0

werwer

f mg1 (-ray, -rtay)

Eeg: walwal²

0

werweri

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: walwali

0

werwerid

m dh

Eeg: warwarid

0

werwerin

m dh

Eeg: walwalin

0

werwersan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: walwalsan

0

werwersanaan

m dh

Eeg: walwalsanaan

0

werwersanaansho

m l

/dh ld walwalsanaan.

0

wesiif

m l

Kalluun aad u yaryar oo u eg sar- diinka.

0

wesin

m l (-nno, m.dh)

Goor, waqti.

0

wey

m l

Hilib uu ka soo gooyo halgamuhu neefka uu soo dilo.

0

weyaan

qr dd

Eeg: weeye

0

weyd

m dh kh

W. ah: nafley caato ah.

0

weydaar

f g1 (-ray, -rtay)

Neef geel ah jeenigiisa iyo lugtiisa talantaalli u xirid ama isdhaaf u xirid.

0

weydaarasho

m f dh

Eeg: weydaaro

0

weydaari

f lg2 (-iyay, -isay)

1. Dhaafi; gudbi. 2. Is w.: is dhaafin.

0

weydaarid

m f dh

ld weydaar¹.

0

weydaarin

m f dh

weydaari.

0

weydaaro

f g3 (-rtay, -ratay)

1. Wax dhaafid. 2. Wax dabamarid.

0

weydaarsan

f g4 (-naa, -nayd)

Wax, wax kale dhaafsan ahaansho.

0

weydaarsanaan

m f dh

ld weydaarsanaansho.

0

weydaarsanaansho

m l

/dh ld weydaarsanaan.

0

weydaarsasho

m f dh

Eeg: weydaarso

0

weydaarso

f lg3 (-saday, -satay)

Wax, wax kale dhaafsasho.

0

weyddii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

1. Qof si jawaab looga halo su'aal u jeedin; warso. 2. Cid wax ka codsasho.

0

weyddiin

m f dh

ld weyddis.

0

weyddiis

m l

Eeg: weyddiin

0

weyddiisad

m l

Eeg: weyddiisasho

0

weyddiisasho

m f dh

ld weyddiisad.

0

weyddiiso

f lg3 (-stay, -satay)

Wax loo baahanyahay cid ka baryid.

0

weydee

f g2 (-deeyay, -deysay)

1. Arrin sahlasho. 2. Wax caato ka dhigid.

0

weydeyn

m f dh

Eeg: weydee

0

weydhaami

f g2 (-iyay, -isay)

Leexo horay iyo dib u socodsiin.

0

weydhaamin

m f dh

ld wey- dhaamis.

0

weydhaamis

m l

Eeg: weydhaamin

0

weydhaan

m l (-nno, m.dh)

Warwareegga ay sameeyso leexada.

0

weydhoomid

m f dh

Eeg: weydhoon

0

weydhoon

f mg1 (-oomay, -oontay)

Dad badan meel isugu soo ururid.

0

weydnimo

m dh

Caatonimo; xayeesinnimo.

0

weydoobid

m f dh

Eeg: weydow

0

weydow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Nafley weyd noqosho.

0

weydsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Nafley weyd ahaansho.

0

weydsanaan

m f dh

ld weydsa- naansho.

0

weydsanaansho

m l

/dh ld weydsanaan.

0

weyl

m dh

1. Burcad. 2. (-lo, m.l) Dhasha lo'da teeda dheddig.

0

weylaalis

m dh (-so, m.l)

Hargo badan oo

0

weyladay

m l

Geeso horay caaraddoodu u soo jeeddo (lo').

0

weyn

f mg4 (-naa, -nayd; waaweyn)

1. Wax qiyaasta loo baahan yahay wax u weheliyaan xagga tirada, dhererka, ballaarka, filka iwm ahaansho. 2. Isla w.: qof cid kale iskala sarreeya ahaansho.

0

weynaan

m f dh

ld weynaansho, weynin.

0

weynaansho

m l

/dh eeg weynow. ld weynaan.

0

weynbaar

m l (-rro, m.dh)

Boorso haween oo harag la xardhay ka samaysan.

0

weyne

m l

Ilaah; Rabbi.

0

weynee

f g2 (-neeyay, -neysay)

1. Wax, wax weyn ka dhigid. 2. Cid qiimo u yeelid. 3. Is w.: wax weyn iska dhigid (qof). 4. Iska w.: qof cid iska sarreysiin. ld weyneysii.

0

weyneyn

m f dh

ld weyneys, weyneysiin.

0

weyneynsiin

m dh

Eeg: weyneyn¹

0

weyneys

m l

Eeg: weyneyn¹

0

weyneysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: weynee

0

weyneysiin

m dh

Eeg: weyneyn

0

weyneyso

m dh (-ooyin, m.l)

(fiis.) Qalab loogu talaggalay in uu weyneeyo hummagga walxo aad u sii yar.

0

weynin

m l

Eeg: weynaan

0

weynow

f mg3 (-naaday, -naatay)

1. Nafley wax weyn noqosho. 2. La w.: wax weyn cid ugu muuqasho. 3. Isla w.: qab iyo kibir isu yeelid. 4. Iskala w.: qof cid iska sarreysiin.

0

weyrax

f g1 (-xay, -xday)

Neef xoolo ah oo dhalay markuu dhashiisa u baqo gadoodid.

0

weyraxi

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo ama dad weyrax ka keenid.

0

weyraxid

m f dh

Eeg: weyrax²

0

weyraxin

m f dh

Eeg: weyraxi

0

weyraxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Dad ama xoolo wax weyraxay ahaansho.

0

weyraxsanaan

m f dh

ld wey- raxsanaansho.

0

weyraxsanaansho

m l

/dh ld weyraxsanaan.

0

weysaalo

m l w

W. ah: waxyaalo diricnimo muujiya oo qof sameeyo, wacdaro.

0

weysaqaadasho

m f dh

Eeg: weysaqaado

0

weysaqaado

f mg3 (-aatay, -aadatay)

Salaad ka hor weysaysasho.

0

weysaysasho

m f dh

Eeg: weysayso

0

weysayso

f mg3 (-stay, -satay)

Cid weysa- qaadasho.

0

weysii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: waasii

0

weysiin

m dh

Eeg: waasiin

0

weyso

m dh

Eeg: weeso

0

wicid

m f dh

ld wicitaan.

0

wicitaan

m l

Eeg: wicid

0

wiciyad

m dh u

Alaabta guriga looga adeegto. ld wiiciyad.

0

wid

e d

Erey eyga lagu eryo ama qof lagu ihaaneeyo.

0

widwid

m l

Dariiq yar oo isku xira guryo ama aqallo isu dhaw; widwide. ld widwide.

0

widwide

m l

Eeg: widwid

0

wif

m dh sh r

Erey tilmaama dhawaaqa wax sida wiifowga u wareego.

0

wiflee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Orod iyo socod tiro badan samayn.

0

wifleyn

m f dh

Eeg: wiflee

0

wiglee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Wiglo ciyaarid. ld wilgee.

0

wigleyn

m f dh

ld wilgeyn.

0

wiglo

m dh

Cod maanseed lagu ciyaaro ciyaarta dhaantada; hirwo. ld wilgo.

0

wii

m dh

Codka wiishka.

0

wiif

f mg1 (-fay, -ftay)

1. Sida wiifowgii u wareeg. 2. Aad u orod.

0

wiifi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Sida wiifowgii u wareegin. 2. Aad u orodsii.

0

wiifid

m f dh

Eeg: wiif

0

wiifin

m f dh

wishaar²

0

wiiflee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

1. Sida wiifowgii u wareeg. 2. Aad u orod.

0

wiifleyn

m f dh

Eeg: wiiflee

0

wiifow

m l (-wyo, m.dh)

1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.

0

wiig

m l (-gag, m.l)

Muddo toddoba beri ah oo isku xigta; toddobaad; usbuuc; sitimaan.

0

wiil

m l

1. Inan; kuray; ilmo yar oo lab ah. 2. Adeege; madiidin; qawsaar. 3. Isha birtee- da; wil.

0

wiilnimo

m dh

Carruurnimo.

0

wiilo

m dh

Gabar u saansaan eg wiil.

0

wiinrif

m l

Nooc dhirta ka mid ah.