0

weegaaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Eeg: maageeran

0

weegaarasho

m dh

Eeg: maageerasho

0

weegaarid

m dh

Eeg: maageerid

0

weegaarnaan

m dh

Eeg: maageernaan

0

weegaarnaansho

m l

/dh ld maageernaan.

0

weegaaro

f g3 (-rtay, -ratay)

Eeg: maageero

0

weegaarsan

f mg4 (-naa,-nayd)

Eeg: maageeran

0

weegaarsanaan

m dh

Eeg: maageernaan

0

weegaarsanaansho

m l

/dh ld maageernaan.

0

weel

m l (-lal, m.l)

Wax kasta oo gudo leh oo wax lagu shubto ama lagu rido ama lagu karsado.

0

weelduw

f mg1 (-uway, -uday; -uwi)

U w.: dad cudurrada xunxun oo lays qaadsiyo qaba, sida qaaxada iwm, weel gaar ah u yeelid, wax ku siin; faquuqid.

0

weelduwan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la takooray ahaansho.

0

weelduwid

m f dh

ld weelduw¹.

0

weer

m l (-rar, m.l)

1. Bahal dugaagga ka mid ah oo dhurwaaga u eg; dhidar. 2. Cad maro ah oo cad oo madaxa lagu xirto oo astaamaha tiiraanyada lagu muujiyo; hangal.

0

weeraami

f g2 (-iyay, -isay)

Weel subag ama caano fadhiyaa ku jiraan aayar u ruxid.

0

weeraamin

m f dh

Eeg: weeraami

0

weerar

f g1 (-ray, -rtay)

Cid duullaan ku qaadid.

0

weerargal

m l

Eeg: weerargelid

0

weerargelid

m f dh

ld weerargal¹.

0

weerarid

m f dh

ld weerarniin.

0

weerarniin

m l

Eeg: weerarid

0

weerasho

m f dh

Eeg: weero

0

weercalaan

m l

Bahal weerka iyo dawacada u dhexeeya.

0

weerdawac

m l

Bahal weerka iyo dawacada u dhexeeya.

0

weereyn

m dh (nax.)

Qayb ka mid ah cilmi- afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.

0

weerid

m f dh

Eeg: weer³

0

weero

f g

/mg3 (-rtay, -ratay) Weer xirasho.

0

weershe

m l

Qof iin indhaha ku leh.

0

wees

m l

1. Geed faalala oo xooluhu, siiba geelu daaqo oo ur aad u lifaaqoon leh. 2. Ballaar; waasac.

0

weesaggad

m dh

Geed ur qurmoon oo jeerinka u eg.

0

weesaysad

m l

Eeg: weesaysasho

0

weesaysi

m l

Eeg: weesaysasho

0

weesayso

f mg3 (-stay, -satay)

Salaad ka hor weeso qaadasho.

0

weeso

m dh

1. (dii.) Mayrid la mayro xubnaha qaarkood oo faral ah,la'aanteedna ayan salaadu ansixi karin. 2. (dii.) Biyo yar oo xubnaha qaarkood lagu mayro si loo tukado. 3. (-ooyin, m.l) Ubbo. ld weyso.

0

weetee

f mg2 (-teeyay, -teysay)

Qof ama wax joojin.

0

weeteyn

m f dh

Eeg: weetee

0

weeyaan

qr dd

Eeg: weeye

0

weeye

qr dd

Qurub lagu muujiyo tiraab weereedka marka uusan fal ahayn. Tus. “Ninkanu macallinka cusub ee dugsiga weeye”. ld waaye, weeyaan.

0

wefdi

m l

Eeg: wafdi

0

wegdo

m dh

Eeg: wagdo

0

wegen

m l

1. Boqol fardo ah. 2. Xeyn; koox; horin.

0

weger

e d

Erey la yiraahdo kolka la arko wax lala yaabo.

0

wegered

m l

Eeg: wagarad

0

wegeredee

f g2 (-deeyay, -deysay)

radee.

0

wegeredeyn

m dh

Eeg: wagaradeyn

0

wehel

m l

Nafley, nafley kale la jirta oo ka ilaalinaysa cidloodka.

0

weheli

f g2 (-iyay, -isay)

Qof, qof kale wehel u noqosho. ld wehli.

0

wehelin

m f dh

ld wehelis.

0

wehelis

m l

Eeg: wehelin

0

weheliyaha-fididda-dhererka

m l (-yayaal ..., m.l/dh)

(fiis.) Summad a. Korodhka dhererka adke ee hal halbeeg oo dherer ah, marka heerkulku kor u kaco hal digrii. Selsiyas (1 C°), cadaadiskuna yahay madoorsoome.

0

weheliyaha-isliska-neg

m l (fiis)

Summad m. Saamiga xoogga isliska ee suurtaggalka ah uguna sarreeya iyo xoogga ku ligan dulaha is taabanaya m = Ff/Fn. Ff taas oo Ff - ay tahay xoog isliska, Fn - ay tahay xoog liganaha.

0

weheliyaha-qallocsanka-sugan

m l (fiis.)

Summad na. Saamiga keynaanka ilayska ee madhane iyo keynaanka ilayska ee dhextaal Na = C/Co taasoo C - ay tahay xawaaraha ilayska ee madhane, Co - ay tahay xawaaraha ilayska ee dhextaal.

0

weheliyaha-qalloocsanka

m l (-yaayaal ..., m.l/dh)

(fiis.) Summad n. Saamiga saynka 848 xagal abbaarka iyo saynka xagal qalloocsanka. Eeg weheliyaha qalloocsanka sugan.

0

wehelyeel

f mg1 (-eelay, -eeshay)

U w.: wehel u ahaan, u noqosho.

0

wehelyeelid

m f dh

ld wehelyeel¹.

0

weheshad

m f l

ld weheshi.

0

weheshi

m l

Eeg: weheshad

0

wehesho

f g3 (-shaday, -shatay)

Qof wehel ka dhigasho.

0

wehliye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(xis.) Guud ahaan, taranka dhammaan isirrada ku jira tibaax marka laga reebo isir magacaaban. wehliyaha Tibixda 5xy; 5 waa wehliyaha xy, x waa 5y, y waa wehliyaha 5x, 5x waa wehliyaha y iwm. Sida badan wehliye waxa loo qaataa isirka madoorsoomaha ahee ku jira tibix.

0

weji

m l (-iyo, m.dh)

Madaxa dadka intiisa horay u soo jeedda ee u dhexeysa foodda ilaa iyo lafta garka, dhegta ilaa dhegta kale oo indhaha, sanka iyo afku ku yaalliin; fool; jaah. ld waji.

0

weji-dayaxeed

m l (-iyo ..., m.l)

(c.fal.) Heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa, iwm.

0

weji-dhexe

m l (baay.)

Heerka ugu weyn ee qaybsanka bu'da, kaas oo xuubka bu'du uu baaba'ayo, koromosoomyaduna ay imanayaan badhtanka xiddigaha, kaddibna waxa bilaabma kala durugga koromaati-dhyada.

0

weji-didsan

m l (-iyo ..., m.l)

(kiim.) Xaalad atam, molikuyuul, ama hab kale oo leh tamar ka badan tan uu leeyahay marka uu degganyahay.

0

weji-gebagabo

m l (-iyo ..., m.dh)

(baay.) Heerka afraad ee qaybsanka unugga; kaas oo ah marka ay koromaatidhyadu gaadhaan cidhifyada, saytobalaasamkuna uu qaybsamo ee uu sameeyo laba unug oo mataana ah oo kala soocan. Waxa baaba'a miiqyada iyo xiddigaha iyaadoo bu' yarada iyo xuubka bu'da ee unug mataan kastaa dib u samaysmo iyo koromosoomyada oo dib u soo ceshada qaabkoodii dunta oo kale ahaa.

0

weji-ogsidhayn

m l

Eeg: ogsidhayn

0

wejibbax

m l (-dyo, m.dh)

Weji aan furfurnayn oo kolka qof la arko la duuduubo; wajikaduud.

0

wejifur

m l

Hadiyad gabdhaha la arooso uu siiyo ninka wax aroosay kolka la gurigeeyo.weydhaami

0

wejigarad

m l

Eeg: wejigarasho

0

wejigarasho

m f dh

ld wejigarad.

0

wejigaro

f g3 (-rtay, -ratay)

1. Cid aqoonsasho. 2. Cid u eexasho.

0

wejiggabax

m l

Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.

0

wejih

f g1 (-hay, -hday)

1. Wax qaabilid. 2. Meel ama cid abbaarid. ld waajah, wajih.

0

wejihi

f lg2 (-iyay, -isay)

1. Wax, wax kale qaabisiin. 2. Cid meel ama cid kale aaddin. ld waajihi.

0

wejihid

m f dh

ld waajihid, wajahid.

0

wejihin

m f dh

Eeg: waajihin

0

wejiine

m l

Eeg: wajiine

0

wejimacbuus

m l

Qof aan furfurnayan oo dad dhexgelkiisu yar yahay.

0

wejitub

m l

Wejimacbuus; wejikaduud.

0

wejitubid

m f dh

Eeg: wejitub²

0

weled

m l

1. Beeryarada oo jirrata aadna u bararta. 2. (awlaad, m.dh) Ilmo la dhalay. 3. Kasha badarka lagu tumo.

0

welef

m l

Wax aad u jeclaysasho.

0

weli

m fk

1. Ilaa hadda. 2. kol kale; haddana; misana. 3. Waa w.gay: abidkay, kolna.

0

welinnimo

m dh

Weli ahaansho.

0

welwel

f mg1 (-elay, -eshay)

Eeg: walwal²

0

welwel-dheeraad

m l (c.naf.)

Welwel ka qabid shaqada jirka iyo caafimaad darro la mala awaaley. Waxay keeni kartaa cudur mas- kaxeed qofka naftiisa naafeeya. Noocyada khatarta ah waxa jira himadjab caafimaad darro, oo sida badan ay sabab u tahay qalbi jabka joogtada ah.

0

welweli

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: walwali

0

welwelid

m dh

Eeg: walwalid

0

welwelin

m dh

Eeg: walwalin

0

welwelsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: walwalsan

0

welwelsanaan

m dh

Eeg: walwalsanaan

0

welwelsanaansho

m l

/dh ld walwalsanaan.

0

werdi

m l

Ku celcelinta ereyo Alle loogu dhowaanayo. ld wardi.

0

werdiyid

m f dh

Eeg: werdi²

0

weref

m l

ąraf¹.

0

werfid

m dh

Eeg: warfid

0

weri

f mg2 (-iyay, -isay)

Eeg: wari

0

werin

m dh

Eeg: warin

0

weris

m l

1. ld waris. Nooc ka mid ah dhirta. 2. ld waris. Dhoobo loo adeegsado si loo midibeeyo dharka ama timaha. 3. ld warin.

0

weriye

m l

Eeg: wariye

0

wershed

m dh

Eeg: warshad