Words starting with 'DH'
2,435 Somali words beginning with 'DH' — page 11 of 25.
dhartol
Dawaarle, harqaanle. ld dhartole.
dharxiro
Habka dharka u lebbisasho.
dhas
Ayax, ukun dhul ku aasid.
dhase
Nooc dixiriga ka mid ah, ka dhasha meelaha ay wasakhda ku ururto oo xoolaha iyo dadkaba jirkooda gala.
dhasheeg
Biyakuhar; balli; laas.
dhasho
Sabiisha inteeda muuqata.
dhashuumid
ld dhashuun¹ (2).
dhashuun
1. Dhacaan adag oo meel bugta ka yimaada; malax, milil. 2. ld dhashuumid.
dhasiig
1. Dhega-adayg. 2. ld dhasiigid ld dhansiig¹.
dhasiigid
ld dhansiig¹, dhansiigid, dhasiig¹ (2).
dhasiiq
Bakhayl.
dhataq
Cod lagu muujiyo wax, wax aad cumur u ah, ku dhacaya.
dhaw
1. Wax nabar ku dhufasho. 2. Nin, naag u galmood. 3. ld dhaaw².
dhawaaji
Ka dh.: wax dhawaaq ka keenid.
dhawaan
(2).
dhawaansho
/dh ld dhowaan (1).
dhawaaq
1. Cod dheer oo afka laga yiraahdo; qaylo; (muus.) dh. muusiqada. 2. ld dhawaaqid.
dhawaaqid
ld dhawaaq¹ (2).
dhawaati
Raad ka samaysmay geel badan oo isdaba socda waqti dhado jirto.
dhawanaansho
/dh ld dhaawanaan.
dhawdhaw
Gargaraacidda; dubbaynta.
dhawdhawle
Shimbir dhoor iyo af dhuuban oo xooggan leh oo hoygeeda geedaha ka samaysata. ld dhawdhawley.
dhawee
/mg2 (-weeyay, -weysay) ld dhowee.
dhawr
Tiro laba ka badan kana yar siddeed. ld dhowr.
dhawr4
1. Xumo ka ilaalin; xannaanayn. 2. Fiirin; u jeedid; eegid. 3. Sugid; korosho.
dhawraari
Wax dhawraarin u samayn.
dhawraarin
Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. ld dhawraarimo.
dhawrad
Nafley feejignaan badan.
dhawradnimo
Dhawrad ahaansho.
dhawran
Wax la xafiday ahaansho.
dhawrid
ld dhawris, dhawritaan, dhawrmo.
dhawritaan
1. Ilaalinta wax dhibaato laga ilaaliyo. 2. Eegidda indhaha wax lagu fiiriyo. 3. Sugidda cid la sugo. ld dhawrid.
dhawriwaa
1. Samir yari aan wax lala sugi karin. 2. ld dhawriwaayid.
dhawriwaayid
ld dhawriwaa¹ (2).
dhawrmo
1. Eegmo. 2. ld dhawrid.
dhawrnaan
ld dhawrnaansho.
dhawrnaansho
/dh ld dhawrnaan.
dhawrsan
Qof xumaanta iyo ceebta iska ilaaliya ahaansho.
dhawrsanaan
ld dhawrsanaansho.
dhawrsanaansho
/dh ld dhawrsanaan.
dhawrsasho
ld dhawrsad, dhawrsi.
dhawrsi
Ilaalinta la iska ilaaliyo xumaan, ceeb iwm. ld dhawrsasho.
dhawrso
1. Xumaan, ceeb iwm iska ilaalin. 2. Wax ka cabsasho.
dhawrtaysasho
ld dhawrtaysad, dhawrtaysi.
dhawrtayso
Dhawrto dad ka urursasho.
dhawrtee
Dhawrto bixin.
dhawrto
Deeq dad badan laga soo urursho oo sadaqo ahaan loo bixiyo.
dhax
Dh. ah: nafley hoygeeda habeen ka maqnaan.
dhaxal
1. Hantida qof dhintay looga haro. 2. Raad ay ilmuhu ka raacaan waalidintooda.
dhaxalgal
1. Dh. ah: wax waxtar weyn oo loo aayo leh. 2. ld dhaxalgelid.
dhaxalgelid
ld dhaxalgal¹ (2).
dhaxalsii
Cid dhibaato aayatiinkeeda wax u dhinta badid.
dhaxaltooxo
Wax dhaxal ah qaybinta. ld dhexaltooyo.
dhaxalwareeg
1. Cid waxay dhaxal u leedahay sida hanti, dhaqan iwm oo ka dhuma. 2. ld dhaxalwareegid.
dhaxalwareegid
ld dhaxalwareeg¹ (2).
dhaxalwareeji
Cid wax ay dhaxal u lahayd ka dhumin.
dhaxamaysan
Wax dhaxani hayso ahaansho (nafley).
dhaxamaysii
Nafley qarqaryood.
dhaxamaysnaan
ld dhaxamaysnaansho.
dhaxamaysnaansho
/dh ld dhaxamaysnaan.
dhaxamoo
Dhaxan dareemid (nafley).
dhaxan
1. Qabow hawadu keento oo jirku dhibsado. 2. Duumo.
dhaxantir
1. ld dhaxantire. Dhar aan tayo fiicnayn oo loo gashado dhaxan awgeed. 2. ld dhaxantirid.
dhaxantire
(1).
dhaxantirid
ld dhaxantir¹ (2).
dhaxlan
Wax la dhaxlay ahaansho.

