watahsasho
ld watahsad, watahsi.
watahso
Ka w.: meel wax laga sugayey gacmo-marnaan kaga tegid.
watar
Salaad sunne ah, habeenkii la tukado oo rakcadaheedu tiro kisi ah yihiin. ld witir.
watatacoobid
ld waddadacoobid, waddaddacow¹, watata-cow¹.
watatacow
Rafaad la kulmid. ld waddaddacow².
watiiq
W. ah: wax dhuuban.
wax
1. Shay; walax. 2. Arrin; talo; xaal.
wax-ku-ool
W. ah: wax waxtara ama qiimo leh.
wax-walba-cune
Xayawaanka quuta cunto xayawaan iyo dhirba leh (dadka).
waxaa
Qurub soo hor marinaya yeelaha, layeelaha ama dhammeystire kale ee weerta dhexdeeda lagu muujiyo. Tus. “Waxaa yimid Xasan”. ld waxa.
waxad
Hanti aabbe siiyo ilmihiisa midkood.
waxar
Orgiga yar.
waxarawaalis
Geed laamo dhuudhuuban oo caleemo balballaran iyo ubaxyo hurud ah leh.
waxaraxir
Meerayaasho qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexeysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka) sannakeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan ku dhowaad malyuun oo mayl; xiddigta waaberi; sahra.
waxarcaddeeye
Geed aan qodax lahayn oo miro la cuno cadcad oo macaan leh.
waxarey
Ukunta shinnida iyo dhurdaha.
waxaro
Surta dhurduhu sameeyo, qaybteeda oo ka samaysan ugxaan farabba- dan oo aan weli dillaacin; qaybta kale waa miidda iyo gowska.
waxarxir
Mareegta waxaraha qoorta loo geliyo habeennimada.
waxash
Qof aan naxariis lahayn. ld waxshi.
waxashnimo
Naxariis la'aanta. ld waxshinnimo.
waxayna
u dhowyihiin awrka cir;
waxbarad
1. Qof hawshiisu tahay in uu wax dhigto; arday. 2. ld waxbarasho.
waxbarasho
Tacliin; aqoonkororsi.
waxbarid
Tacliinbarid; aqoonbarid. ld waxbaris.
waxbeerid
Wax abuurid, wax beerid.
waxee
Wax hagaajin; samayn.
waxgal
W. ah: wax waxtara ama muhimad leh; waxtar.
waxgalmo
Waxtarmo.
waxgarad
1. Qof garaad ama caqli leh; waxyaqaan. 2. Dad garaad leh.
waxgaradnimo
Caaqilnimo; waxgarasho.
waxmatare
Qof aan karti iyo waxqabad lahayn.
waxoogaa
W. ah: wax tiro ahaan aan badnayn. ld xoogaa.
waxqabad
Karti wax lagu fuliyo. ld waxqabasho.
waxsheegid
1. Hadlid. 2. Hamasho. ld waxsheeg.
waxsoosaar
1. (dhaq.) Tirada wixii ka soo baxa warshadaha, beeraha, xoolaha, iwm. 2. (dhaq.) Natiijada waxqabad hawleed kasta. ld waxsoosaarid.
waxsoosaarid
Awoodda waxqabad ee wax leeyihiin. ld waxsoosaar.
waxtar
1. Qiimaha isticmaal ee wax leeyihiin. 2. Nafaqada raashin laga helo. waxtarid. 3. W. ah: nafley waxqabad leh. 4. ld
waxtarid
Waxgalmo. ld waxtar, waxtarmo.
waxtarmo
waxtarid.
waxwadaqabsi
Isu kaashiga dad isu kaashadaan in ay hawl wadajir u qabsadaan.
waxwalbaale
W. ah: wax jaadad badan leh.
waxyaqaan
waxgarad.
waxyeelid
Dhibaato u geysashada cid dhibaato loo geysto.
waxyeellaysan
Wax la waxyeelleeyey ahaansho.
waxyeellaysnaan
ld waxyeellaysnaansho.
waxyeellaysnaansho
/dh ld waxyeellaysnaan.
waxyeellee
Cid waxyeello gaarsiin.
waxyeello
Dhibaato.
waxyi
Farriin uu Alle u soo dhiibo ambiyadiisa.
waxyoo
Ilaah waxyi cid wax ugu sheegid.
way
Eray lagu muujiyo xanuun ama oggolaashadarro.
wayaakee
Hanti xoolo nool ah siin.
wayaako
Hanti xoolo nool ah oo aan badnayn; wayaqaal.
wayaayin
Meel bannaan ah oo aan dhir lahayn.
waydaar
Waddo yar.
wayeeloobid
ld waayeelid.
wayig
Ka w.: wax la samayn lahaa ka naafasho. ld wayigo.
wayigid
ld wayigasho.
wayigo
Ka w.: wax la samayn lahaa ka naafasho. ld wayig.
waylo
ama ari yaryar laga baxshay oo la isku tolay oo la goglado.
wayooko
Meel lagu gabbado, lagu dhuunto.
wayqaal
Wayaako.
waytan
Ciil dartii way ku celcelin.
webi
(juqr.) Durdur biyo macaan ah kaasoo ugu yaraan qayb sannadka ka mid ah ay ka weyntahay dur dur yar, waxayna martaa kanaal dabiici ah, oo ay dhinacyada ka xadeeyaan qarar, kuna shubma badda ama xaro, ama webi kale.
webis
Nooc cawska ka mid ah oo lo'du daaqdo aadna ugu cayisho.
wed
Wax dilid.
weecasho
ld weecad.
weeci
Wax leexin.
weeco
Wax leexasho.
weecsan
Wax weecday ahaansho.
weecsanaan
ld weecsa- naansho.
weecsanaansho
/dh ld weecsanaan.
weecso
Wax leexsasho.
weedaar
Waddo dheer oo isku xirta laba beelood ama laba ceel.

