhoohan.
dhugmar
Dh. ah: neef geel ah oo dhugi ku dhacday oo ka biskooday ee guri noqday.
dhugmo
1. Fiiro. 2. ld dhug (1). Caqli weyn. 3. ld dhugato.
dhugo
1. Wax fiirin. 2. Wax nishaabid.
dhuguc
1. Miro aad u bislaaday; dhuubaan. 2. ld dhugucid.
dhuguf
/dh Qof gaaban oo murqo kuuskuusan leh.
dhugufsan
Qof dhuguf ah ahaansho.
dhugufsanaan
ld dhugufsanaansho.
dhugufsanaansho
/dh ld dhugufsanaan.
dhukaan
qaadid (geel).
dhukan
Wax dhego yaryar ahaansho (nafley).
dhukanaan
ld dhukanaansho.
dhukanaansho
/dh ld dhukanaan.
dhukay
Dhegdheg madow-xigeen ah oo dhegta gudaheeda sare qanjirradu ku dhaliyaan.
dhukayo
Dhukay iska bixin.
dhukubo
Qiimaha iyo anfaca.
dhul
1. Meeraha dadku dushiisa ku nool yahay. 2. Barri. 3. Dal.
dhul-aasid
Dariiqadda uu webigu ku dhigo ama ku fuulo meelaha godgodan waxyaabaha adag ee uu sido.
dhul-abaahi
Cudur awrta ku dhaca oo caarka ka soo rida.
dhul-duniyeed
Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.
dhul-madaxeed
(juqr.) Qar ka soo dul baxsan badda.
dhul-rif
(jool.) Lisanka dhulka ku dhaca ee ka dhasha dabaylaha, biyaha socda, mase barafka iyaga oo qaadaya waxyaalihii dhulka ka rifmay sida ciidda iyo dhagxaanta.
dhulballaarsi
Qabsashada ay cidi qabsato dhul aanay lahayn. ld dalballaarsi, dhulballaarsad, dhulballaarsasho.

