Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 1 of 25.
dhaab
1. Qori, bir iwm oo dhul xoog ugu mudan si uu u xajiyo dhismo iwm. 2. Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato; kabar.
dhaabad
1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iwm dhextaal u ah.
dhaabadee
Maanso iyo wax la mid ah dhaabad u yeelid.
dhaabadeyn
ld dhaabadays.
dhaabadeysan
Wax dhaabad loo yeelay ahaansho (arrin).
dhaabadeysnaan
ld dhaabadeysnaansho.
dhaabadeysnaansho
/dh ld dhaaba-deysnaan.
dhaabalo
1. Qallaco awrta qooqani isu geysato kolkay dagaallamayaan; qaniinyo. 2. Gubaabo.
dhaaban
Wax meel lagu dhaabay noqosho.
dhaabdhaab
Wax, wax kale xoog ugu mudid.
dhaabnaan
ld dhaabnaansho.
dhaabnaansho
/dh ld dhaabnaan.
dhaabo
Wax meel ku mudasho.
dhaaclayn
ld dhaalcayn, dhaclayn.
dhaaclaysan
Xarig wax la dhacleeyay ahaansho. ld dhaalcaysan, dhaclaysan.
dhaaclaysnaan
ld dhaaclaysnaansho, dhaalcaysnaan, dhaalcaysnaansho,
dhaaclaysnaansho
/dh ld dhaaclaysnaan.
dhaacle
1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. ld dhaalce, dhacle.
dhaaclee
Xarig hab quruxsan oo afar dhudood ah u samayn. ld dhaalcee, dhaclee.
dhaad
Meesha kubku u yaryahay ee canqawga ka sarraysa.
dhaadan
1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iwm).
dhaaddan
Wax ladnaani ka muuqato ahaansho (nafley).
dhaaddanaan
ld dhaaddanaansho.
dhaaddanaansho
/dh eeg dhaaddanow. ld dhaaddanaan.
dhaaddanow
Wax dhaaddan noqosho (nafley).
dhaaddi
Dhedo.
dhaaddin
Summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq goobaaban oo dadban oo tagoogta lagu dhigo.
dhaaddisaar
Dh. ah: neef markii uu dhalay rimay.
dhaadhac
1. Lacag aan la xoogsan oo qofka siyaaba dadban ku soo gasha. 2. ld dhaadhicid. 3. ld dhacdhac¹.
dhaadhici
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Cid hoos u dejin. 2. (f.mg) Ka dh.: arrin si fiican u fahamsiin.
dhaadhicid
ld dhaadhac¹ (2).
dhaadhicin
ld dhaadhicis.
dhaadi
Qof wax u muujin.
dhaadid
ld dhaadis, dhaagid.
dhąadid
ąagid.
dhaadnaan
ld dhaadnaansho.
dhaadnaansho
/dh ld dhaadnaan.
dhaado
/mg3 (-aatay, -aadatay) 1. (f.g)Dhaad ka xirasho (neef). 2. (f.g) Gabar doonid. 3. (f.mg) Ku dh.: cid si kalsooni ah isugu hallayn.
dhaaf
/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Meel ama wax weydaarasho ama gudbid. 2. (f.g) Wax faraha ka qaadid; deyn. 3. (f.mg) Ku dh.: wax sida ay yihiin u deyn. 4. (f.mg) Ku dh.: cid wax ammaano ahaan ugu dhiibasho.
dhaafdhaaf
U dh.: hor iyo gadaal u socosho.
dhaafdhaafi
1. Is dh.: wax si aan nidaamsanayn u dhigid; wax isweydaarin. 2. Is dh.: wax isku dhafid.
dhaafdhaafsan
Is dh.: wax la dhaafdhaafiyay ahaansho.
dhaafdhaafsanaan
ld dhaafdhaafsanaansho.
dhaafdhaafsanaansho
/dh ld dhaafdhaafsanaan.
dhaafi
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid.
dhaafin
ld dhaafis.
dhaafiye
Warqad sharciyaysan oo hal dal mar lagu geli karo lagagana soo noqon karo.
dhaafsan
1. Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho. 2. Is dh.: qof dhuglaawe ah ama maahsan ahaansho.
dhaafsanaan
ld dhaafsaanaansho.
dhaafsanaansho
/dh ld dhaafsanaan.
dhaafsasho
ld dhaafsad, dhaafsi.
dhaafsii
Wax meel ka gudbin.
dhaafsiin
ld dhaafsiis.
dhaafsiisan
Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho.
dhaafsiisnaan
ld dhaafsiisnaansho.
dhaafsiisnaansho
/dh ld dhaafsiisnaan.
dhaafso
Wax, wax kale ku beddelasho.
dhąagid
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld dhąadid.
dhaaji
Iyadoo lagu xumaynayo qof wuxuu yiri ama sameeyay ka daba sameyn.
dhaal
1. Dheri yar oo dhoobo ah. 2. Dhuun buuriga lagu nuugo. 3. Dhul bannaan oo biyo fariisin ah.
dhaalali
1. Wax dhalaalaya ka dhigid. 2. Adke ka dhigid.
dhaalcaysnaansho
/dh ld dhaaclaysnaan.
dhaali
Dheri yar oo dhoobo ka samaysan oo wax lagu karsado bunkana lagu dubto.
dhaaman
Dhar iwm wax la dhaamay ahaansho.
dhaameel
Abqo.
dhaameelso
Dhaameel gurasho.
dhaami
/mg2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyo ka doonid. 2. Weel buuxin.
dhaamin
ld dhaamis.
dhaamnaan
ld dhaamnaansho.
dhaamnaansho
/dh ld dhaamnaan.
dhaan
1. Doonidda iyo keenidda biyo meel fog laga doono. 2. Gaadiid weel biyo ku jiraan ama lagu doonayo saaranyahay.
dhaandabaggaale
Dhaldhalaal biyo la moodo oo samaysma marka milicda kulul ee qorraxdu ku dhacdo meel yara durugsan; wirwir.
dhaandhaami
Qof, dhaandhaan ka dhigid.

