wacnaansho
/dh ld wacnaan.
wacyi
Heerka fahamka nolosha bulshada.
wacyigelin
Heerka fahamka nolosha bulshada kor u qaadid, khordin.
wad
/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. w.: 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.
wada
1. Qurub tilmaamaya wax isla samayn. Tus. “Aan w. hadalno waa aan heshiinno”. 2. Qurub tilmaamaya in aan wax wax ka maqnayn. Tus. “Waa w. yimaadeen”; “Wargeysyada w. qaado!”.
wada-noolaansho
Isdhex gal ka dhex dhaca laba xayawaan ama laba sinji oo geedo ah, kuwaas oo wada nool, oo mid kamid ahi isdhex galkooda ka faaidaysanayo, ka kalena wax dhibaato ahi ka soo gaadhayn.
wadaad
Nin diinta islaamka wax ka bartay kuna camalfala oo dhowrsan.
wadaaddee
Wadaad iska dhigid ama isu ekeyn.
wadaadnimo
Wadaad ahaansho.
wadaag
Wax dad badan ka dhexeeya oo aanu qofna gaar u lahayn.
wadaage
1. Wax wareegsan sida garangarta, gadawga iwm meesha kala barta. 2. Meesha waxyaalo badan oo isku xirani isugu yimaadaan ama iska haystaan. 3. Meesha dhudaha caynaanku isaga yimaadaan (heense).
wadaaji
1. Dad wax ka dhexeysiin. 2. Wax qaybin.
wadaal
1. W. ah: la socoshada neef labi neef dheddig oo orgeysan raaco ama ka hari waayo. 2. Xoolo tirsan oo gooni loo wado.
wadaali
1. Lab xoolaad oo qooqan dheddiggiisa oo deggan la socosho. 2. Neef tabar daran aayar u wadid.
wadaamaggoysyo
Cutub xiddigo oo ka mid ah kuwa koonfur, waa if xiddigood afar baase ah u iftiin badan oo ishu si fudud u qaban kartaa, afartu waxay u egyihiin istalaab oo waxaa loo yaqaan istallaabta koofur,
wadaamagooye
Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad- badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.
wadaamaqubo.
ld wadaamaggoys, wadaamaqubo.
wadaamaxooro
Wadaamaggoys. ld wadaa- maxoor.
wadaan
Weel harag, cinjir iwm ka samaysan oo gadaw iyo daddoobbo leh oo inta dawlis lagu xiro ceelasha lagu shubo ama biyaha loogala soo baxo.
wadahadal
Dood dhex marta laba qof ama ka badan.
wadahadalsii
Laba qof ama in ka badan in ay wadahadlaan isu keenid.
wadajir
Wax wada socda.
wadar
Tiro ama in mid ka badan. Tus. “W. iyo waaxid”.
wadar-xigsineed
(xis.) Wadar xigsineedka fansaar ee dhawr doorsoome, f(x1, x2, x3,...) waa fansaarka ku siinaya wadarta tibxaha (df/dx2) dxi taas oo i ay u dhexayso 1 ilaa n.
wadayaal
Dad isku xeer ah oo degaan si nabadgelyo ah ugu wada nool. ld wadataal.
wadci
Sida lagu sugan yahay; xaalad; sah.
waddac
1. Lix beri oo sunno ah oo laga soomo bisha soonfur. 2. ld waddacid.
waddacid
ld waddac¹.
waddan
Dhul leh xuduud, xukun iwm oo u gaar ah.
waddani
Qof waddankiisa aad u jecel.
waddaninnimo
Waddani ahaansho.
waddaniyad
Jeclaan siyaasadda madax- banaan ee dalka.
waddar
1. Cid si khayaano ama xoog badan ku dilid. 2. Ambin; luggoyn. ld wedder².
waddarid
ld waddar¹, wedder¹, wedderid.
waddaysan
1. Badeeco wax si nadaamsan isu dulsaaran ahaansho. 2. Meel wax waddo laga dhigay ahaansho.
waddaysnaan
ld waddaysnaansho.
waddaysnaansho
/dh ld waddaysnaan.
waddee
/mg2 (-deeyay, -daysay) 1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.
waddo
Dhul falan oo la maro; jid; dhabbe; marin; hilin; daw.
waddo-caanood
Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. ld waddo-hunguri.
waddo-dhaan
Dhabbaha dhaanku maro.
waddo-halaq
Waddada ay maraan xamaaratadu.
waddo-hunguri
wahsi²
waddoohiye
W. ah: jid aad u ballaaran ama aad loo maro.
wade
1. Qof baabuurta wadi yaqaan. 2. Meel dad badan isugu yimaadaan, ninka dadka gaarsiiya hadalka qofka hadalka jeedinaaya.
wadeecee
1. Wax waxaan Ilaahay mooyee cid kale ilaalinayn ka dhigid. 2. Wax dayicid.
wadeeco
1. W. ah: wax Ilaahay mooyee aan cid kale ilaalinayn. 2. Wax la dayacay.
wadeecow
Wax wadeecoobay noqosho.
wadey
Jaal; saaxiib; rafiiq.
wadiiqo
Jid yar, dhuuban oo gaaban.
wadki-arag
Cantalyaa, coomaadi. ld wedki-arag.
wadnabbaab
Dhicid iyo miyirdoorsan yar oo tabarxumo ama dhiigyaridu sababto.
wadnafug
Cabsi aad u badan. ld wadnafow.
wadnala'
Qof cabsi badan ahaansho.
wadnala'aan
'. ld wadnala'aansho.
wadnala'aansho
/dh ld wadnala'aan.
wadnaqabad
1. W. ah: qof aad u dhib badan oo la karaahiyaysto. 2. ld wadnaqabasho.
wadnaqabasho
ld wadnaqabad (2).
wadnaqabo
1. Cid wadnaha xanuunayaa ahaansho. 2. Qof wadnaqabad ah ahaansho.
wadnaysan
Wax dhaawac halis ah qaba ahaansho.
wadnaysnaan
ld wadnaysnaansho.
wadnaysnaansho
/dh ld wadnaysnaan.
wadne
Xubin muruq ka samaysan, hoos ka daloosha oo leh qaab toobineed kuna sugan bartamaha saableyda, afkiisuna uu yaraha bidix u janjeero, ahna xubin dhexaadka dhiigga jirka u gudbisa. ld wadno.
wadne-roor
Garaaca wadnaha oo ka bata qiyaastii caadiga ahayd.
wadne-wareen
Xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed. Astaamo: xanuun aad u xoog weyn oo lama filaan ah oo laga dareemo sida badan naaska bidixeed hoostisa, wuxuuna u fidi karaa xagga garabka, gacanta iyo luqunta.
wadnejoogsi
Joogsashada garaca wadnaha oo badanaa dhacda marka muruqyada bilaabaan inay si dhakhso badan u garaacaan dhiigna ayan soo saareyn (fibrilleshin) ama wadnahuba joosado.
wado
1. Xoolo, dad, gaadiid iwm kaxaysasho. 2. Hawl la qabanaayey sii fulin.
wafdi
Dad maamul ka mus'uul ah oo meel loo diro. ld wefdi.
wagan
1. Koox fardo ah oo meel wada jooga. 2. Xayn; koox.
wagarad
Suun kooraha fardaha docdiisa ka laadlaada, oo inta hoos iyo faraska boggiisa la soo mariyo, kooraha docdiisa kale afka loo suro ama si kale oo xoog leh loogu xiro, oo kooraha xejiya. ld wegered.
wagaradee
Wagaradka u xirid ama giijin (faras). ld wegeredee.
wagaradeyn
ld we- geredeyn.
wągdo
Qaabxumo yar oo lugaha gasha oo ay gedow ama labo qaanso oo afafka isku haya oo kale u ekaadaan. ld hogfo, wegdo.
wah
Erey dareen oo yaabka tilmaama.
wąh
1. W. dheh: ballaqmid. 2. W. ka sii: wax ballaqid (albaab).
wahab
1. Qabow qoyaan reeba oo habeenkii soo dhaca; dheel; nadwad. waayo; 2. Culays qof hurda fuula oo uu la kici habbiso.
wahan
Welwel.

