0

waan

m dh

Meel dhul ah oo bannaan.

0

waanbe

m l

Jaad badarka ka mid ah oo ay iniinihiisu aad u yaryaryihiin.

0

waani

f g2 (-iyay, -isay)

Cid waano u jeedin.

0

waanin

m f dh

Eeg: waani

0

waano

m dh u

Hadallo talo ah oo cid loo jeediyo iyadoo wax lagu faraayo ama wax looga reebaayo.

0

waansan

f mg4 (-naa, -nayd)

Cid wax la waaniyey ahaansho.

0

waansanaan

m f dh

ld waansanaansho.

0

waansanaansho

m l

/dh ld waansanaan.

0

waanshee

f mg2 (-sheeyay, -sheysay)

Dan la'aan meel u tegid.

0

waansheyn

m f dh

Eeg: waanshee

0

waantoobid

m f dh

Eeg: waantow

0

waantow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

1. Qof wax waano qaatay noqosho. 2. Ka w.: wax aad samayn lahayd oo xumaani ku jirto ka noqosho.

0

waanwaan

m dh

1. Nabad yar oo ay kala dhigtaan laba qolo oo ay colaadi dhex tiil, heshiis nabadeed oo ku meel gaar ah. 2. Rajo.

0

waaq

m l

Magac ay Soomaalidu waagii hore ay u tigiin Ilaah. ld waq.

0

waaqdhaacin

m l

Xoolo farabadan oo alla-bari ahaan loo qalo.

0

waaqla'

m dh kh

W. ah: meel aan cidi degganyn; cidla ciirsila'.

0

waaqlayn

m f dh

Eeg: waaqlee

0

waaqlee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

Qof, tuke iwm qaylo dheer aad ugu qaylin.

0

waaqsasho

m f dh

Eeg: waaqso

0

waaqso

f mg3 (-saday, -satay)

Ka w.: dhib ama waxyeello hore ka so kabasho.

0

waar

m l (-rar, m.l)

Cabbir dhererka lagu cabbiro oo la mid ah seddax cagood ama soddon iyo lix hiish ama 0.914 mitir.

0

waaran

m l (-nno, m.dh)

1. Warqadda lagu oggolaado lacag la doonayo in la bixiyo. 2. Warqad maxkamaddu ku oggolaato qof in la xiro ama in wax la baaro.

0

waaray

m l

Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.

0

waardiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qof xafiis, guri iwm ilaaliya; ilaaliye.

0

waari

m l

Sheekada haabeenkii lagu soo jeedo, dhafar; dabjeex.

0

waarid

m f dh

waar². ld waaris.

0

waaridid

m f dh

Eeg: waarid³

0

waaridnimo

m dh

Eeg: waalidnimo

0

waarig

m dh

Eeg: waariko

0

waariko

m dh

Jaad likaha ka mid ah oo badanaa dundumooyiinka agtooda ka soo fuuro; barkiwaraabe. ld waarig.

0

waarikow

m l

Shaah aan sonkor lahayn.

0

waarin

m f dh

Eeg: waari²

0

waaris

m dh

Eeg: waarid²

0

waarri

f mg2 (-iyay, -isay)

Socod aayar ah oo lugaha la kala fogeeyo cudur dartii socosho.

0

waarrin

m f dh

Eeg: waarri

0

waasac

m l kh

W. ah: aan ciriiri ahayn, wax badan qaada, ballaaran.

0

waashman

m l (-nno, m.dh)

Gogle; ilaaliiye.

0

waasici

f g2 (-iyay, -isay)

Wax ballaaran oo aan ciriiri ahayn ka dhigid.

0

waasicin

m f dh

Eeg: waasici

0

waasii

f lg2 (-iiay, -iisay)

Cid wax ay heli lahayd gefsiin. ld weysii.

0

waasiin

m f dh

ld weysiin.

0

waat

m l (-tyo, m.dh)

(fiis.) Summad W. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee awoodda, waxana loo qeexaa awood le'eg hal juul halkii seken (Juul/seken).

0

waawaray

e d

Erey dareen oo tilmaama yaab, naxdin ama baahi oo kaalmo ah.

0

waax

m dh (-xyo, m.dh)

1. Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybiyey meeshood; rubuc, rubi. Tus. “Hasha la qaley waax iga sii”. 2. Qaybaha waaweyn ee kala duwan ee hay'ad maamul u qaybsantahay middood.

0

waaxayn

m f dh

ld waaxyayn.

0

waaxaysasho

m f dh

Eeg: waaxayso

0

waaxayso

f g3 (-stay, -satay)

1. Wax afar meelood u kala qaybsasho. 2. Wax qaybo isla eg ka dhigasho. ld waaxyeyso.

0

waaxee

f g2 (-xeeyay, -xaysay)

Wax afar meelood u qaybin. ld waaxyee.

0

waaxid

m l

1. W. ah: kali ah, aan cidi wehelin (Ilaah). 2. Mid ama kali.

0

waaxyayn

m dh

Eeg: waaxayn

0

waaxyee

f g2 (-yeeyay, -yaysay)

Eeg: waaxee

0

waaya-arag

m l kh

W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iwm. ld waayo-arag.

0

waaya-aragnimo

m dh

ahaansho; khibrad. ld waayo-aragnimo.

0

waayadii-dhexe

m dh (taar.)

Wax la xiriira waqtayadii dhexe intii u dhexeeysay 1100 Ciise kaddib gaar ahaan taarikhada Yurub.

0

waaye

qr dd

Eeg: weeye

0

waayee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Ilmo si uu u seexdo ruxid.

0

waayeel

m l (-llo, m.dh)

Qof fil weyn ama wax garad ah.

0

waayeelid

m dh

Eeg: waayeeloobid

0

waayeelnimo

m dh

Waayeel ahaan.

0

waayeelow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Waayeel noqosho.

0

waayeyn

m f dh

Eeg: waayee

0

waayid

m f dh

ld waayis.

0

waayir

m l (-rro, m.dh)

Xarig macdan ah; silig.

0

waayis

m dh

Eeg: waayid

0

waayo

m l w

1. Waqti hore oo la soo dhaafay. 2. Dhacdooyin la soo joogay; wacaal. 3. Arrin; xaal; sah. 4. Dhibaha adduunka; tabaalo.

0

waayo-arag

m l kh

Eeg: waaya-arag

0

waayo-aragnimo

m dh

Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas.

0

waayo-waayo

m l

Waayo kale geddisan oo la soo maray.

0

wab

m l

Saabley; feero; uur; wadne.

0

wabar

m l

1. Nin qolo ama tol madax u ah. 2. Mid quman, wanaagsan, suuban.

0

wabas

m l (-syo, m.dh)

Nin gaaban oo bar yar.

0

wabax

m l kh

Biyo ka dhergidda (xoolo).

0

wabaxguul

m l

W. ah: xoolo wabax ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.

0

wabaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax wabxay ahaansho (xoolo).

0

wabaxsanaan

m f dh

ld wabaxsanaansho.

0

wabaxsanaansho

m l

/dh ld wabaxsanaan.

0

wabaxsasho

m dh

ld wabxib.

0

wabaxso

f g3 (-saday, -satay)

Xoolo biyo badan siisasho.

0

wabaxtaraar

m l

Neefka biyaha ka dherga oo iska dhaqaaqa.

0

wabxi

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo biyo ka dhergin.

0

wabxid

m f dh

ld wabaxsasho.

0

wabxin

m f dh

Eeg: wabxi

0

wac

m dh sh r

Iftiin xoog leh oo si kedis ah dad u cawiro.

0

wacaal

m dh

Wax jira; war; xog. Tus. “War iyo w. midna uma hayo”.

0

wacaari

m dh

Geed aan qodax lahayn oo leh mayrax iyo asal iyo miro la cuno. ld wacanri.

0

wacad

m l

Ballan adag oo la galo.

0

wacadfur

m l

Wacad la dhigtay oo la jabsho.

0

wacadfurid

m f dh

ld wacadfuryo.

0

wacadfuryo

m dh

Eeg: wacadfurid

0

wacadqabe

m l

Qof wacad u galay ka baxay oo inkaar qaba.

0

wacal

m l (-llo, m.dh)

Wiil aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel¹.

0

wacalnimo

m dh

Wacal ahaansho.

0

wacan

f mg4 (-cnaa, -cnayd)

1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ugu w.: sabab u ahaansho (wax).

0

wacanri

m dh

Eeg: wacaari

0

wacays

m l

Samaan; wanaag.

0

wacdaro

m l w

Wax la yaab leh.

0

wacdi

m l

Waano; hanuunis.

0

wacdin

m dh

Eeg: wacdiyid

0

wacdiyid

m f dh

ld wacdin.

0

wacnaan

m f dh

ld wacnaansho.