wahsasho
ld wahsad, wahsi¹.
wahsi
Astaan maatarku leeyahay, ee sababta in ay walaxi iska caabbido isbeddelka ku imaan kara xaaladdeeda socod ama negi.
wahso
Hawl caajisnimo darteed la qaban waayid.
wahwah
Eyga cigiisa.
wajac
1. Xanuun yar. 2. Cudur weylaha ku dhaca oo ay la jibaadaan.
wajacsan
Wax wajac hayo ahaansho.
wajacsanaan
ld wajacsanaansho.
wajacsanaansho
/dh ld wajacsanaan.
wajahad
(fiis.) Jiidda dhulka dushiisa ah ee u dhexaysa kalana saarta cufaf hawo qabow iyo mid diirran ah.
wajaq
Waalli daran oo qofka lala qaban waayo.
waji-nasasho
Heer meertada unugga ah, oo ah marka unuggu diyaarinayo qaybsanka bu'da. Heerkan DNA-du way badataa si ay u soo saarto unugyo ku filan oo mataanaysan.
waji-tabaabulshe
(baay.) Heerka ugu horreeya qaybsanka bu'da, taas oo koromosoomyada iyo koromaatidhyadu aad u muuqdaan halka ay bu' yarada iyo xuubka bu'du ay bilaabaan inay baaba'aan.
wajiin
Caajiska qabowgu habeenkii jirka nafleyda geliyo.
wajiine
Xilli roob oo u dhexeeya bilaha nofembar iyo jannaayo oo roob ka da'o xeebaha Nugaal iyo Bari. ld wejiine.
wajimacbuus
Qof dabci xun oo had iyo jeer in uu caraysan yahay la moodo.
wajimacbuusnimo
Wajimacbuus ahaansho.
wajixumo
Ceeb weyn. Tus. “Cali arrintii uu galay w. ayaa ka raacday”.
wakaakib
Xiddigaha oo laga faaliyo; kawaakib; fal; sixir.
wakaalad
1. Hay'ad dawladeed oo hawl gaar ah u qaybsan oo wasaarad hoos tagta. 2. Warqad si sharci ah u qoran oo qofka haysta siisa karti uu dano ama hawlo qof kale leeyahay ku maamulo oo wakiil uga ahaado.
wakaayo
Hanti yar oo xoolo nool ah.
waki
Nafley dhutin. 838
wakiil
Qof si sharci ah u maamula hawlo cid kale leedahay.
wakiilnimo
Wakiil ahaansho.
wakiilo
Cid kale wakiil ka dhigasho.
wal
: nin kastaba. 2. W.ba: kasta. ld walba.
walaabi
Naag si sharci darro ah loogu galmoodo ama jirkeeda iibsata; dhillo.
walaac
Iahawareer; isla-hadal; walwal.
walaacsan
Wax walaac hayo ahaansho.
walaacsanaan
ld walaacsanaansho.
walaacsanaansho
/dh ld walaacsanaan.
walaahow
Wax aan laga maarmin waxna aan tarayn dareemid.
walaakiin
xi. ld laakiin.
walaal
Gabar waxa ay u tahay gabar ama wiil ay wada dhasheen.
walaalee
Walaalo ka dhigid (cid).
walaalnimo
Walaal ahaan. ld walaaltinnimo, walaaltooyo.
walaalow
Walaalo noqosho.
walaaq
1. Wax la rabo in ay isdhexgalaan qasid. 2. Meel deggan qas ka kicin.
walaaqan
Wax la walaaqay ahaansho.
walaaqid
ld walaaq¹.
walaaqnaan
ld walaaqnaansho.
walaaqnaansho
/dh ld walaaqnaan.
walaayati
1. Dhar cudbi ah oo dun caddaan iyo madow isugu jirta ka samaysan.walwal² 2. W. ah: waxyaalaha dibbadda laga keeno, sida dharka, qalabka guryaha iwm kan ugu jaad fiican; asli.
walaayo
1. Mas'uuliyadda aabbaha ka saaran mehrinta gabadhiisa. 2. Ardi w.: dhul fog; dhul shisheeye.
walacsasho
ld walacsi.
walacso
Ku w.: cid wax aan la siinayn tusid.
walag
Karid la'aanta aan la karin ereyada qaarkood.
walagaleen
Godod yaryar, afaf badan leh, kana samaysma meelaha didibka ah, oo bahalladu galaan.
walalac
1. Hillaac weyn ama is- haysta muuqashadi, baalqaadki. 2. Iftiin kasta oo sida kan hilaacaas isha mar u mara. ld walac.
walalaclayn
ld walaclayn.
walalaclee
Roob hillaac bixin. ld walaclee.
walambo
1. Dhis yar, dusha ka dedan oo la harsado. 2. Aqal yar, dhismo liita leh oo dad sabool ahi ku hoydaan.
walanqe
Hilib ay baruurtiisu badantahay, sida kan legga, mudka iwm. ld walanqo.
walasaqo
Nooc ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed oo leh or, sacab iyo jaan.
walax
Shay; wax.
walba
s. ld wal.
walbahaar
Welwel, murugo.
walcan
Waalid; ab; isir.
walcasho
ld walcad.
walci
Hoore weel ku jira qar ka daadin; balqin.
walco
Hoore weel ku jira qar ka daadasho.
waldaami
Wax culus iyadoo labada dhinac la hayo kor u qaadid. ld walwaal.
waldaamin
ld walwaalid.
waldabaani
Xoolo meel ku celcelin.
waldabaanin
ld waldabaanis.
waleecaad
Waxyeello; dhibaato; inkaar; hoog.
walho
Wax si joogto ah hadba dhinac ugu iilasho.
waliil
Gariirid, qarqarid, jarayn.
waliimo
Martisoor weyn oo marti sharaf lagu maamuuso.
wallaahi
Dhaar magaca Alle lagu dhaarto. ld walle.
wallac
dareemid.
wallacsan
Naag wax wallac hayo ahaansho.
wallacsanaan
ld wallacsanaansho.
wallacsanaansho
/dh ld wallacsanaan.

