waraarasho
ld waraarad.
waraari
Wax ruxid ama jiljilid (gilgilid).
waraaro
Neef si wada jir ah u qalasho iyada oo qiimihiisa la wada bixinayo
waraasi
1. Midab cawl ah oo lo'du yeelato. 2. Caano dhay ah, cabbaar yiil oo xoortii ka dhacday, labeenna soo yeelanaya. ld waraase.
warac
1. Qof dhowrsoon oo xumaha ka fogaado. 2. Qof ragannimo leh; geesi ah. 3. Labada gollood ee buurta middood.
waraf
Xarig qaylo dheer oo lagu ilaalsho beeraha; qawle; jacle; jeedalqawle.
wąraf
Welwel ama xanuun lala seexan waayay. ld weref¹.
waran
1. Wax in la qorraxeeyo loo kala bixiyey ahaansho. 2. Badeeco iwm wax dhulka lagu fidiyey ahaansho. 3. Wax la baabi'iyey ahaansho. 4. Meel wax biyo jiifaan ahaansho.
waran-cireed
(fiis.) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.
warango
Walax budo ah oo xalwada marka la samaynayo lagu daro.
warankiino
Dareere kiimikal ah oo dharka aan midabka lahayn oo la dhaqayo lagu cadeeyo.
waranle
1. Qof qalabkiisu waran yahay. 2. Qof dagaal galay oo aan qori wadan.
waranley
Ciidanka warmaha wata.
waranweyro
1. War iska soo daba dhacaya. 2. War in la qariyo laysku ogaa ama ku habboonaa oo dibbadda loo saaro, oo dadka looga sheekeeyo.
waraq
1. Karin laga dhaco; jeex. 2. Lafdhabarta, inteeda kelyaha la siman; waraar.
waraso
Ubad la dhalay; awlaad; ilmo; dhal.
warato
Ganacsato yaryar oo aan dukaamo lahayn oo meel bannaan ama balbalooyinka hoostooda wax ku iibsada.
waraysasho
ld waraysad, waraysi.
warayso
War qof uu hayo ka dhegeyso; cid wax weyddiin.
warbixi
Ka w.: arrin ama xaalad lagu suganyahay sheegid ama gudbin.
warbogo
1. Cid xog haysa si ballaaran uga warramid. 2. Ka w.: cid xog haysa si wacan u waraysasho.
warceli
U w.: cid u jawaabid.
warcelin
Lammaaneynta wax soo saarka iyo wax gelinta ee hawl soohyada jirku fulinayaan. Shaqada war celinta waxay muhim u tahay hagaajinta shaqaajin dabiici ah oo badan ee jirku sameeyo: hormooniska soo saariddooda, iyo falgallada ensaymisku ka hawl galaan.
wardoon
1. Qofka raadiya siraha cadowga. 2. Hay'adda ku sheqa leh wardoonidda.
wardoonid
Raadinta siraha cadawga la raadiyo. ld wardoon (2).
waree
Cid ama wax danayn.
wareeg
Wadarta dhererada iyo dhinacyada shaxan jomatari.
wareegaalaysasho
ld wareegaalaysi, wareegaysasho.
wareegaalayso
Dan la'aan meelo u socosho. ld wareegayso.
wareegacadde
Ciyaar carruurtu ciyaarto iyagoo gacmaha iswada haysta oo isku wareegaalaysanayaa.
wareegacaddee
1. Dan la'aan u wareegid. 2. Wareegacadde samayn.
wareegid
ld wareeg¹.
wareego
Soo w.: halkaad joogtid ka tag oo meel kale u wareeg.
wareegsan
1. Wax qaab goobaabin ah leh ahaansho. 2. Ku w.: wax meel ku hareeraysan ahaansho.
wareegsanaan
ld wareegsanaansho.
wareegsanaansho
/dh ld wareegsanaan.
wareegso
1. Meel wax u beddelasho. 2. Ka w.: meel ama wax ka leexasho.
wareegto
Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.
wareeji
1. Wax wareegaya ka dhigid. 2. Dhinac kale u dhaqaajin (wax ama qof) 3. Ku w.: qalab ama xil qof faraha ka saarid. 4. Badar shiidan si buunshaha looga saaro walaanwilin.
wareejin
ld wareejis.
wareejisan
Badar shiidan wax buunshada laga saaray ahaansho.
wareejisanaan
ld wareejisanaansho.
wareejisanaansho
/dh ld wareejisanaan.
wareemato
Col yar oo intay si qarsoodi ah u baxaan wax soo burburiya amaba laaya; wareento.
wareemid
ld warmayn.
wareen
Nabar ama dhaawac waran ama hooto.
wareento
Cudur xanuun kulul leh oo badanaa ku dhaca feeraha.
wareeq
(xis.) Fogaanta ku dul meeran shaxan kasta oo oodan. Waxa kale lagu qeexaa dhererka xood oodan. Xoodkaasoo noqon kara siman sida goobo ama qabaal ama xood googo'an sida geesoole.
wareer
1. Cid madax- xanuun dareemid. 2. Cid dayoobid.
wareeri
Cid wareer ku ridid.
wareersan
Wax wareeray ahaansho.
wareersanaan
ld wareersanaansho.
wareersanaansho
/dh ld wareersanaan.
wareershe
1. Xarig jeegada iyo tuurinka isu haya oo neef geel ah oo ilmo lagu sidkayo lagu xiro. 2. Suuman la qurxiyey oo fardaha madaxa loo geliyo.
warfaafin
Baahinta dadweynaha war loo baahiyo. ld warfidin.
warfi
1. Wax inta gacanta lagu qabto wareejin. 2. Wax tuurid.
warfid
ąraf². ld werfid.
warfidiyeen
Dad wargeysyo qora.
wargal
W. ah: qof warkiisa lagu kalsoonaan karo.
wargalnimo
Wargal ahaansho.
wargee
U w.: war cid kale u tebin ama gaarsiin.
wargeeye
Qof diradiraalow ah.
wargeli
Cid war aysan horay u hayn gaarsiin ama u sheegid.
wargeyn
ld wargeys.
wargeys
1. (-syo, m.dh) Xaashi ama xaashiyo war ku yaal oo wakhti go'an soo baxa sida maalin, toddobaad, bil iwm oo inta la daabaco la faafiyo; joornaal. 2. ld wargeyn.
wargur
Cid hadlaysa si loo maqashiiyo ama loo ogeysiiyo in lala socdo warkiisa wuxuu yiraahdaba ka daba dhihid.
wargure
Cidda qof hadlaysa ama doodeysa warka ka koobisa.
wargurid
ld wargur¹.
warhayn
843warhee
warhee
/mg2 (-heeyay, -haysay) Ka w.: arrin iwm meesha ay mareyso la socosho. 2. Ka w.: cid dhaqaale u baahan taakulayn.
warhel
Ka w.: cid wax aysan horayn u ogeyn helid.
wari
War cusub tebin. ld weri.
warin
ld waris, werin, weris.
waris
1. ld warin. 2. ld weris.
wariye
Qofka wararka tebiya. ld weriye.

