w
Xarafka kow iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.
waa
Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.
wąa
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor.
wąa4
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo - soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.
waab
1. Dhis yar oo la harsado. 2. Dhis dadka buka la jiifiyo ama lagu daweeyo. 3. Hoose birta lagu tumo.
waabaayaysan
Wax la waabaayeeyey ahaansho.
waabaayaysnaan
ld waabaayaysnaansho.
waabaayaysnaansho
/dh ld waabaayaysnaan.
waabaayee
1. Nafley sumayn. 2. Waran, fallaar iwm waabaayo marin.
waabaayo
Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. ld waabaay, waabay².
waabaayow
Dad, xoolo iwm wax waabaayo hayso noqosho.
waaban
Wax la waabay ahaansho.
waabari
Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog. ld waabberi.
waabariisasho
ld waabberiiso.
waabariisii
U w.: inta waagu ka dillaacayo cid ama wax u kaadin. ld waabberiisii.
waabariisiin
ld waabberiisiin.
waabariiso
Wax meel waagu ugu baryid. ld waabberiiso.
waabay
Geedka xididkiisa laga sameeyo waabaayada.
waabberi
waabberi, waaberi.
waabi
1. Cid ama wax socday hakin. 2. Wax dagaal u taagan ama u soo socda nabar uu la hakado ama uu ku gabbado u taagid; baacin.
waabis
Xeelad la rabo in ugaarta la isugu keeno meel lagu hodayo, iyadoo lagu orrinayo.
waabjiif
Qof buka oo waab jiifa laguna daaweeyo.
waabnaan
ld waabnaansho.
waabnaansho
/dh ld waabnaan. 831waabo
waabo
1. Waab dhisasho. 2. Ka w.: nabar kugu soo socda ka gabasho ama wax halis ah dib uga noqosho.
waaceen
Naq aan badnayn oo ku baxay roob yar.
waaceensasho
ld waaceensi.
waaceensi
1. Doonidda qof doonayo in uu aarsado. 2. ld waaceensasho.
waaceenso
1. Cid wehel, garab iwm ka dhigasho. 2. Aanayso.
waaciidsasho
ld waaciidsi.
waaciidso
Cid kaalmaysasho.
waadi
Tog engegan oo kolka roob da'o kaliya biyo qaadaan.
waaf
(c.nafl.) Xubin neefsasho oo ay isticmaalaan xayawaannada biyaha ku nooli, si ay uga soo qaataan ogsajiinta biyaha dhexdooda.
waafaji
Laba arrimood oo kala duwan is haleeshiin. Tus. “Labadaas arrimood is waafaji.”
waafaq
1. Arrin jirta arrin kale haleelid. 2. Ku w.: hadal cid kale tiri ku raacid ama taageerid.
waafaqsan
Wax, wax kale raacsan ahaansho.
waafaqsanaan
ld waafaqsanaansho.
waafaqsanaansho
/dh ld waafaqsanaan.
waafi
W. ah: cabbir, qiyaas miisaan iwm aan wax ka dhinayn ee weliba buro weheliso.
waag
Socod badan oo wax lagu baadigoobayo
waageernaansho
/dh ld maageernaan.
waageersanaansho
/dh ld maageernaan.
waagii-baahiyosooik
(jool.) Waagii hore ee nolosha, waa kan ugu horreeya saddex qaybood ee waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeyay kambiriyan-ka-horreeyaha). Kolkaas oo muddooyinka taariikhda dunida ka mid ah kana horreeyay waagii mesosooigga wuxuu kalabaxsanyahay laga billabo 600 oo milyan ilaa 200 oo milyan oo tagtay.
waagii-barafka
(jool.) Waa jiyoolojiyeed oo baraf gogollo ah iyo baraf weyneyaal ay dabooleen badad badan oo qaaradaha ah, meelaha qaarkoodna barafku wuxuuba gaaray badaha, wuxuuna hoos u dhigay heerkulkii badweyneyaasha.
waagii-birta
(taar.) Waagii ka dambeyay waagii macdanka, markaas oo birtu ay beddeshay macdanka xagga hubka iyo qalabka kale; waaga birtu
waagii-dhagaxa
(taar.) Waqtigii aadamigu isticmaalay qalabka iyo warmaha dhagaxa ka sameysan, ee ka horeysey markii ugu horreysey ee helaan ay bir ceedhiin.
waagii-dhagaxa-dambe
Wuxuu sheegayaa waxyaabaha la xiriira waqtigii taariikhda ka horeeyey, markii ay dadku bilaabeen beerashada, laakiin dhagaxa ay waqtigaas u isticmaali jireen qalab ahaan, waqtigaas oo dhamaaday 9000-6000, dhalashadii Nebi Cise horti koonfur-galbeed Aasaiya, 4000 ilaa 2400 Nabi ciise horti ee Yurub.
waagii-dhagaxa-ee-hore
Waagii hore ee dhagaxa, dadkuna dhagaxa ay u adeegsan jireen qalab ama hub ahaan.
waagii-dhuxusha
(jool.) Waqtigii dhuxul-dhagaxda inteeda badani samaysantay.
waagii-macdanka
(jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta lagawaaqdhaacin samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.
waagii-mesosooik
(jool.) Waagii dhexe ee nolosha, ahna midka labaad saddexda qaybood ee taxanaha waqti jiyolojiyeedka wixii ka dambeeyay kambiriyan-ka-horeeyaha: muddaddaas ka mid ah taariikhda dhulka ee u dhexeysa aayada baaliyosoyigga iyo saynasoyigga, waxay kala baxsantahay muddo ah 200 milyan ilaa 70 milyan sannadood ee tagtay.
waagii-senosayka
(jool.) Waqtiga saddexaad ee waayaha jiyoolojiyada; waxaana lagu asteeyaa billowgii naafleyda nasleyda ah; waagani wuxuu ku xigay oo ka dambeeyay kambiriyan-ka-horreeye.
waago
Marka karoorka badarka la tumo ee maseggadu sabuulka ka baxdo dufalka soo hara.
waajib
1. Shaqo go'an oo qof u xilsaaranyahay oo laga doonayo inuu guto. 2. Wax Alle amray oo lays faray oo ka tegiddiisu dambi yahay; faral; farli.
waajibayso
Qof wax samayntooda waajib isaga dhigid.
waajibi
Waajib ka dhigid (wax).
waal
1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala.
waalallow
Welwel; walaac.
waalan
1. Qof waalli hayso ahaansho. 2. U w.: cid wax si xad dhaafa ah u jecel ahaansho.
waalay
Qaalin, dib markii ugu horraysay qooqay; qooqan.
waalayso
Waalo cayaarid.
waali
Nin madax ka ah qaybaha dal u qaybsamo midkood; naa'ib beeldaaji; barasaab.
waalid
Laba qof oo wax dhashay waxa ay ilmahooda u yihiin. ld waarid.
waalli
1. Cudur kasta oo kartida wax lagu kala garto baabi'iya, dhantaala ama wax u dhima. 2. (-iyo, ml.) Gogol ka samaysan weylo yaryar hargahooda layskuna tolo; weylaalis.
waalo
Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem.
waalwaal
Is w.: qof waalan iska dhigid.
waama
Goorma.

