wallamaad
Neef jar ah; ahmin.
walo
Bahal yar oo jiirka u eg oo dhogor jilicsan cawl ah iyo gafuur dheer leh.
walow
xi. 1. (nax.) Xataa, xataaba. Tus. “Walow anigu waan aqaan”. 2. (nax.) In kastoo. Tus. “Dadka si caddaalad wax ugu qabo, walow taa ay adag tahay”.
walqal
Neef lagu allabaryo oo ilmo dhashay loogu duceeyo. ld wanqal, waqlal¹.
walqalid
ld waqlalid.
walwal
Cid walbahaarid. ld warwar², welwel², werwer². 839walwali
walwali
Qof murugayn. ld warwari, welweli, werweri.
walwalid
ld warwarid, welwelid, werwerid.
walwalin
ld warwarin, welwelin, werwerin.
walwalsan
Ka w.: wax welwel hayo ahaansho. ld warwarsan, welwelsan, werwersan.
walwalsanaan
ld walwalsanaansho, warwarsanaan, warwarsanaansho.
walwalsanaansho
/dh ld walwalsanaan.
wamme
Geed yar oo jilicsan oo lugtool ah oo korna ubax qurux badan ku yeesha, hoosna buruq kuusan oo kulul oo biir leh, oo xoolaha lagu dhacariyo, layskuna daweeyo. ld mawe.
wan
Idaha kooda lab.
wanaag
Wixii fiican oo waxtar leh; samo.
wanaagsan
1. Wax wanaag leh ahaansho. 2. Ku w.: wax, wax gaar ah ku habboon ahaansho.
wanaagsanaan
ld wanaagsanaansho.
wanaagsanaansho
/dh eeg wanaagsanow. ld wanaagsanaan.
wanaagsanow
Wax wanaag leh noqosho.
wanaagso
Wax si fiican u suubsasho.
wanaaji
1. Wax wanaagsan ka dhigid. 2. Cid wanaag u samayn.
wanaajin
ld wanaajis.
wanantume
Qori geed jilicsan ka samaysan oo leh qaab burris ama dubbe oo wananka lagu tumo; tutume.
wancad
Geed dhirta wax lagu daaweeyo ka mid ah, cudbina ka baxo; soome; soomaggale.
wandhar
Hilib sidii sar la dhisay loo kala baxshay, loo safay. ld wandharid.
wandharan
Wax la wandharay ahaansho.
wandharid
ld wandhar¹.
wandharnaan
wandharan. ld wandharnaansho.
wandharnaansho
/dh ld wandharnaan.
waneey
/dh Neef ari ah.
wanjaaci
Ka w.: wax cid ka leexin.
wankalaali
Bootin dheer oo fardaha iwm sameeyaan. ld wankalaalis.
wankalaalin
ld wankalaali¹, wankalaalis.
wanniq
Geednagaar caleemo yaryar iyo laamo dhuudhuuban leh.
wanqaari
Qof dhibaato jir u geysasho. Tus. “Caasho wiilkii bay wanqaartay”.
wanqar
1. (xis.) Guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaranyahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddel karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed.
wanqaran
Wax la wanqaray ahaansho (nafley).
wanqareed
2. (xis.) Shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. waa Xarafka A wanqaranyahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar.
wanqarnaan
ld wanqarnaansho.
wanqarnaansho
/dh ld wanqarnaan.
wanshiir
Nafley daalid.
wansiix
Caano la lulayo firfir ama subag yeelasho.
wansiixi
Caano wansiix ka dhigid.
wansiixid
waraar
wansiixsan
Caano la lulay wax wansiixay ahaansho.
wansiixsanaan
ld wansiixsanaansho.
wansiixsanaansho
/dh ld wansiixsanaan.
waq
1. ld waaq. 2. Lifaaq xagga hore kaga daba karma magacuyaalka oo ka dhiga hawl weligeedba socota. Tus. “ Waqay, waqood”.
waqaf
Hanti maguurto ah oo Ilaah dartiis loo hibeeyay.
waqal
1. Daruur biyeysan. 2. Roob.
waqcad
1. Waxyeello weyn. 2. Goob dagaal taariikhdiisa la wada hayaa uu ka dhacay. 3. Dagaal caan ah.
waqdhaac
Xoolo Allabari dartiis u qalid.
waqdhaacid
ld waqdhaac¹.
waqdhaacin
Xoolo Ilaah dartiis loo qalo oo lagu ducaysto. ld waqdhaac¹.
waqdhis
Dhismo meel laga taago oo lagu xusuusanayo qofdhintay oo qabrigiisu meel kale ku yaal.
waqti
Summad t. Xaddiga sahla in aynu kala saarno laba dhacdo oo isku mid ah, kana dhacay isku meel. Gaalis u dhexeeya labadaa dhacdo ayaa ah aasaaska cabbirka waqtiga.
waqtilumis
1. Waqtiga oo aan laga faa'iidaysan. 2. Waxyaabo laysku maaweeliyo oo waqtiga laysku dhaafiyo, sida shax, turub iwm.
waqtiqaado
Raaxaysasho.
war4
Wax qorrax iyo dabayl u dhigid.
waraab
Biyo cabbid.
waraabadadow
W. ah: qof qori isku dhufta oo waraabe isu beddela; qori-ismaris (sheko-baralay).
waraabalahadal
W. ah: qof cida dhurwaaga yaqaan oo fasira.
waraabaqandhis
Caano dhaynimo ka baxay oo aan aad u suusucin.
waraabe
Dhurwaa.
waraabe-ligis
Nooc waraabaha ka mid ah oo meesha uu qaniino aysan dhaqso bogsan.
waraabi
1. Cid oomman biyo la cabbo siin. 2. Beer oomman biyo ku duwid.
waraabid
ld waraab¹.
waraabin
ld waraabis.
waraabow
1. Waraabe noqosho. 2. Wax hilib badan cuna noqosho.
waraabsan
1. Nafley wax la waraabiyey ahaansho. 2. Beer wax biyo lagu sii daayey ahaansho.
waraabsanaan
ld waraabsanaansho.
waraabsanaansho
/dh ld waraabsanaan.
waraabso
1. Nafley oomman biyo siisasho. 2. Beer oomman biyo ku duwasho.
waraaq
1. Baalaal xalxalleefsan, jilicsan oo badanaa wax lagu qorto. 2. Xaashi qoran oo laysu diro. ld warqad.
waraar
1. Neef iwm oo inta wada jir loo qasho qiimihiisa la qaybsado. 2. Oogada nafleyda meel ka mid ah; duud; waraq. 3. Buur gollaheeda; jeex.

